Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Cusmaan Caato oo loo diiday inuu Muqdisho tago

Recommended Posts

Baydhabo (PP) – Wararka ka imaanaya Baydhabo ayaa waxay sheegayaan in Xildhibaan Cusmaan Caato loo diiday inuu ka baxo Magalaada Kismaayo, isla markaana lagu amray inuu joogo.

 

 

 

Cismaan Caato oo haatan ku sugan Baydhabo ayaa wararka ka imaanaya Baydhabo waxay sheegayaan in amarka lagu hakiyay socod uu ku imaan lahaa Muqdisho ay tahay mid ay ka dambeeyaan saraakiisha Soomaalida ah iyo kuwa Ethiopian-ka ah ee ku sugan Baydhabo.

 

 

 

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Cismaan Caato sababaha loo diiday inuu Muqdisho yimaado ay tahay isagoo laga dareemay dhaqdhaaqyo aad u xoog badan oo uu ka wado Baydhabo, waxaana la sheegay in laga baqdin qabo inuu sii xoojiyo dhibaatooyinka ka jira Muqdisho.

 

 

Cismaan Caato oo ahaa hoggaamiye kooxeedkii ugu horreeyay ee taageeray Maxkamadaha ayaa laga codsaday inuu dhiibo hubka uu haysto, balse wuxuu sheegay inuusan wax hub ah haysan oo hubkiisii ay la tageen Maxkamadihii Midoobay.

 

 

 

Sidoo kale Baydhabo ayaa waxaa ku sugan hoggaamiye kooxeedyadii Muqdisho oo ay ka mid yihiin: Cumar Filish, Muuse Suudi, Bootaan Ciise iyo kuwo, kuwaasoo ku xayiran dhammaantood Baydhabo, loona diiday sida la sheegay inay u soo baqoolaan Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this