Sign in to follow this  
Yoonis_Cadue

VP-President of PSS opens Local Government office in the Capital

Recommended Posts

Garoowe - 20.October.2005

 

awa_xasan.jpg

 

Munaasabada ballaaran oo caawa lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa xarigga lagaga jaray xarun cusub oo ay yeelatay wasaaradda dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga. Madaxweyne kuxigeenka Puntland, ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Puntland, Xasan Daahir Afqurac ayaa xarigga ka jaray dhismahan cusub waxana uu u hambalyeeyey wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare.

 

Xafladdii furitaanka xarunta cusub ee wasaaradda dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ayaa waxaa ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaraddaas, Ismaaciil Maxamed Warsame, waxana uu sharraxaad kooban ka bixiyey ujeeddada munaasabaddan, isaga oo ku wareejiyey hadalkii wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare.

 

Wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare, waxaa uu ka hadlay qiimaha munaasabaddan waxana uu u mahad celiyey mas’uuliyiintii iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay, waxana uu ku nuux-nuuxsaday marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay wasaaraddu.

 

Waxaa uu sheegay wasiirku in ay wasaaraddani ahayd banka unug dhowaan la yagleeyay haatanna ay marayso meel wanaagsan waxqabadkeeduna uu yahay mid muuqda.

 

Mar uu ka hadlayey hawlaha kala duwan ee ay wasaaraddu xilligan waddo gaar ahaan dhismayaasha golayaasha deegaanka, waxaa uu sheegay in inta lagu jiro bisha Ramadaanka ilaa iyo 4 degmo oo ku yaal Puntland laga hirgelin doono dhismayaasha golayaasha deegaanka iyadoo shuruucdii lagu dhaqi lahaanna horay loo diyaariyey.

 

Madaxweyne kuxigeenka Puntland, ahna sii hayaha xilka madaxweynaha Puntland, Md. Xasan Daahir Afqurac, oo ka hadlayey xafladdan ayaa dadweynaha ka codsaday in amniga la adkeeyo isaga oo xusay in ay beryahan soo baxeen dhallinyaro amniga wax u dhimaya isla markaasna ay dawladdu hawlgal cad oo ay kaga hor tegeyso waxna ay kaga qabaneyso ay soo saartay.

 

Munaasabaddii furitaanka dhismaha cusub ee wasaaradda dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ayaa waxaa ka qayb galay xubnaha golaha wasiirrada Puntland, xubnaha golaha wakiillada Puntland iyo marti sharaf kale.

 

Mas’uuliyiintii ka hadashay xafladdan ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha baarlamanka Puntland, Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf, waxana soo xiray munaasabaddan madaxweyne kuxigeenka Puntland, Xasan Daahir Afqurac.

 

Dhismaha cusub ee wasaaradda dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ayaa ah dhismihii ugu horreeyey ee wasaaradeed ee Puntland si dhammays tiran looga taago tan iyo sannadkii 1986, waxana uu ku yaal dhinaca galbeed ee magaalada Garoowe gaar ahaan agagaarka garoonka kubadda cagta ee Mire Awaare.

 

Munaasabaddii xarigga looga jarayey caawa dhismaha cusub ee wasaaradda dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga ayaa waxay ku soo dhammaatay jawi aad u wanaagsan iyo sidii loogu tala galay.

 

xarig_jar.jpg

 

xasan_far_xab.jpg

 

cadaan_madow.jpg

 

xarun_was.jpg

 

dalmar_wasaarad.jpg

 

xasan_afqurac.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this