Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Baarlamaanka Somaliland oo laga codsaday inay dedejiyaan ansixinta Sharciga Dhulka

Recommended Posts

Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland Oo Ka Dalbaday Wakiilada Inay Si degdega u ansixiyaan Xeerka Dhulka “Saharciga dhulku.... Dastuurka”.

 

 

hadhwanaag 2007-07-02 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):-Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed ayaa ka codsaday Golaha Wakiiladu inay si deg-dega u ansixiyaan Xeerka dhulka,oo uu ku tilmaamay sharciyeyntiisu inay muddo todoba sanadooda dhex wareegeysanayey Sadexda Gole.

 

Sida waxa uu wasiirku ku sheegay mar shalay hortagay fadhigii Golaha Wakiilada oo uu gudoominayey Gudoomiye ku-xigeenka kowaad ee Golahaasi CabadiCasiis Maxamed Samaale, oo uu ka jeediyey war-bixin ku saabsan xeerka dhulka oo doodiisu maalmihii u danbeeyey ka socotay xarunta Golaha.

 

“Waad ogtihiin waxaanu idinka Caawinaa wadooyinka, dhismayaasha quruxda Magaalada,nin waliba markay Gurigiisa timaado waa laga yaaba inuu jecel yahay in wadada laga leexiyo, hortiisa markay mareyso inay yaraato, markaa ninka awooda dhulka bixinta lehi waa inaanu yeelan awooda nashqad ka bedelida. Haddu awooda nashqad ka bedelida uu yeesho waxa dhacaysaa inay wadooyinku qal-qaloocdaan” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Siciid Sulub Maxamed oo sharaxaad ka bixinayey inay dhibaato iyo mukhilad noqonayso hadii qof kaliyaatii uu keligii isku qabto nashqadeynta iyo dhulka bixintiisa.

 

Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland Siciid Sulub Maxamed waxa uu iftiimiyey inaanay dawlda dhexe wax luga ku lahayn dawlada hoose arrimaha Maamulka dhulka, isaga oo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Markaa, wax awooda oo faro-gelin gaara kuma laha Dawlada dhexe dawlada hoose oo aan ahayn sharciga la sameynayo ee ah kan ay Golaha wakiiladu ansixindoonaan ee ay Golaha Guurtidu idiinka danbeyndoonto ee Xukuumada imandoonaa waa in kaa lagu maamulmaa”

 

Md. Siciid Sulub Maxamed waxa uu tilmaamay inaynu nahay Qaran, isla markaana aynaan sharciga dhulka degmo qudha wax loo sameyn, waa inuu sharcigu dalka oodhan ka wada jiraa oo degmo kasta lagu maamulaa, ayuu yidhi.

 

“Tusaale ahaan, Un-Habitat oo Dawlada hoose caawisa shir aanu maalin dhaweyd yeelanay, waxay noo sheen dhowr degmo oo ay ka mid yihiin degmada Boorame, Hargeysa, Burco, Berbera ay degmo kasta ugu tageen shuruuuc gaara [Dhulka], oo aanay degmo degmo la wadaagin, Waanu ku ogayn annagu [Xukuumadu] waxaanu sugeynay inaan faro-gelin ilaa inta sharciga la ansixinayo, oo sharcigii dhulka hoos imanayey ciddkasta awoodiisa u gaaryeelayey” ayuu yidhi Siciid Sulub.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Marka Xeerka la sameynayo waxa laga yaabaa inay dad qaar u fikiraan wacdiga markaa jiraa oo qudha in loo sameeyo, Waxaan qabaa [siciid Sulub] idinkuna aad qabtaan hadaad tihiin sharci dejintii sharcigu inuu yahay mid lagu dhaqmi karo boqolaal sano oo loogu talo-galo wacdiga imika jira iyo duruufaha soo socda”

 

“Sharcigu maaha mid la leekaysiiyo cida markaa xukunka gacanta ku haysa, haday dawlad dhexe tahay iyo haday dawlad hosoose tahay” ayuu yidhi

 

Wasiirka Hawlaha Guud iyo guryeynta Somaliland waxa uu soo jeediyey inuu sharciga loo ansixinayaa dhulka, inuu noqdo mid dadka oo dhan wada deeqa.“Waa inuu sharciga ka fikiraa ninka sharciga hayaa berito marka uu suuqa tago Wasiirku, xildhibaanku mid walba uu deeqo, hadii kuraasidu is-bedesho oo ay isku bedesho dawlada dhexe mid dawlad hoose iyo xeer-dejini waa inay noqoto mid aanay wax iska bedelin” ayuu yidhi.

 

“Xeerkii hore ee [dhulku] waxa uu kala saarayey nashqada guud oo ay leedahay dawlada dhexe, iyo qeybinta dhulka oo ay leedahay dawlada hoose Waana laba awoodood oo isku dheeli-tiran oo isna ilaalinaayaa, suurta-galna maaha cida sameynaysaa nashaqadayntu inay hadana wax fuliso oo ay awood wax bedelka yeelato” ayuu yidhi Wasiirku

 

“Waxa lagama maarmaan ah, in sharcigan dhulku waafaqsanaado Dastuurkeena, kuna cadaato awooda dawlada dhexe iyo dawlada Hoose, sida sameynta nashqadeynta iyo ku ilaalinteeda waxa leh dawlada dhexe. Qeybinta dhulka iyo fulintiisa waxa leh Dawlada hoose, muujinta iyo adkeynta dhulka danta guud iyo inaan dan gaara loo isticmaali karin waxa maamulaysaa oo dusha ka eegeysaa dawlada dhexe” ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo guryeynta Siciid Sulub Maxamed.

 

Md. Siciid Sulub waxa uu soo jeediyey inay xeerkan dhulka ay ku cadaato sidii ay Maxkamada Sare u soo celisay ama Golaha Wasiiradu uga dooday qaab cad oo lagu xililo wixii murana ee dhulka.

 

Wasiirka hawlaha guud iyo Guryeynta Somaliland Siciid Sulub waxa uu cadeeyey inuu xeerkan dhulka ee Golaha wakiilada horyaala uu madmadow badan ku jiro, isla markaana uu xeerkii hore ka fiicnaa oo ay xildhibaanadu indhaha u furaan.“Sharcigii hore dhulka ee la ansixiyey waxa uu ka koobnaa 35 qodob., oo badanaa aan lahayn galdaloolooyin iyo hadal dhinacyo badan loo dhigi karo, kana [sharciga dhulka] waxa uu ka kooban yahay 66 qodob oo isku soo noqnoqonaayaa, markaa waxaan ka codsanayaa xildhibaanada Golaha Wakiilada taasna is-barbar dhig ku sameeyaan” ayuu yidhi

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu inyaa raaciyey oo uu yidhi. “Waxaanu wasaarad Hawlaha guud ahaan ku talinaynaa in loo noqdo xeerkii hore Xeer No 17aad ee la ansixiyey 26 june 2003, wax ka bedel iyo Kaabid uun lagu sameeyo oo sida uu u dhignaa qodob qodob loogu noqdo wixii aad gole ahaan ka badaleysaan iyo wixii aad ku kaabaysaan ee lagu sameynayo”

 

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Md. Siciid Sulub Maxamed ayaa waxa uu hoosta ka xaqiiqay inuu sharcigan dhulku muddo todoba Sanadoona uu dhex wareegeyey sadex Gole, isla markaana waxa uu tilmaamay inay haboon tahay in si degdega loo ansixiyo si loo helo sharci la isla ogyahay oo dhaqangal ah, suurtagelinkaraa,wixii mushaakila ee dhulku leeyahay sameyn karana magaalooyin bilic leh.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^What is Sharciga Dhulka? I can't be bothered to read all of it. Anwayz your copy&paste is getting out of control nowadays, some irrelevants.

Share this post


Link to post
Share on other sites

how is it irrelevant to you if you don't/can't understand them ??

 

 

It is a news sxb so enjoy it ,,,,, :D

 

 

sharciga dhulka: The Law of the Landmark (i guess so, me no good at engrish u know) :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this