Sign in to follow this  
General Duke

Xasan Turki Vs Meiji's Mogadishu society

Recommended Posts

Sheekh%20Xasan%20Turki1.JPG

 

Sheekh Xasan Turki oo ka jawaabay Eedaymo ay ujeediyeen Wasiiro iyo Xildhibaano Dowladda ugu jira Beesha ******. 24 May 2009

Posted to the Web 24 May 09, 09:49

 

Sarkaal katirsan Kooxaha Islaamiyiinta Somalia ayaa markii ugu horaysay ka hadlay dagaalada qaraar ee Mudada 4-ta Isbuuc ah ka socdo magaalada Muqdisho.

 

Kadib markii ay dowlada Federaalka Somalia ku eedaysay Xubno Islaamiyiinta katirsan in qaab qabiil ay dagaalada uga wadaan Muqdisho ayuu arrinkaas ka jawaabay Sheekh Xasan Turki.

Sheekh C/laahi Xirsi (Xasan Turki) ayaa ka jawaabay eedayn uu dhawaan usoo jeediyay Wasiirka Cadaaladda C/raxmaan Janaqoow iyo Xildhibaano dowlada katirsan oo uhadlay beesha ******.

 

Xasann Turki wuxuu sheegay in iyagu aysan ku shaqayn qaab qabiil islamarkaana ay yihiin dagaalyahano doonayo dhismaha dowlad Islaami ah sida uu hadalka udhigay.

 

"Waxaan layaabanahay kuwa leh ****** ayaan nahay ee Ganasatadii Canshuur adag dul saaray hadana doonaya in dekadihii canshuur la'aanta ahaa xiraan,hadaad Hawiyaha aad sheegaysaan unaxaysaan maxaad Madaafiicda ugu garaacaysaan shacabka masaakiimta ah" ayuu yiri Sheekh Xasan Turki.

Wadaadkan oo dhawaan Muqdisho yimid isagoo wata boqolaal Ciidan gurmad ah ayaa wacad ku maray in ay dagaalka kusii wedayaan Dowladda FKG iyo Ciidanka AMISOM.

 

Sheekh Xasan Turki wuxuu ku dhaartay in magaalooyinka dalka Somalia loo simanyahay islamarkaana aan qaab qabiil wax lagu dhamay karin dagaalkana ay siiwedayaan.

 

Hadalkan kasoo yeeray Sheekh Xasan Turki ayaa imaanaya xilli dhawaan C/raxmaam Janaqoow uu ku eedeeyay Xasan Turki in uu dagaal aan dhamaad lahayn usoo safriyay dhulka ******.

 

Eedaymahan ay is dhaafsanayaan dhinacyada hubaysan ayaa dhibaata ku ah shacabka Marasta ah ee lagu dul dagaalamayo.

 

 

Cadaado.com Isha Wararka Somalida

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Xasan Turki "Nimankaan ku qeylinaya beelaha ******, maad AMISOM ka qabataan shacabkiinan Madaafiicda lagu gumaadayo"

 

Sheekh Xasan Cabdalla Xirsi (Alturki) ayaa markii u horeysay ka hadlay dagaalada galay labo todobaad ee u dhaxeeya Kooxaha Mucaaradka Islaamiyiinta iyo Dowladda KMG, isagoona wacad ku maray inay dagaalada sii wadayaan.

 

Sheekh Xasan Turki oo ka jawaabayay eedeymo ay u jeedinayeen maalmihii u dambeeyo Xubno ka tirsan Dowladda ee ka soo jeeda Beelaha ******, ee ahaa inuu duulaan ku yahay shacabka ******, kana soo duulay deegaanada Kudhaa ayaa waxaa uu arrintaas kaga jawaabay si kulul, isagoona tilmaamay in aanay jirin dhul ka kala leeyahay.

 

Waxaa uu sheegay in halgankooda aanu ku saleysneyn qaab qabiil, waxaana uu cadeeyay in magaalada Muqdisho aanay qabiil lagu soo duulin, isagoona intaa ku daray in dagaalada ay sii wadayaan.

 

"Nimankaan ku qeylinaya beelaha ******, maad AMISOM ka qabataan shacabkiinan Madaafiicda lagu gumaadayo"ayuu yiri Sheekh Xasan Turki oo ka jawaabayay eedeymo uu u soo jeediyay Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Sheekh C/raxmaan Janaqow.

 

Sheekh Xasan Turki ayaa sidoo kale go'aan aan micno laheyn ku tilmaamay cunaqabateyntii IGAD iyo Midowga Afrika ku soo rogeen Garoomada iyo Dekedaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha Islaamiyiinta, isagoona tibaaxay in aanu wax saameyn ah uu ku yeelan doonin.

 

"Waxaan layaabanahay kuwa leh ****** ayaan nahay ee Ganacsatadii Canshuur adag dul saaray hadana doonaya in Dekadihii canshuur la'aanta ahaa xiraan, hadaad Hawiyaha aad sheegaysaan u naxaysaan maxaad Madaafiicda ugu garaacaysan shacabka masaakiimta ah"ayuu mar kale ku celiyay Sheekh Xasan Turki oo iska fogeynayay inuu ku soo duulay shacabka ****** oo uu meel fog uga yimid inuu baab'iyo.

 

Waxaa uu sheegay in magaalooyinka Soomaaliya oo idil loo siman yahay, isla markaana aanay jirin cid si gaar ah u leh, waxaana uu ku nuux nuuxsaday in qaab qabiil aan wax lagu dhameyn Karin, dagaalkana ay sii wadayaan.

 

Wadaadkan ku jira Liiska waxa uu Mareykanka ugu yeero Argagixisada Caalamiga ayaa dhowaan soo gaaray Magaalada Muqdisho, isaga iyo boqolaal ka tirsan Ciidamadiisa, isagoona si gurmad ahaan ugu yimid.

 

Hooyga wararka Somaliyed

www.Jowhar.com

Jowharcom@hotmail.co m

Jowharcom@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kismaayo: Ciidamo taabacsan Xasan Turki oo ka soo baxay magaalada Kismaayo.

24. maj 2009

 

Kismaayo(AllPuntland )- Ciidamo ka tirsan Jamhada Sheeekh Xasan C/laahi Xirsi oo loo yaqaano (Xasan Turki) ayaa ka soo baxay magaalada Kismaayo, ayagoo ku sii jeeda magaalada Muqdisho oo ay ka jiraan dagaalo udhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya & Kooxaha ka soo horjeeda oo ay qeyb ka yihiin ciidamadan soo baxay.

 

Ciidamada soo baxay oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ee kala duwan ayaa lafilayaa in ay magaalada Muqdisho gaaraan caawa, sida ay sheegayaan Warar madax banaan oo ka soo baxaya gobalada Jubooyinka.

 

Qof goob-jooge ahaa markii ay ciidamadan ka soo baxayeen magaalada Kismaayo ayaa usheegay APL in ay arkayeen gaadiid dagaal oo hubeysan, kana mid ah guutooyinka ka amar qaata Xasan Turki kuna sii jeeda magaalada Muqdisho.

 

Ujeedada ciidamadan ayaan si rasmi ah loo aqoon, inkastoo aysan micne badan u baahneyn oo ay tahay in ay garab-siinayaan ciidamada ka soo horjeeda dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ee ay isku mawqifka yihiin.

 

Kooxaha ka soo horjeeda dowladda KMG ah ayaa balan ku qaaday in ay magaalada Muqdisho oo dhan ay qabsan doonaan, maalinimadii shalay markii ay dowladda Soomaaliya ku fashilantay howlgal ay ku dooneysay in ay ku qabsato goobo muhiim ah oo kuyaala wadada wadnaha, balse uu fashilmay howlgalkaasi, sida ay xaqiijinayaan saraakiil ka tirsan dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Gurmadyada tagaya magaalada Muqdisho ayaa kalsooni balaaran ku abuuraya dhinacyada dagaalamaya, waxaana dad badan oo ku dhaqan magaaladaasi ay cabsi ka qabaan dagaalo lugu hoobta oo ka dhaca magaaladaasi una dhaxeeya dhinacyada isku haya gacan ku heynta magaalada Muqdisho.

 

Wadaadkan Xasan Turki meel uu hada ku sugan yahay ma jirto cid cad ucadeyn karta, waxaase warar madax banaan ay sheegayaan in uu dib ugu laabtay magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya, ka dib markii ay ciidamadiisu qabteen guud ahaan gobalka Shabeelada Dhexe, waxaana uu degan yahay degmada Dayniile, isagoo fariisin ka dhigtay Xaruntii Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ahaa Hogaamiyaashii xooga looga saaray magaalada Muqdisho,xiligii ay sameysteen Ururka La dagaalanka Argagixisada.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

Duke,

 

11 - Subjects: use descriptive topic subject. This will help others find what they want to read. Topics with bad Topic subjects WILL be deleted!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Meiji   

^

 

Clearly this title of Duke is inappropriate and purposefully paints a picture of ''Mogadishu society'' been the clan mentioned in the article.

Share this post


Link to post
Share on other sites

from bad to worse. Siyaad was better! coz of warlords. warlords were better coz Amxaaro. Now our Culumaa/Mashaaikh/Wa rathatul-Ambiyaa are advocating for a violence among themselves, while the innocent civilians will pay the biggest price. Can we say Amxaaro were better?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this