Emperor Posted June 11, 2008 Dhahar: Dibad bax lagu taageerayey heshiiska ay wada gaareen Dowladda iyo Mucaaradka oo ka dhacay Dhahar 11. Juni 2008 Dhahar(AllPuntland)-Dibad bax lagu taageerayey heshiiskii lagu kala saxiixday dalka Jabuuti ayaa maanta ka dhacay degmada Dhahar ee gobolka Sanaag, dibadbaxaasi oo ay soo qaban qaabiyeen maamulka degmada ayaa waxaa ka soo qeybgalay Isimo, maamulka degmada iyo dadweyne fara badan. Guddoomiyaha degmada Dhahar ee maamulka Puntland Salaad Xasan Shire oo ka hadlay dibadbaxaasi ayaa sheegay in ay si weyn u soo dhoweynayaan qodobadii heshiiska ay wada gaareen Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya iyo kooxaha Mucaaradka kaasoo uu ku tilmaamay mid horseedaya nabad ka dhalata dalka Soomaaliya gaar ahaan Koonfurta Soomaaliya. Guddoomiyaha degmada Dhahar ayaa hambalyo u diray dhamaan shacabka Soomaaliyeed isagoo ugu baaqay in ay taageeraan geedi socodka nabada dalka Soomaaliya, wuxuuna intaa raaciyay in maamulkiisa uu u heelan yahay sidii loo dhiiri gelin lahaa dib u heshiisiinta Soomaaliya. Dhanka kale maamulka Puntland ayaa soo dhoweeyay heshiiska ay wada gaareen Dowladda KMG iyo Mucaaradka, Madaxweynaha Puntland Gen. Cadde Muuse Xersi ayaa heshiiskaasi ku tilmaamay tallaabo horumar leh oo dhinaca nabada loo qaaday wuxuuna sidoo kale uu soo dhoweeyay ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo la keeno dalka Soomaaliya, kuwaasi oo meesha ka saaraya joogitaanka ciidamada Itoobiya. C.M.Cali AllPuntland, Garoowe Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted June 11, 2008 Xaflad lugu tageerayo Shirkii lugu heshii siiyey Kooxaha isbahaysiga iyo Mucaaradka Wadanka soomaaliya oo ka Dhacday Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari. Bosaso:-Waxaa maanta ka Dhacday Xarunta Dowlada Hoose ee Degmada Bosaso Xaflad balaaran oo ay ka soo qaybgaleen Maamulka iyo Qaybaha kale ee Bulshadu Xafladaasi oo ay ku soo bandhigeen Shacabka Reer Bosaso iyo Xukuumaduba sida ay ugu qanacsanyihiin soo dhowaynta Heshiiska ay kala Saxiixdeen Dowlada Federalka ah ee Somaliya iyo kooxa Muracaaradka ah. Gudoomiyaha Gobolka Bari ayaa Halkaasi ka Hadlay waxaana uu ku Nuux Nuuxnuuxsaday Sida ay ay Maanta u tahay Guul Macquula oo la taabankaro Heshiika lugu kala Saxiixday Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada Dalkaasi Jabuuti Waxaana ay shegeen inay u dirayaan Hanbalyo iyo bogaadin Shacabka Somaliyeed Meelkastoo ay ku sugan yihiinba. Waxaaa sidoo kale kulankaasi Si wayn ugu soo dhaweeyey Qaybaha kala Duwan ee Ururada Haweenka iyo Dhalinyarada Gobolka Bari waxaana ay sidoo kale ay muujiyeen guud ahaan Masuuliyiinta ka soo qaybgashay kulankaasi sida ay ugu qanacsanyihiin heshiiska wax ku oolka ah ee ay kala saxiixdeen DFKG waxaana ay Mahad uga Celiyeen Ergayga Gaarka ah ee arimaha somaliya Ahmadu Ould Abdllah oo in badan isku mashquuliyey sidii loo heli lahaa xasilooni iyo Deganaansho ka Curata wadanka somaliya. Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Wershedaha DGPL oo Xafladaasi soo Xiray ayaa ku Nuux nuuxsaday sida ay mihiim ugu tahay dalka iyo dadkuba maanta inay helaan Xukuumad Cadaakaa waxaana uu sheegay wasiirku inay talaabadani tahay mida keliya ee ay Dowlada somaliya maanta ku gaari karto horumar la taaban karo. Radio Dhahar/Bosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted June 11, 2008 Xaflad Logu Taageerayo Heshiiskii Jabuuti oo Kadhacday Boosaso. Kulankani oo ujeedada loo soo qaban qaabiyey aheyd Taageerida hishiiskii ay ku gaareen magaalada jabuuti DFKMG iyo Mucaaradka ayaa maanta lagu qabtey hoyga laga maamulo Degmada Bosaso ee xarunta G/Bari. Maamulka G/Bari wasiiro katirsan DGPL qaybaha kaladuwan bulshada kudhaqan mag bsso ayaa goobjoog ka ,ahaa kulan ka lagu ayidayo hishiiskii jabuuti lagu gaarey magalada jabuuti. Kulankan taageerada ah Eemaanta lagu qabtey xarunta D/hoose ee Magaalada Boosaaso ee xarunta G/Bari waxaa masuuliyiintiikasocotey DGPL kusoo dhaweeyay gudoomiyaha G/Bari Muuse geele yuusuf faroole oo isagu ah masuulka ugu sareeya G/Bari. Goobta xaflada kasocotey marqura waxaa sawaxankeeda kiciyey lataliyaha Madaxweynaha DGPL Barqad Cali Saalax oo goobta munaasabada ay kasocotey dareen ahaan siweyn ukiciyey. Wasiirka ganacsiga DGPL C/samad Yuusuf maxamed Abwaan oo goota kahadley ayaa sheegay in hishiiskani uu muhiim uyahay umada soomaaliyed hirgelinteedana lagala qeybgalo DFKMG iyo mucaarad Iasagoo sheegay in puntland ay tahay meelaha ugu horeeyo oo hishiiskaasi siweyn looga soo dhaweeyay. Kulankan lagu taageerayohishiiska kadhacey xarunta dalka jabuuti ee maanta lagu qabtey Magaalada Boosaaso ayaa kusoo beegmaya xili dalka soomaaliya oo dhami uu kasoconaya soo dhaweynta hishiiskii dhowaan kudhexmarey Magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jabuuti. C/xakiin Yuusuf Macalin SBCInternational- Boosaaso Quote Share this post Link to post Share on other sites