Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: calm troops on standby for orders....

Recommended Posts

BAYDHABO: Xaaladda Magaalada Baydhabo oo daggan iyo ciidammada dowladda oo weli heegan buuxa ku jira

Posted to the Web Oct 25, 08:23

 

 

Baydhabo (PP) - Magaalada Baydhabo oo ah xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaaladdeedu aad u daggan tahay iyadoo weli ay ku jiraan ciidammada dowladda heegan buuxa.

 

Heeganka buuxa ee la geliyay ciidamada dowladda aya waxay sheegayaan wararka Puntlandpost halkaas ka soo gaaraya inay jiraan cabsiyo laga qabo inay Maxkamaduhu weeraraan magaalada Baydhabo, waxaana madaxda sarsare ee dowladda ay dhowr jeer oo hore shegeen inay iska difaaci doonaan wax walba oo kaga yimaada dhanka dowladda.

 

Dadka deegaanka Mooda-Moode oo u jirta Baydhabo qiyaastii 40-km dhanka bari ayaa waxay u sheegeen Puntlandpost in cidammada dowlada ay dhaafsiisan yihiin deegaankooda oo ay ka xigaan degmada Buur-hakaba oo u jirta deegaankaas 25-km, waxaana ay sheegeen dadka deegaanka inay jiraan cabsiyo ku saabsan inay dagaallo dhacaan balse ay hadda xaaladdu daggan tahay.

 

Maxkamadaha ayaa waxay gaareen dorraad deegaanka Mooda-moode, waxaana halkaas gaaray malleeshiyooyin isugu jira Maxkamadaha iyo kuwo gacan-saar la leh oo ka tirsan kuwa deegaanka, mana jirin wax rabshado ah oo ka dhex aloosmay iyaga iyo Ciidammada dowladda oo cutubyo ka tirsan ay ku sugnaayeene Mooda-moode meel ku dhow.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlanadpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this