Jacaylbaro Posted July 14, 2009 Kulan Balaaran ayaa haatan Waxaa uu uga socdaa Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya Midowga Africa,Midowga Yurub,AMISOM,Marayka nka iyo dowladda KMG kaasoo looga hadlayo Arimaha Soomaaliya. Kulankaani oo ah mid xasaasi ah islamarkaana ay ka soo qeyb galeen Wafuud ka socota Caalamka ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa ka mid ah sedax qodob oo ay ka mid tahay: (1) dhisida Ciidamo Militari oo ay leedahay dowladda KMG Soomaaliya (2) Tababarida Ciidamo Amaanka Suga oo Boolis ah (3) dhisida iyo Aas Aasida JHay’adaha Hoose ee Xukuumadda Soomaaliya. Shirka ayaa ugu horayn waxaa furay oo Daaha ka rogay Safiirka Soomaaliya u Fadhiya Dalka Kenya Max’ed Cali America,waxaana lagu wado in uu socdo mudo labo maalmood ah iyadoo dowladda KMG Soomaaliya uu uga qeyb galaya Wasiirka Gaashaandhiga dowladda KMG Soomaaliya Mr Gaandi iyo Wafuud oo hogaaminayo. Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galaya Masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya iyo Safaarado dowladaha reer Yurub ay ku leeyihiin Dalka Kenya,waxaana AMISOM shirkaasi uga qeyb qaadanaya labo masuul oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya u qaabilsan,waxaana la sugayaa in ay soo xaadiraan kuwa kale oo ka socda AMISOM. Kulankaani oo qudbadihiisu ay haatan so toos ah u bilwodeen ayaa waxaa qaban qabadiisa si weyn looga dareemay gudaha Magaalada Nairobi iyadoo howlka uu shirku ka dhacayana si weyn loogu sii qul qulayo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted July 14, 2009 lets see what actually comes out of it. i hope it is not like the other conferences full of empty promises. Quote Share this post Link to post Share on other sites