Jacaylbaro Posted June 11, 2009 Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo ah ra’isul wasaaraha Somalia ayaa sheegay in xukuumada talyaanigu ay aqoonsatay safiirnimada ra’isul wasaarihii hore ee Somaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo hada wixii ka dambeeya ah safiirka Dowlada Somalia u fadhiya magaalada Roma ee dalka Talyaaniga ka dib kulan gaar ah oo uu magaalada Roma uu kula qaatay dhiigiisa dalka Talyaaniga Selvio Barlusconi. Ra’iisul wasaare Sharmarke ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dawladda Talyaanigu ay iyana dhinaceeda ballan qaadday in safaaradeedii magaalada Muqdisho ay dib u hawl geliso ka dib markii ay aqoonsatay magacaabista safiirka Soomaaliya u fadhin doona dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo hawshiisa si rasmi ah uu uga bilaabi doono caasimadda dalka Talyaaniga, isla markaana lagala soo xiriiri doono wixii arrimaha Soomaaliya ku saabsan. Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaruhu inay tahay horumar weyn oo ay xukuumaddiisa gaartay maadaama ay dalalka Yurub qaarkood oo ay ugu horreyso dawladda Talyaaniga ay aqoonsatay baasaboorka Soomaaliga, fiisana lagu dalban karo, wuxuuna intaasi ku daray inuu ka rajaynayo dalalka kale ee caalamka inay qaadaan talaabi taasi la mid ah isagoo dhinaca xusay in dowlada talyaanigu sidoo ogolaatay dalab ka yimid DF oo ahaa tababaridda ciidamadii badda Soomaaliya iyo qalabayntooda. Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid waxa uu sheegay in wada hadalladii uu la qaatay madaxda dawladda Talyaaniga ee dhinacyada siyaasadda iyo waxqabadka labada dhinac ay isku af garteen ugu horreyntiina dhinaca ciidamada oo ay wax wayn ka qaban doonto dawladda Talyaaniga siiba ciidamada badda si ay uga hor tagaan burcad badeedda una ilaaliyaan xeebta ugu dheer qaaradda Afrika ee Soomaaliya. Dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Muriidi Posted June 11, 2009 yes it is very important italy as E.U. and N.A.T.O member is a good contact for the current somali administration in mogadushu to establish better conditions for somalis who live abroad. if you heard also the talks between u.s.a. and cuba will be very helpful in helping the economy cope with the worldwide sociodynamic developments.. somalia is living up to it's part of the deal as a strategic ally...naturalizatio n of our citizens abroad is the least we could ask for. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Haatu Posted June 11, 2009 Who knows of a better person than Nuur Cadde to take the job? Quote Share this post Link to post Share on other sites