Sign in to follow this  
Suldaanka

Mogadishu Group flexing its muscles

Recommended Posts

Barnaamij xilka looga qaado Madaxweyne C/laahi Yuusuf oo Muqdisho lugu diyaariyay

 

Xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho ayaa diyariyaya barnaamij xilka looga qaado Madaxweyne C/laahi Yuusuf, barnaamijkaas ayaa muddo howshiisa soctay waxeyna u muuqataa in hada lagaaray sidii loo fulin laha barnaamijkaas.

 

Sida uu warsaxafadeed ku sheegay gudoomiyaha baarlamanaka Shariif Xasan in uu tago diino magaalada muqdisho Sabtiga si uu wada tashi ula yeesho xildhibaanda halkaas ku sugan iyo sidii loo bilaabi lahaa howl galka dowladda KMG.

 

Sida muuqata barnaamijka ayaa lala sugayaa marka uu soo gaaro magaalada Muqdisho gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan kadiban waxa lagu wadaa in loo qaban doono madaxweynaha inuu dalka ku soo laabtao mudo 40cisho gudahooda ama yimaado Muqdisho hadii uu san soo xaadirin inta u dhaxeyso mudadaas in shir ay qabtaan xildhibaanada kadiban ay ka qaadan madaxweynaha awooda maamulka dowlada KMG.

 

Baranaajikas ayaa hada ka hor waxaa Nairobi ku soo bandhigay wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta Cismaan Cali Caato asagao ku doodaaya in loo codeeyo in xilka laga qaado, hadana wuxuu ku sugan yahay magaalada Muqdisho wuxuuna ka mid yahay xildhibaanada barnaajikaas wado.

 

Xildhibaan Muuse Suudi ayaa ha'yada AFP ee wararka u sheegay in uu la dagaali doono haddi la keeno ciidamo ilaa uu ka dhintana wadi doono la dagaalankooda , xildhibaan Muuse Suudi ayaa u sheegay in wax ciidamo ah in ay soo caga dhigan i karin Soomaaliya.

 

Xaalada Soomaliya ayaa waxey ku socotaa mid uu qilaafka u dhaxeeyo Dowladaa KMG uu sii kala fogaanaayo taas oo saameyn weyn ku yeelan doonto arimaha Soomaaliya, laakin dadka ka waramo arimaha Soomaliya ayaa sheegay in dhibaatad inteeda badan ay ku dhaceyso degaanada Banaadir, Sh. Hoose, Jubadda Hoose, Bay, iyo Bakool, goboladaas oo dhibaato xogg leh ka jirto, haddii ay heli lahayeen maamul dowladeeda in mustaqbalka ay dhibaatooyinka heesto ka badbaadi lahaayeen.

 

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this