Emperor Posted May 28, 2009 Dowladda Talyaaniga oo shaacisay in bisha soo socoto qaban doonto shir looga hadlayo xalka Somaliya, kana Qeybgalayaan Dowladda iyo Mucaaradka Mogadishu Thursday, 21 May 2009 SMC Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dowladda Talyaaniga Farnco Faratini ayaa sheegay in ay qaban qaabinayaan shir looga hadlayo arimaha xalka Soomaaliya iyo sidii wax looga qaban lahaa arimaha burcad badeeda ee ka jirta Xeebaha Soomaaliya. Wasiirka ayaa sheegtay in gogasha shirkaasi ay fidin doonto Dowlada Talyaaniga, waxuuna cadeeyaya Wasiirku in 10-ka Bisha soo Socoto ee Jun uu ka furmi doono magaala madaxda dalka Talyaaniga ee Roma. Dowlada Talyaaniga ayaa ****olka ka qaatay in shirkaasi ku marti galineyso Dowlada KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda ee mucaaradka ah, waxeyna taasi noqoneysaa markii ugu horeysay oo Dowlad reer Yurub ah ay mar qura ku marti galiso Dowlada KMG ah iyo kooxaha ka soo horjeeda ee mucaaradka ah. Dhinaca kale Dowladda Talyaaniga ayaa u muuqato mid u soo jeesatay in ay xal u hesho arimaha Soomaaliya, inkastoo ay Adag tahay sidii ay ay Dowladda KMG ah iyo Mucaaradkeeda ay shirkaasi ka wada qeyb galaan. Somaliweyn Media Center “SMC” Quote Share this post Link to post Share on other sites