Sign in to follow this  
General Duke

Mudug /Bari clans support for Puntland.....against clan courts..pics..

Recommended Posts

Been Abuurka laga sameeyey Beelaha Cali Saleebaan Ee Taageerida Maxaakimta.

 

KU: Madaxwaynaha Dowlada Fadaraalka Somaliyeed.

 

KU: Madaxwanaha Dowlad goboleedka somaliyeed ee Puntland.

 

KU: Golaha wakiilada ee Dowlad goboleedka Puntland.

 

KU: Wakaladaha amniga ee Mamul goboleedka Puntland.

 

OG: Dhamaan Meesha laga Sameeyey Been abuurka.

 

 

 

Ujeedo-- Beeneey Raad beeshooy, Intee baad soctaa!!!?

 

 

 

Marka hore waxaan salmaynaa, dhamaan, bulshada Soomaaliyeed iyo dhamaan bahwahwaynta reer Puntland (Salaamucalaykum Waraxmatullaahi...) salaam ka dib walalayaal.,

 

 

 

Waxaan ognahay ka dib markii ay burburtay dowladii dhexe ee Soomaliyeed, wadanka kama aysan jirin wax sharci ah ama kala danbayn ah ayadoo qof walbaa uu u socdo siduu asagu uu maago.

 

 

 

Hase yeeshee waxaa taas ka sii daran, in shaqsiyaad danaystayaal ah ama haddii aan si kale u dhigno la dhihi karo (Calool u shaqaystaal) ay been abuur ka samaystaan dad aan waxba ka ogayn waxay maleegeen, haddaba kadib markii lagu arkay Website-yada/ Internetka, beentaan cad ee aan raadka lahayn ,waxaa raaligelin mudan horta dadkii beenta laga sameyey oo weliba lagu soo qoray Websites ka.

 

 

 

Hadaba, kadib markii laga war helay in uu ahaa waxba kama jiraan, waxay ugu yeereen Kulanka Beelaha Cali Saleebaan ayaa lagu tilmaai karaa meel ka dhac loo gaystay beesha maadama aanay ka muuqan qoraalka ay meesha soo geliyeen, Isimadii beeshu & weliba culimaa udiinkii beelaha Cali Salbaan iyo weliba ganacsatadii iyo aqoonyahanadii loogu soo hagaagi jiray beelaha Cali Salbaan, sida dadka ay ka mid yihiin

 

 

 

ü Beeldaaje: Farah Xaaji Beeldaaje

 

ü Shiikh : Ismaciil (Kutuba wayne)

 

ü Suldaan : Bashiir Muuse (koonte)

 

ü Suldaan : Ciise Xassan Omar

 

ü Nabadoon: Maxamed Khuurshe

 

ü Nabadoon: Abdulqaadir Maxamuud (Qandala)

 

ü Nabadoon: Siciid, Omar Kashawiito

 

ü Nabadoon: Cumar Ismaciil (sanwayne)

 

ü Nabadoon: Catoosh

 

ü Ganacsade: Xiddig Xaaji Farah

 

ü Ganacsade: Bashiir Abdulaahi Saalax deer

 

ü Ganacsade: Farax Maxamed (Toox)

 

ü Ganacsade: Liibaan Yousuf Maxamed (Liibaan dheere)

 

ü Ganacsade: Maxamed Shabeel.

 

ü Ganacsade: Amed Ibrahim Shiiqsade

 

ü Ganacsade : Faarax Baruuj

 

Hadaba, kadib, markii qolooyinkii waraaqada iyo qalinka intay soo qateen, ayadoon cid kulantay iyo meel lagu kulmayna aysan jirin, samyey qoraalkaas tirada ka batay, lagana tagay , Cuqaashii, culimadii, isimadii, ganacsatadii, beelaha Cali Saaleebaan hormoodka u ahaa, baa lagu tilmaami karaa, sharaf ka dhac ay u gaysteen koox yar oo la laab kacsanaa taageerida Maxaakimta isku sheega ah.

 

 

 

Hadaba waxaan ku waninayaa shaqsiyaadka, af jabsaday, beelo dhan, been abuurtayna, in ay waxaas ka waantoobaan, ogadana in beelaha Cali Salbaan ay, go’aan kasta ay gaari karaan, markii la rabo iyo meeshii la raboba, beeluhu, waxay qayb aad muhiim u ah ka yihiin, isu taga, Dadyoga isirka ah ee ku middbay, Maamul goboleedka La magac baxay Puntland, sidaas oo ay tahayna, awood buuxda ay u leeyihiin, la jaanqaadka iyo la socodka, kacdoon walba oo siyasadeed, mid dhaqaale, iyo waxii lamid ah. Oo ku yimaada puntland state of Somalia.

 

 

 

Sidaas darteed, wakhtigaan isaga ah ma jiraan horena uma jirin, hadal ay kasoo sareen beeluhu, Qolyoowga sheegtay Maxkamado Islaami ah, waxayna, arinkaas isga ah isku siyaasad ka yihiin, Mamul goboleedka somaliyeed ee puntland.

 

 

 

Gabogabo: Waxaan ogaysinaynaa, bulsho waynta somaliyeed gaar ahaan dadwaynah puntland, in ay iska ilaaliyaan wax alleh waxii keeni kara, bur bur, iyo khilaaf soo kala dhexgala maamulka iyo shacabka nabada jecel ee puntland.

 

 

 

Waad Mahadsantihiin.

 

Afhayeenka waraaqdaan: Aqoonyahan: Maxamuud Maxamed (Xalaani)

 

Tell: +923452742419

 

Office: +92287491

 

Email: Xalaani77@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this