General Duke Posted September 14, 2007 Muqdisho: Madaxweynaha Dowladda KMG iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku soo laabtay dalka 14. September 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Madaxweynaha dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Md. Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa duhurnimadii maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho isagoo magaalada Addis Ababa kaga qeybgalay xafladda qarniga cusub ee sanadka Ethiopia iyo munaasabada kale ee xuska bilashada sanadka bila tirsiga kalandarka dalka Itoobiya gaarka u ah ee loo yaqaan Meskerem. Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa mudadii uu ku sugnaa magaalada Addis Ababa waxaa uu kulamo kala duwan kula yeeshay madaxda dalkaasi, Madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle iyo madax kale oo lagu casuumaday xafladda qarniga cusub ee dalka Ethiopia. Md. Yuusuf ayaa Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Ato Males Zenawi ugu hambalyeeyay qarniga cusub ee Ethiopia iyo xuska bilashada sanadka Meskeremka isagoo u rajeeyay shacabka Ethiopia in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan nabad, horumar iyo midnimo. Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee Muqdisho ku soo dhoweeyay xubno uu horkacayey Ra'iisul Wasaare Cali Maxamed Geeddi iyo maamulka gobolka Banaadir. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ojelle Posted September 15, 2007 ^Si dhuumaalaysi ah buu kuyimi baalayirye maxaa kajiro? Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted September 15, 2007 ^^^lool. you live in fantasy adeer. Quote Share this post Link to post Share on other sites