Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Alshabaab Leader Appears on Universal TV

Recommended Posts

(London-HNW)-Shiikh Maxamed Maxamuud Nuur, oo loo yaqaanay M.M.Nuur. Hadda lakiin la baxay magaca Abu-Suldaan, wuxuu kamid ahaa dadka ku nool Gobolka Togdheer gaar ahaan magaaladda caasimadda ah ee Burco. M.M.Nuur. Caan ayuu ka ahaa guud ahaan Gobolka iyo magaaladaba, wuxuu wadanjiray gaadhi ay ku xidhan yihiin sameecadaha codka baahiya, isagoo wacdi la fadhiisan jiray dariiqyada magaaladda.

 

Maxamed Maxamuud Nuur muddo wuxuu sidii ahaadaba badi waxay isku dhaceen dadka ku dhaqan magaalada xitaa yadoy gaadhay iney is qabtaan qaar kamid ah culimada ugu cilmiga badan gobolka. Shiikha ayaa muddo kadib waxaa ka shakiday Dawladda Somaliland oo ku eedaysay inuu xidhiidh la leeyahay Ururka Xagjirka ah ee Al-Shabaab, waxayna taasi keentay in laxidho isagoo muddo sannad iyo badh ah ku xidhnaa jeelka magaaladda Hargaysa. Markii u horeysay ee u jeelka ka soo baxo ayaan ku la kulmay Hotel Barwaaqo Hargaysa wuxuuna u muuqdey nin faraxsan oo hadaf fog leh. Isla markaana aad ka dareemayso farxada ka muuqata wajigiisa.

 

Markiiba wuxuu Sheekh Maxamed Maxamuud Nuur oo hadda loo yaqaan abu-Suldaan u talaabay gobolada Konfurta Somaaliya. Hadda wuxuu ku suganyahay Shabeelada Hoose oo ay xukumaan Cidamadda Ururka Al-shabaab. Wuxuuna u qabilsanyahay hoggaanka waxbarashada iyo wacyigalinta. Haddaba caawa ayuu waraysi sii yay Telefeshinka Universal wuxuuna sheegay in Uurka Al-shabaab aanu dawladda Shiikh Shariif la galayn wax wada hadal ah. Isagoo arrintaas ka hadlaaya wuxuu yidhi.

 

“Walal horta magaca dawladda ku-meel gaadhka ah waxaa bixiyay gaalada iska dhaaf magacaas waxaa dhaama yadoo logu yeedho dawladda cilmaaniga ah. Runtii wax wada hadal ah oo aanu la galaynaa majirto yadoo ururku uu leeyahay afhayeeno iyo madax hadana kolay ka mas’uul ahaan hadaan ku sheego majiro wada hadal aanu la galaynaa".

 

Sidoo kale wuxuu M.M.Nuur. Sheegay in calanka Kofurta Somaaliya aanu ahayn mid saxa wuxuuna yidhi” Horta calankan shanta gees leh xagee laga keenay. Dawladihii cilmaaniga ahaa ee Somaaliya ayaa sameeyay meelu ku aroora majirto xitaa awoow yasheen dhaqan uma laha. Hadii waran iyo leeb lagu sawiri lahaa waxbay ahaan lahayd oo Somaalidu taas waba u dhaqan lakiin meelna kuma arooro. Annagu hadaanu nahay xarakada Al-shabaab calan ka yagu wakaas waxaa ku qoran kelmada tawxiidka ee ah Laa illaaha illallaah miyaad wax kale ku aragtaa. Insha allah taasbanu sidan doona Xarakada Al-shabaabna kolay dadkuun bay ka soo dhex-baxdee wax meel kale kayimi maha”.

 

Shiikhan ayay dadka rer Burco muddo ku muran sanayeen inuu ka midyahay Ururka Xagjirka ah ee Al-shabaab. Lakiin maanta marku u waramaayay Telefeeshinka Universal runtii waxaa ka muuqatay kalsooni badan iyo qancad. Ururkan Al-shabaab ayaa wuxuu cadeystay inuu madax ka dhigto dadka ka soo jeeda Jamhuuriyadda Somaliland si uu ugu fushado hawlihiisa. Yadoo ninka ugu sareeya Ururka Al-shabaab u dhalasho ahaan ka soo jeedo Jamhuuriyadda Somaliland.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this