Paragon Posted November 27, 2006 Published: 20 November, 2006 20:18 Source: iqrapress.com Waxaa yaab leh dadka leh Maxakamadaha Islaamiga oo xukunka caasimada la wareegay, bishii Juun 6, 2006, waxay soo wadaan ciriiri, iyo xad gudub waxa lagu sheego “xuquuqul Insaanka.” Waxaa weliba loo saadaalinaaya in ay noqon doonaan sida Talibaantii Afghanistan. Waxay joojinaayaan “hor-u-marka” ayna naga reebaayaan mujtamaca ilbaxa ah. Qaranka Somaali waa wada Muslim, dhibaato kuma aha in dalkiisa laga hirgeliyo Sharciga Islaamka. Dalalka dunida mid walba diintiisu ayuu leeyahay. Ma aha in cay ama ceeb loo arko hadii dal adkeeyo diintiisa. Dalalka dunida badi waxay qaateen shacabka diinta uu u badan yahay. Meel yar ayay ka dhacday diinta dadka tirada yar haysta in uu noqdo diinta dalka. Qolo walba waxay ku dadaashaa sidii ay diinteeda u xoojin lahayd. Kuwo qaarkood weliba waxay xil iska saareen, oo kharaj gaar ah meel u dhigay, sidii ay u faafin lahaayeen diintooda, kuwaas oo u badan kuwa diinta masiixiga, oo badi qaaradaha kale min Afrika ilaa Asia iyo Latin Amerika ergooyin u kala diri jiray waqtigii hore oo welina wada hawshaas. Sida la ogsoon yahay, ergoyin ka socday kaniisooyinka masiixiga (Christian Missionaries) si xoog leh ayay qaaradda Afrika u soo galeen qarnigii 19aad si ay ugu faafiyaan diintooda. Sababta u fududeysay “missionaries-ka” hawl-galkoooda waxay ahayd in ay la kulmeen dad aan waxba haysan ama kuwo aan diinba lahayn. Waxay carruurta ku uruurin jireyn xeryo ay cunto iyo jiif iyo hanuunin dineed ku siin jireen, waalidiintoodana waxaa loo tusay lagana dhaadhiciyay in carruurta loo xanaaneynaayo. Somaaliya waa lagu kari waayay beryahii hore. Hase yeeshee, sidaas loogama harin. Si shabakada loogu soo rido, dalkooda ayaa dab lagu shiday isla markaasna albaabada dalalka daneynaayay arrintaas ayaa loo furay si ay lugohooda ugu soo galaan. Ilaa mardhow ayaa laga hadlaayay dhulka ay Somaalida degan yihiiin, NFD, ee ay Kenya haysato, oo abaarta wax yeeleysay, in qolo diinta faafisa cunto u geysay oo ku soo fashaleen in ay dadka ka dhaadhiciyaan diintooda. Maadaama ay baahi jirtay, waxaa la moodaayay in dadka si sahal loo gashan karo waxii la doono. Markay isku dayeen in ay uga sheekeeyaan diintooda isla markii ay u dhibaayeen bakooyinka ay cuntada ku sideen.waxay la kulmeen ummad Islaam ah oo diintooda ku adag. Waxay ku sheegeen dadka halkaas degan in ay yihiin dad madax adag. Waxaa kale oo jiray in isla halkaas shirkad New Zealand ah rabtay in ay u dirto cuntada eyda la siiyo. Sida runta ah Muslimiinta fara kulul ayaa lagu haayaa, gaar ahaan Somaalida, meel kasta ha joogeeyee. Mararka qaarkood dalalka “soo dhoweeyay” Somaalida waxay isu sheegaan inay ku fashaleen Somaalida oo weli ay kari la’yihiin in ay beddelaan. In Somaalida adagtahay waxaa u daliil ah in iyagoo muddo dheer dibadaha joogay waatan maanta dad badan la soo carraraayo caruurtooda oo dalkii Somaaliya oo la ogyahay dhibaatada ka jirta ayaa naf laga soo raadinaayaa. Sababta dib loogu soo noqonaayo waxay tahay si carruurta looga badbaadiyo kuwa mashruucooda yahay in ay diin kale baraan iyo anshax xumada iyo waxyaalaha kale oo ka hor yimid Somaalida dibadaha ku nool. Waxaa caddaatay in carruurta ay faraha ka baxi doonaan haddii ay sida wax u socdaan iyo bi’ada lagu noolyahay loo daayo in ay ku sii koraan. Hoggaamiyahii ururka Mao-Mao oo u soo halgamay xornimada Kenya oo kaddibna noqday Madaxweynahii ugu horeeyay, Jomo Kenyatta, waxaa laga haayaa in uu dhihi jiray markuu ka hadlaayo sida uu isticmaarka Afrika ku soo galay, “Markii ay gaaladda soo galeeneen qaaradda waxay gacanta ku haysteen Bible-ka, Afrikaantana waxay haysteen dhulkooda. Afrikaanta markay indhaha kala qaadeen, waxa gacanta lo geliyay Bible-ka isticmaarkana waxuu qabsaday dhulka.” Somaaliya kama duwaneen dalalka Afrika oo la rabay in lagu faafiyo diinta masiixiga. Sannadka markuu ahaa 1870 bishii Maarso 4, Wakiilka Ingiriiska u fadhiyay Cadan, oo isla markaas mas’uul ka ahaa dhulalka Somaaliya, General Russell, waxuu u sheegay dawladdiisa in uu markab u diraayo Barbara, si loo soo ilaaliyo xaaladda, iyo haddii ay suurto gal noqoto, in laga hor tago, in qabaa’ilka laga celiyo in ay hoos geliyaan dhulkooda maamul Islaam ah. Waxa laga ilaalinaayo Somaalida waxuu Turkiya la heshiiyaan, oo halkaas asigana markaas joogay. Nassiib wanaag sannadka markuu ahaa 1899, waxaa soo baxay Sayyid Maxamed Cabdulle Xasan oo Ingiriis dagaal kaga hortagay. Qulsulka Ingiriiska oo Barbara joogay, Hayes Sadler, markuu dhan kasta ka eegay arrinta waxu tebiyay in hadafka dhabta ah ee Sayyidka aan weli la hubinin, waxuuse yiri: “Waa dhaqdhaqaad dineed oo markasta laga wal-wala marka dalka yahay dal Maxammadaan ah.” (Maxammadaan waxaa laga wadaa ummadda Nabi Maxammad (s.c.w.s.) raacsan). Sayyidka markuu la kulmay 1905tii Wakiilka Talyaaniga Pestalozza oo doonaayay in uu heshiisiiyo Sayyidka iyo Ingiriiska, waxuu waxbixintii uu u qoray dawladdiisa ku sheegay in Sayyidka dalabkiisa ugu horeeyay uu yahay “in laga joojiyo ergooyinka Kristaanka (Christian Missionaries) carruurta Somaalida ay xeryaha gelinaayaan oo ay ka dhigaayaan Kristaan.” Pestalozza waxuu yiri, diidmada Ingiriiska diiday in uu arrintaas yeelo, ayaa sabab u ahayd kacdoonka Somaalida. Sayyid Maxamed waxuu la dagaalamay Ingiriiska oo ay la jiraan ciidamo kale muddo 20 sano. Inkastoo dagaalka looga guuleystay, Sayyid Maxamed waxuu asigana ku guuleystay in uu fashaliyo mashruucii Ingiriiska. Dagaalka lagu furay hadda ummadda Somaaliyeed ma aha mid aan lug ku lahayn dagaal diineed. Waxaa la ogyahay in Somaalida ay aad iyo aad ugu adagtahay Islaamnimada oo la rabo in la dibciyo. Meesha ugu fudud oo laga soo galay oo xoogga la saaray waa albaabada loo furay qaxootiga Somaalida, weliba si weyn loogu soo dhoweeyay kuwa carruurta yaryar lahaa. Waa wax la garan karay in waxa loo dan leyahay ay ahaayeen carruurta oo lagu xisaabtamay in toban sano markay meel joogaan ay si caadi ah loo gashan karo waxii la rabo. Somaalida qarkood markay ******** sida wax u socdaan, iyo waxii ay ka arkeen ama maqleen carruurtooda, waxa qasab ku noqotay inay carruurta ula carraraan dalal kale oo lagu badbaadiyo, qaarna waxay dib ugu celiyeen dalka hooyo. Sidaa darteed madaxda Maxkamadaha Islaamiga ee manta Ilahay siiyay awood ay wax ku qabsadaan, waa inay waajib iska saaraan sidii loo abuuri lahaa jawi ay dadka faraha badan ee u baahan in ay carruurtooda ka badbaadiyaan dhibaatada dibadaha ku haysta si ay dalka ugu soo celiyaan. Waxaan ka war haynaa waalidiin badan oo dibadaha ku nool in ay ka walwalsan mustaqbalka carruurtooda oo si aan la sheegi karin u jecel in ay dalka keenaan oo ay dugsi ka geliyaan. Maadaama ay Somaaliya duruufaha u saamixin ilaa hadda, qaar waxay carruurta geeyeen dalal diinta Islamka lagu barto, hase yeeshe, haddii mar Xamar is beddel ka dhacay, shaki ma laha in la wada iman doono. Maxkamadaha waa in ay muujiyaan in dicaayadaha socda oo ku wajahan in dadka laga sii didiyo dalka waxba ka jirin. Shacabka waa in ay arkaan in isbeddelka uu keenay fa’iido la taaban karo oo ay Maxkamadaha Islaamiga noqon sida kuwii shalay dartooda looga tagay dalka oo kale. Haddaba, marka isbeddelka ka dhacay Xamar oo Maxkamadaha qabsadeen maamulkiisa, waxaa soo baxay dad Somaali ah oo caqli qaba oo ka faalloodaan arrimo dhacay. Hanuunintii yareed ay qaateen intii ay joogeen dalalka shisheeye ayaa ku dhalisay in ay dhaleeceeyaan falkii ay ku ka kaceen koox la sheegay in ay ka mid ahayeen ciidanka Maxkamadaha, kuwaas oo xaflad aroos muusikadii lagu ciyaaraayay ka joojiyay. Waxaa su’aal ah: “Ma waxaa dhaantay markii ay dagaal-ooge-yaasha iyo Muriyaanta joogeen oo markay meel aroos jiro maqlaan ay weerari jireen oo dahabka iyo dharka iyo shaashka ka furan jireen dumarka oo gabdhaha yar-yarna halkaas ku fara xumeyn jireen? Haddii labadaas la kala dooran lahaa, qofka caqliga qaba waxuu dooran lahaa kan hore, hase yeeshee, waxuu ka tanasuli lahaa wax yar oo ah xornimadii ciyaarta iyo wax yaalaha qarkooda oo ay “ciidamada” u arkeen ansha xumo. Wax walba sicirkiisa ayuu leeyahay. Waxna qaado, waxna ka tag, ayay maanta xaaladda taagantahay. Maanta waxa la dooranaayo waa nabad, wax kasta qiimahiisa ha ahaadee. Ilbax nimada lagu andacoonaayo iyo xuquuqul insaanka dadka qaarkood u doodaayaan ma waxaa loola jeeda in wiilka xaq u leeyahay in uu dhegaha duran karo uu dhego-dhego gashan karo iyo timaha xagga dambe ka xirto sida gabdhaha iyo gabdhahana jirkooda qaawiyaan? U malaynmaayo in uu jiro qof Somaali ah oo yeelaayo in ilmahiisa, wiilal ama gabdho oo asigoo jecel oo raalli ka ah u fasaxaayo falalkaas. Nassiibdarrada nagu dhacay waxay tahay in aan noqonay kuwii la dhihi jiray “Gadaal ka gaar, Goob dubis.” Qaar baa qora in Maxkadamaha ay keeni doonaan ciriiri iyo cadaadis. Lama malayn karo in ay dhici karaan cadaadis ka badan kuwii la soo maray toban iyo shantii sano ee la soo dhaafay oo lagu hoos jiray warlordska. Kee baan dooran lahayn, kan yiri salaad duko oo aniga oo nabad qaba masjidka tegi karo kana soo noqon karo iyo kii anigoo masjidka ku sii jeedo jidka ii joogsaday oo qori caaraddisa igu yiri “waryaa ka baxa macaawista.” Shaki ma laha waxaan dooran lahaay kan nabadda dhaliyay. Wax kasta qiimahiisa ayuu leeyahay. Nabaddana qiimaheeda ayay leedahay. Nafta iyo nabadda ayaa wax kasta ka weyn. Koleyba cadawgaaga janno kasta aad gasho waxuu kaaga dhigaaya naar; uu kugu leeyahay diid. Wanaag markaad hesho waxuu kugu dhalinaaya naceeb. Markii shacabka Amerika, oo ah kan ugu horeeyo ee ku andacoodo in uu yahay kii keenay “xuquuqul insaanka” in la dhowro oo ay ku micnyeeyaan in qof walba waxuu rabo uu sameeyo in uu xur u yahay iyo “dimooqradiyada” in adduunka laga hirgeliyo, waa laga ilaaliyaa filmada anshaxa xun iyo kuwa carruurta bara waxyaalaha ay ku kici karaan markaay TVyada ama filmada ka arkaan. Markuu ka qayliyey telefoonadii oo laga dhegeysanaayo oo waxii uu ku hadlo la duubaayo, emailkiisa dhexda laga qabsado oo waraaqahiisa la furo, waxaa loogu jawaabay in ammanka shacabka uu ka horeeyo waxaa uu qofka jecelyahay. Waa sida qof moto wada oo la yiri dhaqaaqaysid gasho koofiyadda birta ah. Ma aha cadaadis u Booliska ku haayo dadkaas; waxay dan u tahay qofka mootada wada oo haddii uu shil galo si madaxa, oo ah meesha jirka ugu darran, wax u gaarin. Waxa ugu weyn ay soo rogi karaan Maxkamadaha Islaamiga, waa “Ilahay ka cabso, oo salaadda tuko.” Waxaas ayaa la buun-buuniyay oo laga dhigay wax aan caadi ahayn oo kale. Qofka Muslimka ahna in waxaas loo sheegoba ma aha. Waa wax waajib ku ah in uu shanta salaad tukado. Ilaa intii la soo maray waqtigaan dambe, Somaaliya maanta maalin uga fiican ma soo marin, xitaa haddii hal habeen kali ah nabad lagu seexday. Qaylada dhacayso ma aha naxriis naloo haayo ee waxaa laga cabsi qabaa in aan gaarno gobanimo run ah oo buuxda oo ka madax bannaan faragelin shisheeye. Somaaliya waa dalka ugu baaxadda weyn ee Geeska Afrika oo dadkiisa Muslim ah. Waxaan ku jirnaa dadka lagala dagaalamaayo xagga diinta oo si dibloomaasi ah loogu dhawaaqo “the clash of civilizations.” Qorshahaas waxa ka mid ah sida Madaxweynehii hore ee Kenya, Daniel arap Moi, yiri markuu ka dhacay kursiga dalkiisa asigoo ka hadlaayay dalka Maraykanka bishii September 2003 in: “Dalalka deriska la ah waxay ka baqaayiin Somaaliya oo dib-mideysan oo barwaaqeysan in ay u soo jeesato dhulalka ka maqan. (Its neighbours feared that a reunited and prosperous nation might resurrect Somalia’s territorial claims). Warka waa intaas. Waxaan shaki ku jirin, haddii guusha atkaato, in aan noqon doono dalka ugu fiican adduunka, ma aha Afrika oo kali ah, maxaa yeelaay dalalka Afrika qaarkood, hadda oo aan kala daadsanahay, ayan dhaanaa. Waxaa la gaaray waqtigii aan madaxa kor u soo qaadi lahayn. Hase yeeshee, jidgoysyo ka sii darran kuwii dagaal-ooge-yaashii ayaa dalka loo diyaarinaayaa in loo dhigo. Ummaddaan oo muddo dheer ciriiri ku jirtay, Ilahay ha ammaansado. MOHAMED OSMAN OMAR mosman65@yahoo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites