General Duke Posted January 10, 2009 Balcad: Al-Shabaab oo awood looga saaray degmada Balcad 10. Januar 2009 Balcad(AllPuntland)- Dagaal xoogan oo la isku adeegsaday hubka noocyaddiisa kala duwan ayaa maanta ka dhacay gudaha degmada Balcad oo 35 KM dhinaca Waqooyi kaga beegan magaalada Muqdisho, kaasoo u dhaxeeyay Maliishiyooyin kala taabacsan Midowga Maxkamaddaha iyo Ururka Al-Shabaab. Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaan la ogeyn khasaaraha uu geystay ilaa iyo hada, hase ahaatee waxaa lagu soo waramayaa in maliishooyinkii taageersanaa Ururka Al-Shabaab guud ahaan laga saaray degmada Balcad waxaana dagaalka uu markii danbe u gudbay dhinaca baadiyaha. Xaaji Maxaadeey Guudow oo ka tirsan dadka deegaanka Balcad ayaa AllPuntland u sheegay in ciidamo ka tirsan Maxkamaddaha ay maamulka degmada hayaan xiligan isla markaana kooxihii ka tirsanaa Al-Shabaab laga saaray magaalada, waxaana uu Xaajigu uu sheegay in gudaha degmada ay gaaf wareegayaan Gaadiidka Dagaalka iyo ciidamo fara badan. Dagaalkan ayaa ku soo beegmay xili xubnaha ugu sareeya Maxkamaddaha ay cambaareyn iyo eedeyn ay u jeedinayaan ururka Al-Shabaab, iyagoo sheegay in howlaha ururka Al-Shabaab aysan aheyn kuwo ku saleysan Diinta Islaamka isla markaana tallaabooyinka ay qaadayaan aysan aheyn kuwo ay ku dhaqaaaqaan dad sheeganaya iney yihiin Islaam, Sh. C/raxmaan Janaqow ayaa ku eedeeyay Al-SHabaab in ay wadaan dano shisheeye isla markaana aysan dooneyn in dalka lagu soo dabaalo xasilooni iyo nidaam. AllPuntland, Balcad Quote Share this post Link to post Share on other sites