Sign in to follow this  
General Duke

Arab support grows $ 64 million+ troops+ Kuwait

Recommended Posts

Jaamacada Carabta oo ugu deeqday Soomaaliya $64 milyan oo dollar iyo shirka Madaxda Carabta.

 

 

Cairo :- Shirka Wasiirada Arrimaha dibada ee dalalka ku bahoobay Jaamacada Carabta uga socda caasimada wadanka Jazaa'ir (Aljeeriya) ayaa waxaa lagu falan qeeyay arrinka Soomaaliya iyadoo ay tahay markii ugu horaysay oo loo gudbiyo madaxda dalalka Carabta mashruuc ku aadan dalka Soomaliya tan iyo intii ay burburtay dawladii Siyaad Bare sanadkii 1991dii.

 

Xoghaya Jaamacada Carabta ayaa mar uu u-waramayay saxafiyiinta usheegay in looga hadli doono shirka Madaxda carabta uga furmaya beri dalka Aljeeriya dalab uu usoo gudbiyay Wasiirka Arrimaha dibada ee Soomaaliya Cabdulaahi Sheekh, kasoo ka kooban dhowr qodob ay ugu muhiim sanaayeen labada qodob ee kala ah:

 

1- In loo diro Soomaaliya ciidamo nabad illaalina oo ka socda dowladaha Carabta isla markaana la hawl galaan ciidadma ay qorshaysay IGAD ee loo dirayo dalka Soomaliya. Wuxuuna Xoghayuhu sheegay arrinkaas in lagu wado daraasad loona rafici doono go'aanka ay ka qaataan wasiiradu madaxda wadamada Carabta oo uu ka mid noqon doono Madaxwaynaha Jamhuuriyada Fedaraalka ah ee Soomaliya Cabdullahi Yusuf Ahmed.

 

2- Iyo qodobka labaad oo ah in ay dawladaha Carabtu ay ku deeqaan waxii kharasha oo ay dawladu ubaahan tahay si ay ugu hawl gasho bilahaan soo socda isla markaana ay ugu guuraan xorunta usii noqonaysa fadhiisin dawlada.

 

Dhanka kale waxa uu shaaca ka qaaday Mud.Camir Muusa in lagu gudoonsiin doono Dolwada kumeel gaarka ah $65.000.000 (lixdan iyo shan milyan) oo dollar tasoo uu ku tilmaamay taakulo deg deg ah si markaa dalwadu ay ugu guudho Soomaliya uguna hawl gasho.

 

Lacagtan ayaa sidoo kale loogu talo galay in dowlada ay u adeegsato qorshooyinkeeda gaar ahaan hub ka dhigista meleeshiyooyinka Soomaliyeed.

 

Joornaalada Af-Carabiga kusoo baxa ayaa maalmahaan waxaa ay aad u hadal hayaan is badalka ka socda dalka Soomaliya iyadoo ay tilmaameen in markii ugu horaysay ay dhalatay dawlad Spomaliyeed oo ay madax ka yihiin hogaamiyaal awoodleh sida uu tilmaamay Joornaalka afka dheer ee AL AHRAM oo maalin la ah, kana soo baxa dalka Masar.

 

Joornaalkaasi Al Ahram ayaa qormadiisi shalay waxaa uu cinwaan uga dhigay <...Somalia oo mar labaad kusoo noqotay jamacada carabta...> iyada oo uu tilmaamay wada hadalkii dheeraa oo uu la yeeshay Madaxweynaha dalka Masar dhigiisa Cabdullahi Yusuf ayaa waxaa uu ka dareemay ayey yiraaheen in ay ka go'antahay hogaanka Soomaaliya in dalkaasi dib loogu soo celiyo dawladnimo.

 

Waxaana jira warar aan wali shaaca laga qaadin oo sheegaya in wadamada Masar, Liibiya, Yeman, Sucudiga, ay kamid noqon doonan ciidanka Carbeed ee Soomaaliya lagayn doono.

 

Saaxafada Carabta ayaa ku tilmaamay in uu ku dhamaaday guul daro mooshinkii ay xukuumadu soo hordhigtay Baarlamaanka iyadoo tv-ga Al jazeera iyo Al Carabiya ay soo gudbiyeen sawirada Baarlamanka Soomaaliya oo ay fawda heeraysay kasoo ay markaa ku tacliiqiyeen hadalkii uu saxafada ujeediyay Ra'iisul Wasaraha Soomaaliya Mudane Cali Maxamed Geedi isagoo tilmaamay in wax go'aan ah uusan Barlamaanku gaarin.

 

Isbadaladaas ka dhacaya Soomaliya iyo ciidamada ka socda Africa iyo dawladaha Carabta ayaa loo arkaa in ay Soomaliya wax badan ka badalmayaan, waa sida ay Asbuucaan ay ku tilmaameen Wargaysida Afka-Carabiga wax ku qora.

 

Cabdullahi Haji

HorseedNet.com

Cairo, Egypt

Share this post


Link to post
Share on other sites

There are resports circulating that Yemen, Saudi Arabi, Libiya,Egypt and other Arab states are going to contribute to peace keeping troops for Somalia...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wadamada Sacuudiga iyo Yemen oo sheegay inay ciidamo u soo diri doonaan Somalia.

 

Algers-21.March.2005 War goor dhoweyto ka soo baxay magaalada Aljers ee xarunta dalka Algeria ayaa sheegaya in kulan madaxeedka maalinta berrita ah uga furmayo madaxda wadamada Carbeed magaaladaasi ay ajendayaashiisu ka mid yihiin arrimaha dalka Somalia.

 

Waxaana lagu gorfayn doonaa sidii ciidamo Carbeed oo nabad ilaalin ah loogu soo diri lahaa dalka Somalia. Durbaba waxaa la sheegay wadamada Sacuudiga iyo Yemen ay sheegeen inay dalka Somalia u diri doonaan ciidamo nabad ilaalin ah.

 

Wararku waxay intaasi ku darayaan in dalalkaasi ay sheegeen haddii ay u suuroobi waydo inay ciidamo u diraan dalka Somalia ay markaasi bixin doonaan wixii kharash ah oo laga dalbado.

 

Kulan ay yeesheen xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Dr. Camar Muusa iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Algeria C/casiis al-Khaadib ayaa waxaa ay kaga wadahadleen in si wayn loo taageero dalka Somalia islamarkaana Sanduuq lacageed loogu samayn lahaa.

 

Dhinaca kale kulan madaxeedka Carbeed ee maalita birrito ah ayaa waxaa looga wadahadli doonaa sidii isbedel loogu samayn lahaa ururka Jaamacadda, islamarkaana ay wadamada ku jira Jaamaadda Carabta ay u samaysan lahaayeen baarlamaan iyo Sanduuq dhaqaale iyo sidii isbedel loogu samayn lahaa hannaanka go’aan qaadashada ururka.

 

Kulankan ayaa waxaa la sheegay in sidoo kale lagu eegi doono dhibaatooyinka haysta wadamada carbeed oo ay ka mid yihiin Falastiin, Sudan iyo Somalia.

 

Saraakiil ku dhow dhow shirkaasi berrito furmaya ayaa la sheegay in wadamada Carabtu ay si wadajir ah uga soo horjeesan doonaan fikradda sheegaysa in cuno qabatayn lagu soo rogo dalka Suudaan, waxaana la sheegay inay ka hor imaan doonaan in cuna qabatayn lagu soo rogo dal ka mid ah dalalka Carbeed.

 

Si kastaba ha ahaatee, ajendayaasha uu xambaarsan yahay shir madaxeedka carbeed ee berrito furmaya ayaa ah kuwo aad u culus, hase ahaatee waxaa shirka ka maqnaan doono hogaamiyayaal carbeed, laakii maqnaanshaha hogaamiyeyaashaasi ayaa la sheegay inuusan waxba u dhimi doonin meel marinta ajendayaasha miiska u saaran madaxda fadhida, maadaama la sheegay madaxda ka maqan shirka inay wakiilo u soo dirsanayaan.

 

Faysal Geelle Cumar

SBC Qardho

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^^ Insha Allah bro, peace and prosperity for all our people...Amin

 

Jaamacada Carabta oo $65 Milyan ugu deeqday Dawlada C/Laahi Yuusuf Soomaalia

 

 

Algeris. 21 Mar 2005. Xog hayaha guud ee Jaamacada Carabta Mudane Camar Muusaa ayaa gudoonsiin doona MDFS mudane C/Laahi Yuusuf lacag deeq ah oo gaadhaysa $65 milyan.

 

Lacagtan oo ah deeq loogu tala galay inay dawlada C/Laahi Yusuf ka caawiso sifadii ay dib ugu dagi lahayd Soomaaliya. "Waa kaalmo deg-deg ah oo aan ugu tala galay caawinta lojistikiska dib u dagida dawladu ay dib ugu noqonayso Soomaaliya" ayuu yidhi Camar Muusaa.

 

"Ma doonayno inay fashilanto dawladan cusub, waa in hiil iyo hooba lala garab istaagaa".

 

Dawlada C/Laahi Yuusuf ee wali fadhigeedu yahay Nairobi waxaa soo waajahay intii sanadkan cusubi bilowday dhibaatooyin aan kala go'o lahayn oo la xidhiidha mucaarado ku dhex jirta golaha baarlamaanka iyo wasiirada. Qodobada ugu muhiimsan ee khilaafka ugu wayni ka jiro waxaa ka mid;

1- Ciidamada nabad ilaalinta ee la keenayo dalka

2- Wixii laga yeeli lahaa Muqdisho

3- Iyo xeer dajinta baarlamaanka

 

Walow uu C/Laahi Yuusuf aad uga dadaalayo in dawladiisu noqoto midii C/Qaasin Salaad oo kale, hadana ma sahlana dhibaatooyinka hor yaala dawladiisa oo baarlamaan ahaan iyo wasiiro ahaanba ka kooban dhammaan dadkii nabada u diiday Soomaaliya, walina aan toobad keenin.

 

SomaliTribune

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shirkii Jamacada Carabta oo u ahaa fursad dawlada Soomaaliya si ay kulana gaar gaara ula yeelato madax sar sare oo kala duwan.

 

Waxaa soo ururiyey SomaliTalk, Qaahira, Masar

--------------------------------------------------------------------------------

 

Shirkii shalay uga furmay madaxda carbeed magaaalada casimada dalka jazaa'ir, ayaa waxaa ay unoqotay wafdigii dowlada somaliya oo uu hogaaminayay madaxwanaha soomaalia cabdulahi yusuf ahamad , fursad wayn in ay la yeeshaan kulama gaar gaar ah madaxda dowladaha carabta , kuwaasoo ku bilaamay kulan gaara oo uu madaxwaynuhu la yeeshay dhigiisa ee Abdelaziz Bouteflika waa madaxwaynaha wadanka jazaa ir , kasoo uu madaxwaynuhu uu hordhigay xaalada ay haatan marayso somalia iyo is badalka haatan socda oo dawladu ay ugu jirto sida ay ugu guuri lahayd somalia isla markaana ay u hawl galaan sidii loo xasilin lahaa xaalada nabadeed ee somalia.

 

Hadaba sida ay sheegtay wakaalada wararka ee dalka Aljeeriya kulan kaas ayaa ahaa mid si wanaagsan loogu bandhigay madaxda dalka si ay ula socdan xaalada nabadeed ee somaliya , kaas oo ay sheegtay wakaaladu in ayan imaan wadankaan aljeeriya madax ka socota somalia muda ku siman haatan 25 sano .

 

Isla kulamadaas uu madaxwaynaha somalia la yeeshay madaxdii isugu yimid shirka ayaa waxaa ka mid ahaa kulan gaara uu la yeeshay ra,isul wasaraha wadanka kuwait jabir al sabaax , kasoo udhacay si wanaagsan isla markaana uu ufidiyay al sabaax casumaad in uu soo booqdo madaxwaynaha somalia kuwait si ay utaakuleeyaan dowlada somalia.

 

Joornaalka al watan ee wadanka kuwait kasoo baxa ayaa ku tilmaamay kulankaasi mid u ah muhim dowlada Kuwait si ay ula taaba qaado dowlada somalia oo uu ku tilmaamay mid walaal la ah wadanka kuwait , isla markaa ayaa ay balan qaaday kuwait taakulayn ballaaran dowlada iyadoo uu sheegay wasiirka arimaha dibada ee dalka kuwait in sanduuqa kuwait ee taakuleeya wadamada dunida sadexaad ee muslimka ah sanadka bajadkii loogu tala galay loogu deeq doono dowlada somalia isla markaana booqashada la filayo in uu madaxwanaha somalia ku yimaado kuwait , looga wada hadli doono sida iyo goorta lagu wareejinayo taakuladaas dawlada somalia.

 

Kulanadaas gaar gaar ah ayaa waxaa iyaguna kamid ahaa kii uu la yeeshay madaxwaynaha somalia ,xoghaya siyaasada dibada ee midowga yurub ninka la yiraahdo khafeir sulana[Xavier Solana] , iyo xoghaya midowga africa mr. omar alfa konari, oo labadooduba ahaa marti sharaf kasoo qayb galay shirka wadamada carabta uga socda aljeeriya.

 

Khudbadii uu ka jeediyay camar muuse furitaankii shirka ee shalay ayaa uu ku nuux nuuxsaday muhimada ay leedahay in la garab is taago dowlada somalia udhalatay isagoo halkaa ka hadlaya ayaa uu yiri: maanta somalidii waa hishiisay iyagoo aan cid kale soo dhex galin ayay gaareen hishiis hadaba waxaa madaxda carabta looga baahan yahay in ayan somalia cidla ku sii dayn oo ay dowlada wax la qabtaan . isagoo sheegay wada hadal uu la yeeshay madaxda somalia ayaa uu ka dareemay sida ay uga go'antahay in somalia ay dib uhabeeyaan , waxaana uu tilmaamay in somalia ay tahay wadan carab ah oo muhimad wayn leh.

 

Kalmadaha ay madaxda carabtu ka jeediyeeen shirka ayaa badanaa waxaa ay ku soo qaadeen tageerada ay u hayaan dawlada somalia iyo in ay la shaqaynayaaan , iyadoo la filayo kulanka galabta dhacaya oo noqon doona mid albaabadu u xiran yihiin in ay kasoo bixi doonaan go'aano somalia khuseeya waana markii ugu horaysay oo shir carabi yeelato somalia go'aan laga soo saaray.

 

[waxaan kasoo arurinay wakaaladaha carabta intii maanta ay qoreen oo somalia ku saabsanayd.

 

......................................................

 

 

SomaliTalk Qaahira, Masar

 

Faafin: Somalitalk.com | Maarso 22, 2005

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Carabta oo ku baaqday in dowladda Soomaaliya la siiyo

Shir madaxeedkii 17-aad ee Jaamacadda Carabta ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Aljeris ee dalka Aljeeriya, iyadoo laga soo saaray Bayaan dheer oo ah go’aannadii ay wada gaareen madaxda Carabta, waxaana go’aannadasi kuwa ka hadlayay arrimaha dalka soomaaliya.

 

Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa akhriyay qoraalkaas oo loogu jeeray Bayaankii Aljeris, waxaana ka mid ahaa in madaxda Carabtu soo dhoweeyeen horumarka laga gaaray xaaladda Soomaaliya oo ay ka mid tahay dhismaha dowladda federaalka ah, doorashada madaxweynaha iyo Baarlamaanka Soomaalida.

 

Waxaa lagu baaqay in dowladda Soomaaliya la siiyo taageero dhaqaale oo degdeg ah si ay wax uga qabato baahideeda, iyadoo loo marinayo Sanduuqa kaalmada ee Soomaaliya, taageeradaas oo ay dowladda ugu baahan tahay sidii ay howlaheeda u fulin lahayd.

 

Arrimaha kale ee bayaanka Aljeris waxaa ugu waaweynaa xaaladda Falastiin, xiriirka Carabta iyo Israa’iil oo guddi ka kooban dhowr dal loo saaray, Baarlamaan Carbeed oo dhismihiisa la isku raacay iyo qodobo kale oo fara badan,waxaa shirka soo xiray guddoomiyaha shirkaasi madaxweynaha Aljeeriya C/casiis Butafliiqa, iyadoo uu hadal ka jeediyay guddoomiyaha shirka soo socda ee 18-aad , laguna qaban doono magaalada Khartuum ee dalka Suudaan madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Soomaaliya iyo Shirka Carabta:

 

 

cy_aljeriya10.jpg

 

Madaxweynha Soomaaliya C/lahi Yusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka dagay garoonka Aljeris, waxaa si diiran usoo dhaweeyay dhigiisa Madaxweynha Aljeeriya Mudane C/casiis Butafaliikha

 

Madaxweynha Soomaaliya iyo Madaxweynha Aljeeriya oo salaanta calamada labada wadan u taagan

 

Shirka waxaa Soomaaliya uga qaybgalaya madaxweynaha DKM Soomaliya mudane Cabdullaahi Yusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo, waxaa si diiran usoo dhaweeyay dhigiisa madaxweynha Aljeeriya Mudane C/casiis Butafaliikha oo isagu markan ah ninka haya madaxninimada gudoonka jaamacada carabta, arimi ay horey isula meeldhigeen wasiirada dowlada carabta oo ay kamid ahaayeen arinta palastiin iyo israa’iil, dhaqaalaha jaamacada carabta iyo arinta Soomaaliya ee uu isagu aad ugu dheeraaday marka laga tago, xoghayaha guud ee jaamacada Carabta Camar muuse ayaa soo jeediyay in Soomaliya laga caawiyo siddii loo soo celin lahaa amnigii iyo kala danbeyntii wadankana loogu soo dabaalihii amaankii lagu yaqiin iyo in laga qayb qaato ciidamada amniga sugaya ee Afrika ay u dirayso Soomaaliya taas oo markiiba ay sheegeen dowladaha Sacuudi carabiya iyo Yaman in ay ka qayb qaadanayaan, waxaa dhanka kale la furay sanduuq dhaqaale oo loogu talagalay Soomaaliya.

 

madaxdaJaaamacadacarabta_%20Aljeris1.jpg

 

Madaxweynaha Soomaliya ayaa maanta hadal ka jeedinaya shirka kaas oo la filayo inuu ugu badnaan doono hadalkiisu sidii carabtu u taageeri lahayd dadaalka dib Soomaliya loogu taagayo qaranimadeeda.

 

Madaxweyne C/lahi Yusuf ayaa horay kulamo uu ku booqday wadamadooda la yeeshay madaxda wadamada Sacuudi arabiya, Masar, Yaman, Suudaan, Imaaradka Carabta, Djabuuti iyo Algeria, madaxda wadamadaas ayaa iyagu muujiyay niyad wanaag iyadoo ay qaarkood sameeyeen balan qaadyo dhan walba ah, inta uu hadda joogay Aljeeriyana waxuu gooni gooni ula kulmay madaxda Carabta ee shirka timid.

 

Shirkaan oo ah kii koowaad ee uu abid ka qayb galo C/lahi Yuusuf isagoo madaxweyne Soomaliyeed ah ayaa noqon doona mid uu ku kasbado asxaab badan oo Carbeed.

 

AllPuntland, Aljeeriya

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Originally posted by Duke_Valantino:

Who is the above man.

Algeria's Minister of State For Foreign Affairs Abdul Aziz Balkhadem , dont you think you should have known that before you clain the $64 m........ :D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ok, thanks for that, can you tell me the trade minister for Mauritania also.. Its the same position Yalaxow holds. :D

 

As for the money it was Mr Cammir Musa who stated it, even the bog standard warlord media, such as Horn Afrik covered the story today..

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jumatatu   

Quote from Hornafrik:

Wadamada ku bahoobey ururka Jaamacada Carabta ayaa waxa ay isku raaceen in la siiyo dhaqaale deg dega dowlada federaalka KMG ah ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

There is a difference between this and $64m + troops. In response to the trade minister of Mauritania, I dont remember saying that Mauritania giving millions to TFG. If I did then I would have known it and done my homework unlike you.

And it was to show your continues blatant lies without remorse and lack of respect for the understanding of others.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Desperate days are here for Juma, no wonder you do not sound like your old joyful self.. :D:D

 

Dhanka kale waxa uu shaaca ka qaaday Mud.Camir Muusa in lagu gudoonsiin doono Dolwada kumeel gaarka ah $65.000.000 (lixdan iyo shan milyan) oo dollar tasoo uu ku tilmaamay taakulo deg deg ah si markaa dalwadu ay ugu guudho Soomaliya uguna hawl gasho.

 

That comment was made by Mr Cammir Musa prior to the meeting of heads' of state yesterday. That was the emergency money for relocation, see how things fit together.

 

The support promised now by the leader's meeting is substantially more, we talking about reconstruction and security purposes in the short to medium term and not just the relocation cost's. Duhh Juma, read bro :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this