Sign in to follow this  
Liibaan

Faysal Sheekh Ismaaciil

Recommended Posts

Liibaan   

sheikhbro.jpg

 

Shabakadda Wararka qaar ka mid ah ayaa Weraysi waxay la yeesheen Faysal Sh. Ismaaciil oo ay walaalo yahiin Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil oo ah Ninkii la sheegay in lagu jidh dilay jeelka dhexe ee magaalada Hargeysa..

dad badan oo khubaro ku ah culuumta Multi Media-hu aya si weyn u taageereen incajaladaasi ay tahay dhab (real) oo aanay ahayn wax la soo maldahay ama la soo been abuuray

 

 

 

Sheekh Maxamed Sh. Ismaciil waxaa la qabtay 2/10/2005, isaga oo ku socday meheraddiisa, waxana goobtaas ku sii sugayey ciidan CID ah sida uu noo xaqiijiyey mid ka mid ah ehelada Sheekha, maalintaas oo 13 casho ka dambaysay maalintii ay dhacday shaqaaqadu, waxaana loo gudbiyey xabsiga magaalada Hargeisa iyada oo aan muddo sagaal bilood ah aan wax maxkamad ah la horkeenin.

 

sida laga soo xigtey Faysal Sheekh Ismaaciil oo ah nin la dhashay Sheekha Xidhan Maxamed Sheekh Ismaaciil ayaa wuxuu sheegay in ay sababtay in sheekha iyo koox 7 ka koobnayd oo ay isku kiis ahaayeen la horkeeno maxkamadda ka dib markii ay shireen ehelada sideedda nin oo ay soo saareen baaq, arrintaas oo dhalisay in maxkamadda la hor keeno.

 

Tan iyo mudadaa waxaa maxkamadda la horkeenay illaa 14 fadhi iyada oo eedaymaha ugu waaweyn ee Sheekh Maxamed lagu haysto ay ka mid yihiin sida uu noo sheegay Faysal oo waraysi la yeelanay Falal argagaxiso oo ka dhan ah JSL “waxa maxkamadda la horkeenay illaa 21 Markhaati laakiin may jirin cid wax ku caddaysay Sheekha iyada oo aannu sugayno Judgement-gii oo naloo qabtay bacdal Ramadan†ayuu yidhi Faysal Sheekh Ismaaciil.

 

Waraysigii uu la yeeshay Faysal Sheekh Ismaaciilna wuxuu u dhacay sidatan:

 

Su,aal: Waxaad nooga warantaa arrintan ayaamahan saxaafadda iyo dadweynuhuba isla dhex marayeen iyo waxa ka jira cajaladdan lagu soo bandhigay websiteska ee la sheegay?

 

Jawaab: Arrintaas annagu waa sidaan u aragnay, looyarkuna uu hore u keenay maxkamadda horteeda, waxaanuna aaminsannay in haddii laba qodob ay jiraan ay cajaladdani run tahay tan koowaad oo ah Qofkan la jidhdilayaa waa Sh. Maxamed Sh. Ismaaciil tan labaad oo ah cod ahaanna waa Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil labadaa qodob ka dib wuxuu sheekhu noo xaqiiyey in jidh dilkaa lagu sameeyey uuna run yahay.

 

Su,aal: Wax ma nooga sheegi kartaa dembiga lagu haysto sheekha?

 

Jawaab: Haa, dembiga sheekha lagu haystaa sida ku cad warqadda tirsigeedu yahay XIGH275/2006 ee xeer ilaalinta gobolka waxay ku soo eedeeyeen Sheekha falal argagixiso oo ka dhan ah JSL

 

Su,aal: ehelo ahaan maxaad haddeer damacsan tihiin inaad samaysaan?

 

Jawaab: Annagu marwalba waxaannu arrintayada u daba fadhinaa sharciga oo aanu dawladda uga fadhinaa inay keento dadkii jidhdilka kula kacay Sheekha.

 

Su,aal: Cajaladdan yaa helay? Maxaadse ka ogtihiin?

 

Jawaab: Cajaladdan maxkamadda ayaannu ku aragnay.

 

Su,aal: Maxaad dareenteen markii aad cajaladda ka dhex aragteen sawirka ka muuqda?

 

Jawaab: Waxaannu dareennay wixii uu dareemi lahaa qof la dhibaataynayo walaalkii isagoo weliba ku jira gacanta niman dawllad sheeganaya.

 

 

 

 

 

...xargaga Online....

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this