Sign in to follow this  
General Duke

Baidoa: PM Nur Cade security is paramount

Recommended Posts

R/Wasaare Nuur Cadde oo sheegay in xooga saarayaan Amniga

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 25-Desember-2007

Ra`isul wasaaraha dowlada KMG Soomaaliya Nuur Xuseen (Nuur Cadde) ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay xooga saareyso sugida amaanka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho si ay u suura gasho in dib loogu soo laabto.

 

Mr.Nuur Cade oo hadal ka jeediyay munaasabada 64- aad ee ka soo wareegtay dhismaha ciidanka booliska dalka Soomaliya oo uu baarlamaanka Soomaaliya soo gabagabeeyay ayaa sheegay in muhiim tahay in dadka ka bara kacay Muqdisho loo raadiyo fursad u saamaxeysa in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

 

"Xukuumada waxa ay xoogeeda isugu geeyneysa nabad ku soo dabaalidda Muqdisho si dadka ka barakacay ay dib ugu soo labataan", ayuu yiri Nuur Cadde .

 

Wasiirka koowaad ee golaha wasiirada dowlada KMG Nuur Cadde waxa uu sheegay in xukuumadisa ay ka xun tahay dadka ka barakacay Muqdisho ee ku dhibaateysan banaanka magaalada.

 

Waxauu dhanka kale booliska ugu baaqay in ay kasbadana shacabaka "Haddii shacabka booliska ka cararaan waxaa muuqata in kalsooni jirn waa in shacabka ay booliska soo maciin bidaan marka ay dhib la kulmaan"ayuu yiri Nuur Cadde.

 

Maryama Xuseen Axmed

seymuun@hotmail.com

Xafiska Wararka Calanka Ee Muqdisho

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Nuur Cadde: "Boolisku waa ilaaliyaha shacabka, waxaana ugu baaqayaa dadka iney gacan siiyaan howlaha ay u hayaan Booliska"

25. December 2007

 

 

Baydhabo(AllPuntland)- Ra'iisul Wasaare Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" oo maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayey sanad guuradii 64-aad ee aas aaska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ku beegneyd 2-kii Disembar kana dhacday xarunta Baarlamaanka ee ADC magaalada Baydhabo ayaa ugu mahad celiyay dhamaan qeybaha Booliska Soomaaliyeed isagoo ku amaanay howlaha nabadgelyada ee xiligan ay ka hayaan Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho.

 

"Boolisku waa ilaaliyaha shacabka, waxaana ugu baaqayaa dadka iney gacan siiyaan howlaha ay u hayaan Booliska, iyagoo u fahmin in Boolisku caddow ku yahay, ayna ogaadaan in Boolisku loo aas aasay ilaalinta dadka iyo ahntidooda, sidaa daraateed anigoo ka faa'iideysanaya munaasabadan waxaan hambalyo u dariyaa dhamaan madaxda iyo Booliska xaasaskooda iyo eheladooda iney munaasabadan teeda xigta ay ku gaaraan horumar iyo barwwaqo" ayuu yiri Nuur Cadde oo sidoo kale u mahad celiyay kooxda hobolada Heegan ee Booliska oo uu ku tilmaamay iney yihiin kuwo u dhabar adeegay iney wada jiraan oo ka badbaaday burburkii ku dhacay qeybaha kale ee hobolada iyo fannaaniinta.

 

Ra'iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale ciidamada Booliska ugu baaqay iney u dul qaataan marxalada adag ee uu ku jiro dalka iyo dhaqaale la'aanta heysata dowladda, isagoo balan qaaday in ciidamada Booliska intii karaankiisa ah uu wax u qaban doono hadey ahaan laheyd dhinaca mushaarka iyo fududeynta tasiilaadka shaqadooda, wuxuuna shacbiga Soomaliyeed ka codsaday iney gacan siiyaan Booliska, isagoo hoosta ka xariiqay inuu ka xun yahay dadweynaha iminka Muqdisho ka barkacaya, wuxuuna ugu baaqay in barakaca iyo balaayada looga bixi karo isku duubni iyo Booliska oo gacan la siiyo.

 

Munaasabada maanta oo ay ka soo qeybgaleen Guddoomiyaha Baarlamaanka Sh. Aadan Madoobe, Ku xigeenadiisa, Xildhibaano, Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/sare Cabdi Qeybdiid, saraakiisha Booliska iyo kuwa ka socday dalka Itoobiya, iyadoo munaasabadaasi ay ku soo gabagabowday si saraaxad leh oo dadkii ka soo qeybgalay ay u riyaaqeen heesaha baraarujinta iyo wadaniga ah ee ay halkaa ka qaadayeen hobolada Heegan.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this