Sign in to follow this  
General Duke

Borama: Garowe should help mediate between Awdal SNM

Recommended Posts

Boorama Oo Maanta La Filayo Inay Maanta Ka Dhacaan Mudaharaado Lagaga Soo Horjeedo Xilkaqaadistii Taliyihii Ciidamada Xeebaha Galbeed

 

Borama, September 28, 2010 (Haatuf) – Magaalada Boorama ayaa la filayaa inay maanta ka dhacaan Mudaharaado lagaga soo horjeedo xil ka qaadistii Taliyihii ciidamada xeebaha galbeedka Somaliland Col. Maxamed Cismaan Xudhuun, kaas oo la sheegay in Madaxweyne Siilaanyo xilkii ka qaaday.

 

Mudaharaadadan laga qabanqaabinayey Boorama ayaa ilaa xalay laga dareemayey qabanqaabadiisa, taas oo sida ay ilo xogogaal ahi u sheegeen Haatuf lala xidhiidhinayaa inay salka ku hayso kadib markii xilkii Ciidamada Xeebaha laga qaaday Xudhuun, isla markaana loo magacaabay nin lagu magacaabay Guray Gabaray oo hore u ahaa maamulka lacagta ee Taliska guud.

 

Mudadii ka dambaysay markii ay kooxaha ONLF ka soo degeen xeebaha Saylac iyo Lughaya dhexdooda ayaa waxa isa soo tarayay hadalhaynta dadkii hawlahaas lagu eedaynayay inay ku lug lahaayeen oo gacanta dawladda lagala baxay iyo masuuliyiintii lagu eedaynayay xil gudasho la'aanta dhacdadii ONLF in talaabo laga qaadi doono.

 

Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa dhacdadaas u saaray guddi uu hogaaminayay Wasiirka Gaashaandhiga si ay uga soo warbxiyaan, kuwaa soo sheegay warbixintooda ku sheegay in Maleeshiyadaasi ay ka taageereen inay dalka si fudud u soo galaan dad uu Wasiirka Gaashaandhigu ku tilmaamay Biidhi Qaatayaal iibsaday dalkooda.

 

Sidoo kale waxa la ilo xogogaal ahi tilmaameen inay jirtay guddi ka socotay ciidanka qaranka oo ka dambaysay guddidaas oo aan la shaacin, taas oo la sheegay in inay khilaaf ka abuurtay Guddoomiyaha Guddida Wasiirka Gaashaandhigu hogaamnayey iyo Taliyaha Ciidan Qaranka Nuux Taani, taas oo sababtay in gudidii hore degdeg uga soo noqdaan Saylac, ka dib markii magaalada Boorama lagala baxay maxaabiistii waday gaadiidkii ONLFta.

 

Isku soo baxyadaas ayaa laga cabsii qabaa in lagula soo baxo Calamo iyo Boodhadh ka dhan ah xukuumada Axmed Siilaanyo, wararka qaar ayaa sheegayana in calamada la qaadan doono ay ku jiraan Calanka Ethoipia, kacdoonka laftiisa ayaa waxa ka faa’iidaysan doona shakhsiyaad Ujeedooyin kala gaar ah damacsan, kuwaas oo qaar ka mid ah la sheegay inay saluugsan yihiin xilalka xukuumada Siilaanyo, dad badan oo dhaliila siyaasada Xukuumada Axmed Siilaanyo ee ku aadan G/Awdal ayaa Aaminsan in dadka xukuumadu u xusho masuuliyada shacabku yihiin qaar Layli ah oo aan hore masuuliyad hore u soo qaban.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Boorama:Shacabka Boorama & Xukuumada Somaliland oo markale madaxa islagalay.

28. september 2010

 

APL

 

Boorama:(Allpuntland)-Shacabka Magaalada Boorama & Xukuumada cusub ee Somaliland ayaa ladareemayaa in markale uu iskudhac balaarani ka dhexjiro kadib markii maalmihii lasoo dhaafay ay halkaas ka jireen Kacdoon badan oo dhanka shacabka ah kuwaas oo ka caraysan Talaabooyin ay Xukuumada Siilaayo kula dhaqaaqday qaarkamid ah dadka halkaas kasoo jeeda.

 

Wafdi kasocda Xukuumada Somaliland ayaa maanta halkaas gaaray,waxaana Wafdigan horkacayey Wasiirka Gudaha ee Somaliland,wuxuuna Wasiirku halkaas u tagay inuu joojiyo Mudaharaadyo Rabshado wata oo halkaas laga qorsheynayey isagoo kulamo culus la qaatay Odayaasha & Waxgaradka halkaas kusugan.

 

Dr,Maxamed Cabdi Gaboose oo caawa Warbaahinta la hadlay ayaa sheegey in loo baahanyahay in ladajiyo shacabka,isagoo sidoo kalena sheegey in Ay Xukuumadiisu xabsiyada ka siidaynayo dhamaan dadka deegaanka ee xiran,wuxuuna sidoo kale hoosta ka xariiqay in Xukuumadiisu ay xil iska saarayso Cabashada reer Boorama.

 

Boorama oo ah magaalada uu kasoo jeedo madaxweynihii hore ee Maamulka Somaliland ayaa an & markii la dhisay Xukuumada uu madaxda u yahay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxaa laga dareemayey in aysan xukuumada ku qanacsanayn iyagoo ka cabanaya Xubnaha ay dawlada ku leeyihiin,wuxuuna Wasiirka Arimaha Gudaha ee maamulkaasi sheegey in ay dawladu samayn doonto hab wax qaybsi oo cadaalad ah taas oo uu sheegey inay imika maqantahay.

 

Cabdiqani Xayir

Allpuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

Yes indeed a pirate making a clown out of himself by injecting puntland everywhere is a entertainment a bad one indeed and i pity such.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^You need to practice what you are preaching..

 

Ferguson Walaal there is tension in Awdal between the locals and the secessionist Junta in Hargaysa. Various reasons, the demise of Riyaale's admin, the use of the Siilanyu-Gaboose Trail and the sacking of the former police district chief by the secessionist boss.

 

Now Dr Gaboose is in Awdal trying to calm the public down, promising among other things the release of all local prisoners from jail and so on.

 

I belive its time that peace loving Somali's should mediate and bring down the tension before it escalates, what better place than Garowe..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this