Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Ximan iyo Xeeb: Release of the Aid Workers Was Success

Recommended Posts

Cadaado: (Sh. M. Network) Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa sheegay ini ay ku guulaysteen siidaynta shaqaale u shaqaynaayay Hay’adda arimaha Caruurta ee Save the Children kuwaasi dhawaan kooxo hubaysan ku afduubtay qeybo ka mid ah gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

Kagadaal markii Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud laga afduubtay rag u shaqaynayay Hay’adda Save the children ayaa Maamulka Ximin iyo Xeeb waxaa ay sheegeen in ay ku guulaysteen soo daynta ragaasi u shaqaynayay Hay’ada Save the Children.

 

Shaqaalahaan u shaqaynayay Hay’adda Save the Children islamarkaana laga afduubtay Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa uu mid ka mid ah ahaa nin Soomaali ah halka midka kalana uu dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Zimbabwe hase ahaatee uu haysto dhalasho dalka Ingiriiska, waxana horey loo sii daayay ninka Soomaliga ahaa oo u shaqaynayay Hay’addaasi halka midka kalana ee ajinabiga ahaa ay saacadihii lasoo dhaafay Maamulka Ximin iyo Xeeb ku guulaysteen soo dayntiisa.

 

Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb Max’ed Aadan Tiiceey oo Idaacadda Shabelle la hadlay ayaa u xaqiijiyay in ay ku guulaysteen sii daynta ragaasi u shaqaynayay Hay’adda Save the Children isagoo tilmaamay in waqtigii ay ku jireen gacnta kooxihii afduubtay aan loogaysanin wax jirdil ah.

 

Max’ed Aadan Tiiceey waxaa uu sidoo kale sheegay in ay shaqaalahaasi ku soo furteen wadahadal dhexmaray Maamulkooda iyo kooxihii Afduubtay, waxaana uu intaasi ku daray in kooxihii afduubka u gaystay shaqaalahaasi ay ka soo jeedeen degmada Caadaado ee gobolka Galgaduud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb Max’ed Aadan Tiiceey oo Idaacadda Shabelle la hadlay ayaa u xaqiijiyay in ay ku guulaysteen sii daynta ragaasi u shaqaynayay Hay’adda Save the Children isagoo tilmaamay in waqtigii ay ku jireen gacnta kooxihii afduubtay aan loogaysanin wax jirdil ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this