Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: Amal Express donates $25000.0 to orphans: PICS

Recommended Posts

Daawo-Sawiro: Xawaaladda kala gudbinta lacagaha ee Amal Express oo dhisme wayn oo ay ugu magacdartay amal Plaza ka furtay magaalada Galkacyo iyadoo lacag ka badan 25000$ ugu yaboohday Agoonta magaalada galkacyo labadeeda dhinac.

 

Xawaalada Amal Bank & Money transfer oo kamida xawilaadaha ka shaqeeya kala gudbinta lacagaha ayaa maanta xariga ka jartay dhisma wayn oo loogu magac daray Amal Plaza dhismahaasi oo ay shirkadu ka dhistay Magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug iyadoo xafladii maanta deeq farabadan ay xawilaada amal ugu deeqday agoonta magaalada galkacyo ee Koonfurta iyo waqooyiga magaalada lacagtaas oo uu ku yaboohay Vise Chairmanka Shirkada amal ahna maareeyaha Amal Bank and trade Abdidaahir Cali Xirsi dhagasayn.

 

Xafladii maanta xariga looga jaray dhismaha xawilaada amal express ay ka hirgalisay magaalada galkacyo oo ay ka soo qayb galeen dhamaan Madaxda Gobolka mudug, Madaxda hay'adaha, Dhakhaatiirta Gobolka iyo marti sharaf kale ayaa lagu qabtay hotelka wayn ee Taar city iyadoo siwayn loo soo agaasimay xafladaasi.

 

Xafladii maanta lagu qabtay hotel taar oo ay ka hadleen madax waaawayn oo ka tirsan Shirkada amal Bank uuna kamid yahay maareeyaha guud ee amal Bank Yuusuf Cali shire iyo madax sar sare oo ka kala socday xafiisyada shirkada amal ay ku leedahay wadamada aduunka ayaa siwayn looga war bixiyay wax qabadka shirkada amal iyo sidoo kale hawlaha ay ka fuliso wadanka somalia iyadoo dadwaynihii xaflada ka qayb galay la daawad siiyay sawiro muujinaya dhismayaasha shirkada amal ay ka hirgalisay wadanka gudihiisa iyo dibadiisa.

 

Madaxda shirkada amal ayaa shirkii maanta ku balan qaaday lacag gaaraysa 25000$ iyadoo lacagtaasi loogu deeqay agoonta ku nool magaalada galkacyo in loogu dhiso school labada dhinacna ee ay ka kooban tahay magaalada galkacyo laga hirgalinayo iskuulo ay agoontu wax ku bartaan si loo garab istaago agoonta ku tabaalaysan wadanka gudihiisa.

 

Xafladii maanta oo ahayd mid siwayn loo agaasimay ayaa lagu casuumay bahda warbaahinta iyadoo ay ka soo qayb galeen saxafihiin ka socotay TVyada SBC iyo ETN ee ka hawl gala magaalada bosaso iyo dhamaan idaacadaha kudaha ee ka hawl gala Puntland iyo somalia inteeda kalaba goobta xafladana siwayn loogu arkayay saxafihiin kala gadisay oo ay ka muuqanayso astaamaha idaacadaha iyo TVyada ay ka socdaan.

 

Abdinuur Mohamed Seeraar

qalay2005@hotmail.com

Galkacyo Puntland State of somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites

amalplaza.JPG

Maamulka Gobolka Mudug iyo Madaxda Amal

 

amalplaza1.JPG

Gudoomiyaha Gobolka Mudug

 

amalplaza2.JPG

amalplaza3.JPG

Maamulka sare Ee Amal Bank

 

amalplaza4.JPG

G.G/Mudug oo xariga ka jaraya xarunta amal plaza

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this