Sign in to follow this  
Emperor

President Yusuf lands Garowe and held talks with Adde on Puntland elections

Recommended Posts

Emperor   

Garowe: Madaxweynaha Soomaaliya oo la shirsan Madaxweynaha Puntland.

26. november 2008

 

Garowe(AllPuntland)- Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed oo soo gaaray goor dhaw Magaalada Garowe ayaa la kulansan Madaxweynaha Puntland Maxamuud Muuse Xirsi, waxaana aan la ogaan karin waxyaabaha ay ka wada hadlayaan.

 

Warka ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Yuusuf kala hadlayo Madaxweynaha Puntland arimaha siyaasada ee dalka Soomaaliya & xaaladaha gaarka ah ee Puntland, waxaana xaaladahan Puntland lafilayaa in ay qeyb ka noqdaan Doorashooyinka Puntland.

 

Madaxweyne Yuusuf ayaan si rasmi ah wali loo hubin ujeedada booqashadiisa, balse warar hoose ayaa sheegaya in uu Madaxweyne Yuusuf usoo gaaray Puntland waqtigan wada hadalo uu la yeelanayo Siyaasiinta Puntland oo uu kala hadlayo marxaladaha dalka Soomaaliya & Sidii doorashada Puntland ay unoqon lahayd mid wanaagsan oo si xor ah uga hirgasha Puntland.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la kulmi doona saacadaha nagu soo aadan Isimada Puntland, waxaana Yuusuf kala hadlayaa Isimada sidii ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen xaaladaha Doorashada Puntland.

 

Saraakiisha Madaxtooyada Puntland ayaa ka gaabsanaya in ay kulamadan faahfaahin badan ka bixiyaan, waxa ayna sheegayaan in uu Madaxweynuhu hadli doono saacadaha nagu soo aadan uuna warsiin doono Suxufiyiinta.

 

Safarka Madaxweynaha dalka Soomaaliya Md. C/laahi Yuusuf Axmed ku soo gaaray deegaanada Puntland ayaa ku soo beegmaya xili deegaanada Puntland ay ku soo fool leeyihiin doorashooyinkii Madaxweyne-nimada, waxa ayna dad badan dhowrayaan hadalada Madaxweyne Yuusuf ee ku aadan booqashadan.

 

Madaxweynaha socodkiisa ayaa ku soo aadaya sidoo kale xili uu khilaaf adag kala dhaxeeyo Raysalwasaarihiisa Nuur Xasan Xuseen, waxaana laga dhowrayaa Madaxweynaha in uu ka hadlo awood qeybsi ay gaareen Wafdiga Nuur Cadde & Mucaaradka ka soo horjeeda.

 

Sadexda maalmood ee nagu soo aadan Madaxweyne Yuusuf wuxuu joogi doonaa Puntland, waxaana aan la hubin in uu tagayo gobalada Puntland oo uusan waayahaan wada marin, waxa ayna warar sheegayaan in uu Madaxweyne Yuusuf tagayo Qardho & Gaalkacyo.

 

F. C. Geylan

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Garoowe: Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda KMG oo ka soo degay Garoowe

26. November 2008

 

Garoowe(AllPuntland)-Wafdi ballaadhan oo uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda KMG ayaa ka soo degay garoonka diyaaraddaha Canoco ee duleedka magaalada Garoowe,iyadoo wafdiga Madaxweynaha ay ka mid yihiin xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

 

Ujeedada socdaalka Madaxweynaha Dowladda KMG iyo wafdigiisa ayaan si dhab ah loo ogeyn, hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha uu ka qeybgeli doono caleema saarka Boqorka Dooraad oo ka dhici doonto magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar.

 

Daqiiqado kadib ayaa la filayaa in ay soo gaaraan wafdiga Maxdaxweynaha, waxaana ay marka ay soo gaaraan gudaha magaalada ay si toos ah u tegi doonaan xarunta Madaxtooyadda.

 

Wixii warbixino iyo khudbooyin ee uu jeediyo Madaxweynaha DOwladda KMG kala soco APL.

 

AllPuntland, Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweynaha Soomaaliya Md Yusuf Oo Si Diiran Loogu Soo Dhoweeyey Garoonka Dayuuradaha ee Magaala Madaxda Puntland Garoowe.

 

Waxaa barqadnimadii saaka kasoo degay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe ee caasimada DGPL madaxweynaha DFKS Cabdulaahi Yusuf Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayo oo kasoo duuley magaalada Nirobia ee caasimada wadanka Kenya madaxweynaha ayaa waxaa kuweheliyey safarkiisaan wafdi heersare ah oo kamid ahaa masuuliyiinta DFKS iyo safiirka dalka yemen ufadhiya Somalia.

 

Safarkaani uu kuyimid madaxweynaha DFKS caasimada maamul goboleedka Puntland ee Garoowe ayaa aheyd mid kadis ah oo aan dadka filineyn imaatinka madaxweynaha DFKS.

 

Markii ay kasoo degeen wafdigani kasoo kicitimey magaalada Nirobia ee caasimada dalka Kenya ee uu hogaaminaayey madaxweyne Yuusuf garoonka diyaaradaha magaalada garoowe ayaa waxaa sidiiran ugu soo dhaweyey masuuliyiin sar sare oo katirsan maamul Goboleedka Puntland uu ugu horeeya madaxweynaha maamul Goboleedka PL jeneral Maxamuud Muuse Xirsi( Jeneral Cade) iyo qaar katirsan golaha wasiirada iyo xildhibaanada maamul Goboledka Puntland.

 

Waxaana Goobtaasi kalmad soo dhaweyn ah ka jeediyey wasiirka wasaarada maaliyada maamul goboleedka PL Dr Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab

Soo dhaweyn kadib waxaa kalmad kooban saxaafada kusiiyey bartamaha Garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe madaxweynaha DFKS Cabdulaahi Yuusuf Axmed isaga oo kawar bixiyey ujeedada socdaalkooda wuxuuna kudheeraadey madaxweyne Yuusuf kahadalka arimaha Burcad Badeeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweynaha DFKMG C/laahi Yusuf oo soo gaaray Garowe (Sawiro)

C/weli Gooni

Horseed Media

Garowe, Puntland

 

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdullahi Yusuf Ahmed oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayaa kulamo kula leh Xarunta Madaxtooyada Madaxweynaha Puntland Cadde Musse iyo xubno kamid ah xukuumada.

 

Maanta ayuu Madaxweyne C/laahi Yusuf Markii uu soo gaaray Garowe war kooban uu saxaafada kusiiyey xarunta Madaxtooyadda Garowe, asagoo sheegay in uu daalan yahay oo uusan hadalka kusii dheeraan doonin, wuxuuna Cabdullahi Yusuf Madaxweynaha DFKMG sheegay in wafdigiisa uu la socdo Safiirka Yemen u fadhiya Soomaaliya ayadoo uu ka hadlay Dooni laga leeyahay Yemen oo lagu afduubtay xeebaha soomaaliya isla markaana hada lagu heysto xeebta Eyl.

 

Madaxweynaha Dowlada Federaalka iyo wafdigiisa ayaa sidoo kale lagu wadaa inay beri ka qeyb galaan munaasabada Caleemo Saarka Boqorka ******* oo ka dhici doonta magaalada Qardho.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Abwaan   

lol...What happened to Jabuuti? I thought that he was going to Jabuurti? Mise mar horaa lagu kala faraxashay Jabuuti oo sida la maqlayo baarlamaan 550 ah baa la leeyahay waa la samayn, kaasoo dooran doona Guddoomiye baarlamaan markaasna madax weyne muddo bil ka dib ah.

 

C/llaahi Yeey DAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAADKAAAAAAA QAAAAAAAAAAAADAY!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

He's coming back to his base, to show all Somalis that he is not alone and has the support of Puntland. He's basically saying, look i'm not powerless i've got a whole state backing me.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Abwan adeer did you hear the way the President spoke in Garowe, it was full of warmth and compassion, who forced him tos peak this way? Maybe it was the Americans.,lol.

 

As for the visit. There are several issues that are of importance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

C/llaahi Yeey DAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAAADKAAAAAAA QAAAAAAAAAAAADAY!

 

Abwaan wuu dabaal degaysaa, Etoobiana waa awr ku kacsi. The question is aside from the apparent demise of Yey (according to those with clanish lenses), what has changed?.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this