Taako Man Posted January 28, 2007 Magaalada Minyaabolis ee dalka Mareeykanka ayaa lagu qabtay munaasabadlagu Taageerayo Dawladda DFKS Somaliweyn Media Center (SMC) 28/01/07 Munaasabadaa oo lagu qabtay hoolka layiraahdo Minyaabolis Convention Center oo ku yaala Faras magaalaha Minyaabolis. Waxaa hoolkaa isugu yimi dadweyne aad ufarabadan dadweynahaas oo lagu qiyaasay ilaa shan iyo Toban kun. Barnaamijkaani wuxuu bilowday 5:30 galabnimo waxaa halkaa furay Abdirisaaq Axmed (Ducaysane) isagoo soo dhaweeyey dhamaan dadkii waqtigoodii u huray iney taageero ufidiyaan Dowladooda, kadib waxaa lagu furay Aayado Quraanka kariim ah waxaana halkaasi ka aqriyey Aayadaha Quraanka Shiikh Axmed Cali (Maktayn). Quraanka sida caadadu ahayd waxaa lawada qaaday Heestii caanka ahayd ee layiraahdo (Soomaaliyeey Toosoow). Waxaa kadib halkaa qaatay Madaxa Ururka Mideynta Soomaaliyeed oo layiraahdo Maxamed Abuukar Xuseen wuxuuna halkaa ka sheegay faaiidada ay leedahay isku duubnimada Soomaaliyeed iyo in ay maantay Somali ubaahan tahay cadaalad. Kadib waxaa ku xigay Ururka farshaxanka Soomaaliyeed ururkaas oo Madax uu uyahay Abwaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Cabdulaahi Ciise (Sangub) waxaayna halkaasi ku soo bandhigeen heeso aad qiiro uleh Heesahaasoo uu qaadayey Fanaanka Axmed Cali (Igaal), Heesta magaceedana waxaalayiraahdaa (Qarni) waana Hees Cusub oo ka hadleysay marxalada maantay uu dalku marayo. Waxaa ku xigay Roda oo ku magacdheer Rooda wacan oo ayadana Qaaday Hees wadaniga dhabta ah. Waxaa kaloo ku xigay Hees wadani ah oo layiraahdo (Soomaaliyeey aan is cafino). Waxaa ku xigay Ardo sheikh Yuusuf oo ku hadleysay Codka Haweenka Soomaaliyeed waxayna ardo kahadashay Kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ka soo galeen Xoriyadii dalka 1960 kii iyo dagaalkii sokeeye intaba ardo waxaa ku xigay, Drs. Luul Xasan Laari oo iyaduna sidoo kale waxay ka hadashay kaalinta dhabta ah ee haweenka Soomaaliyeed maantay ay kaga jiraan xaalada dalka uu marayo. Waxaa ku xigay Abdisamad Xasan oo katirsan Jaaliyadda magaalada Ohio oo uyimi munaasabadan owgeed ayaa wuxuu ka tiriyey Gabay Wadani ah oo uu ku guubaabinayey in Shacabka Soomaaliyeed gacmaha isqabsadaan oo ay Taageeraan dowladooda. Waxaa Xafladani ka soo qeybgalay marti Sharaf ka kala timi Gobolka Minnesota oo dhan iyo wadanka Mareeykanka gudihiisa. Waxaa meeshaasi ka hadlay Afhayeen ka socday Senatorad. Amy Kloubochar ee ah senator xisbi dimoqraadi ah. Xafiiska Coleman waxaa ka socday Maxamuud Wardheere. House of Republican waxaa ka socday Mr. Smith. Amino Arte oo ka socotay Xafiiska xisbiga Republicanka ee Rep. Tim Walls. Waxaa kaloo kamid ahaa marti sharaf ka soo qeyb galay Xafladaan Safiirka Soomaalida ee Qaramada midoobay Dr. Cilmi Ducaale iyo Safiirka Dalka mareeykanka u fadhiya Dowlada Kenya Peter N.R.O Ogego. Daahir Mire Jibriil oo ah uqeyb samaha Xiriirka Caalamiga ee Arimaha Dibada ee DFKMG. Gabagabadii waxaa lagu soo gabeeyey Raysulwasaaraha DFKMG ee Soomaaliya Mudane Prof. Cali Maxamed Geedi isagoo halkaasi kala hadlayey Qadka isgaarsiinta ee Taleefoonka ah wuxuuna umahad celiyey dhamaan qaban qaabiyayaashii munaasabadaan iyo dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Magaalooyinka mataanaha iyo agagaarkeeda isku xilqaamida ay isku xilqaameen iney taageeraan dowladooda Federaalka ah Wuxuu kaloo warbixin guud ka siiyey Xaalada dhabta ah ee uu dalku maantay marayo. Prof Geedi ayaa waxaa laweydiiyey su’aalo kala duwan wuxuuna waana uu uga jawaabay. Xafladani waxaa suurta galiyey ineey hirgasho dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota gaar ahaan Qaban qabiyayaasha ee ay ka mid yihiin Abdirizak A(Ducaysane), Drs. Luul Xasan Laari, Warsame, Aamino Deero,Aadan dhagax, Xaawo kamaaludiin,Safiya. Waxaa kaloo mahad loo celinayaa Confederation Somali Community Minnesota, African Community, Banaadir Community, dhamaan Xafiisyadda Community Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Soomaaliyeed. Dhanka kale fanka waxaa gacanweyn ka geeystay fanaaniinta Hobolada Waaberi oo uu horkacayey Abwaan maxamuud Axmed Ciise (Sangub). Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 28, 2007 There was a huge turnout the convention centre was filled. I have not seen so many Somali's. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taako Man Posted January 28, 2007 From what I hear the centre was full to the max. Mashallah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted January 28, 2007 It was packed! Habrihii Cedar iyo Caruurtooda & some of the finest Halimos from MN ayaa Xaflada isku yimid[sidaan maqlay]. Wait for the pics from the Anti-TFG gov't rally Quote Share this post Link to post Share on other sites
Benevolent_ Beauty Posted January 28, 2007 yes it was full ...but not full of supporters....many went there just to see what was happening, not there to support or encourage this tfg Quote Share this post Link to post Share on other sites
ansaar17 Posted January 28, 2007 "the center was filled" lol it shows the desperation of the TFG. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faarax-Brawn Posted January 28, 2007 Originally posted by Benevolent_ Beauty: yes it was full ...but not full of supporters....many went there just to see what was happening, not there to support or encourage this tfg It was a xaflad & you how the ppl of MN love Xaflado. Mahad Indho deero[Mahad Waaw,lol] & his fellow TFG fanaans were performing dee. He sang his heart out with hits like Hooyo & Waw Waw and many others. Caadi ma'aheen meesha Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 28, 2007 It was packed by many supporters of the TFG, people even cried when they heard the national anthem and sang patriotic songs. Therw where poems by Sangub and others. The ambasador from the republic of Kenya to the US, flew in from Washington DC. source Our Ambasador to the UN, was also there Quote Share this post Link to post Share on other sites
Lake Posted January 28, 2007 Holding a lil too tight to that American flag I see lol.... ***smh*** Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 28, 2007 ^^^what nonsence, that even was a success, the anti-TFG groups coould not fill a side walk let alone a convention centre... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taako Man Posted January 28, 2007 Great pics General Duke. Support is growing and institutions are being built by the day. Mashallah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 29, 2007 ^^^It is the right course saxib. That event was a success. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 29, 2007 MINNEAPOLIS: Xaflad lagu taageerayo Dowlada Ku Meelgaarka ah ee Soomaaliya oo ka dhacday magaalada Minneapolis Posted to the Web Jan 29, 01:28 Minneapolis: (pp) - Xaflad qurux badan ayaa lagu qabtey magaalada Minneapolis ee gobalka Minnesota, xafladaas oo lagu soo dhaweynayey Dowlada ku meelgaarka ee Soomaliya. Xafladaas ayaa waxa ka soo qayb galay madax heer sare ah, hooyooyin, abwaano, ardey, macalimiin, culimo, iyo fanaaniin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted January 29, 2007 Xafladaas ayaa waxa lagu qaybtey, Minneapolis Convention Center, waxana ay socotay in ka badan lix saacadood. Barnaamijyo isdaba joog ah oo ay dhextaala u yihiin heeso, buraanburo iyo gaboyo ayaa halkaas lagu soo bandhigey Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wisdom_Seeker Posted January 29, 2007 Starting to lose hair Duke? Quote Share this post Link to post Share on other sites