Sign in to follow this  
General Duke

Mogadishu: NRC continues smoothly

Recommended Posts

shir5.jpg

 

Wararkii ugu dambeyay shirka

 

1 Aug 1, 2007 - 5:30:20 PM

 

Shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee maalmahan uga socday magaalada Muqdisho, ayaa maanta lagu gabagabeeyay qodob ku saabsanaa amniga Qaranka iyo Hub ka dhigis, taasoo ay beelaha Soomaaliyeed ergooyinkii u hadlayay ay maanta qeybihiisii dambe soo gunaanadeen.

 

Xaaji Cabdi Iimaan oo ah Gudomiyaha Golaha Dhaqanka beelaha ****** oo kulankaasi ka hadlayay ayaa sheegay in odayaasha dhaqanku ay kaalin ka qaadan karaan sidii Hubka beelaha gacanta ugu jira loogu wraeejin lahaa Dowladda.

 

“Dowlada waxaa laga rabaa ciidamada ay qoraneyso ama ay adegsaneyso inay noqdan kuwo tababar iyo aqoon leh, awal ciidamada waxaa lagu qori jiray dishibiliin iyo aqoon, hadana waxay yihiin kuwo leyska qoray oo u bahan tababar” ayuu yiri Xaji Cabdi Iiman.

 

Dhinaca kale beelaha Digil iyo Mirifle khilaaf soo kala dhex galay ayaa sababay ergoyinkodii qeyb ka mid ah ay shirka ka baxaan, kuwasoo ku kala qeybsamay cafinta hantida ka maqan, balse wadahadal gaar ah oo ay dhexdooda ka yeesheen kadib ay ku soo laabteen shirka, kana sheegeen inay cafiyeen tacadiyada beelaha ****** iyo ******* ay u geysteen, iyagoo dalbaday in kulamo gaar ah beelahaasi ay la yeeshaan si hantida muuqata ee laga heysto ay u soo celiyaan.

 

Shir guddoonka shirka ayaa maanta u gudbay qodobka Lixaad ee ah habka dowlad wanaaga, Axdiga Qaranka, abuurista xisbiyo iyo asxaab, qabanqaabinta doorasho xor ah, aburista xisbiyo iyo asxaab kaasoo la filayo in maalmaha soo socda ay ka doodaan ergooyinka, iyadoo shir guddoonka shirka uusan shegin sababta looga booday qodobka Shanaad oo ahaa hanti isu celinta.

 

Cali Muxayadiin Cali,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this