Sign in to follow this  
Jabhad

Latest news from occupied Mogadishu.

Recommended Posts

Jabhad   

Madaafiic xooggan oo caawa la isku weydaarsaday Magaalada Muqdisho

 

Isniin, February 19, 2007(HOL): Kooxihii Muqaawamada ahaa ee ka soo horjeeday ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya ayaa mar kale caawa is-weeraray madaafiic waa weyn oo laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho.

 

 

 

Kooxaha ka soo horjeeda Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ayaa waxay madaafiic ku weerareen Isbitaalka Digfeer iyo Xaruntii Wasaaraddii Gaashaandhigga oo beryahan oo fariisin u ahayd Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, waxaana kadib la sheegay in ay labadaas goobood ay ka soo dhaceen madaafiic jawaab ah oo ku dhacay xaafadaha Kaasa-bolbolaare iyo Al-Baraka ee Degmada Hodan, walow warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in uu madfac kale oo habow ah uu ku dhacay Xaafadda Xamar Jadiid ee Degmada Wardhiigley.

 

 

 

Ilaa 4 ruux ayaa la sheegay in ku geeriyoodeen madaafiicda ku dhacday Xaafadaha Degmada Hodan ka tirsan, waxaana sidoo kale jira dad ay dhaawacyo soo gaareen, kuwaasi oo Isbitaallada loola cararay.

 

 

 

Labadii habeen ee ugu dambeysay magaalada Muqdisho wax weerarro ah kama jirin, dadkana si nabadgelyo ah ayay u hurdeen, hayeeshee caawa ayaa waxaa mar kale u bilowday madaafiicdii ay isku ridayeen kooxaha Muqaawamada Shacabka la baxay iyo Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee kaalinaya.

 

 

 

Wixii ku soo kordha Warkan kala soco Hiiraan Online Haddii Alle idmo.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

 

Qaraxyo waaweyn oo ka dhacaya qaybo ka tirsan Muqdisho

 

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 19/02/07

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay laba arrimood u tageen..

 

Afhayeen u hadlay Dowladda Itoobiya ayaa waxa uu sheegay in ay Soomaaliya u tageen labo arimood oo kala ah in ay dalka ka saaraan Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu sheegay inay Qatar ku ahaayeen Dowladda Itoobiya, sidoo kale waxa uu sheegay inay Soomaaliya u galeen ciidamadoodu inay ka hor tagaan kooxaha Mucaaradka ku ah Itoobiya oo ay Maxaakiimtu hubeynayeen sida uu sheegay.

 

“Uma tagin Soomaaliya in an taageerno Dowladda Federaalka, ee danteenu waxay ahayd in aan kooxahaasi ka hor tango” ayuu yiri Afhayeenkaasi oo sheegay in todobaadyada soo socda Ciidamada Itoobiya sida ugu dhaqsiyaha badan uga bixi doonaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya ayaa horey waxa uu u sheegay in ciidamada Itoobiya ee galay Soomaaliya ay halkaasi u tageen sidii ay uga hortagi lahaayeen qatar weyn oo ku soo food lahayd Itoobiya, isagoo sheegay in taasina ay ku guuleystay, isla markaana dhawaan ciidamadiisu sida ugu dhaqsiyaha badan uga soo bixin doonaan dalka Soomaaliya.

 

http://www.somalitalk.com/2007/feb/20feb017.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Weerar caawa lagu qaaday Xaruntii hore ee Wasaaradda Gaanshaandhigga iyo isbitalka digfeer oo ay tikreegu dhowaan dageen.

 

Muqdisho,19,February-07 ( Qaadisiya.com) Weerar ayaa caawa lagu qaaday 2-xarun oo ay degan yihiin ciidamada Tikreega ah goobahaasi oo kala ah Xaruntii hore ee Wasaaraddii Gaanshaandhigga iyo Isbitalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho.

 

Weerarada lala beegsaday Xarumahaasi ayaa lasheegay in ay gaarayeen gantaalada lagu riday illaa shan gantaal iyadoo aanu lasoo sheegin weli khasaaraha tikreegu kasoo gaaray hoobiyeyaashaasi lagu tuuray.

 

Weerarkaasi kadib ayaa Xabashida Dalka kusoo duushay waxa ay si fuleynimo u soo tuureen gantalo isbadajooga kuwaasi oo ku kala dhacay Xaafadda Albaraka iyo Xaafadda KPP ee Magaalada Muqdisho.

 

Gantaalihii kudhacay Xaafadda Albaraka ayaa waxa uu ku dhacay qeyb kamid ah Suuqa Caanaha iyo Khudaarta ee Bakaaraha iyadoo halkaasi ay kudhaawacmen illaa 6-qof inta Shabakada Islaamiga ah ee Qaadisiya ay soo xaqiijisay.

 

Gantaalihii kale ee iyana kudhacay Xaafadda KPP ayaa waxa uu kudhacay meel kudhaw Masjidka Sheekh Cali Suufi Gaar ahaan Albaabka hore ee Dugsiga sare ee Imamu Shaafici, waxaana halkaasi ku geeriyooday illaa 2-qof oo ahaa dad hoyanayay iyadoo dad kor u dhaafaya 9-qof ay ku dhaawacmeen.

 

Meydka labadaasi qof ayaa la dhigay Gudaha Masjidka sheekh cali Suufi iyadoo iminka ay habeen tahay ayaanan weli la awoodin in la aaso waxaase dadka xaafadaasi ay ku dadaalen oo ay xoogga saareen in ay dhaawacyadii u qaadaan Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba ha ahaatee Shacabka rayidka ah ayaa mar waliba iska muuqaneysa in la bartilmaameedsanayo gantaalaha iyadoo shaqaalaha Tikreeguna ay ku sheegaan mar waliba inay saxsan yihiin Tikreega taasi oo ugu dambeyn la arki doona cid waliba oo sidaasi afkeeda ku tiri halka ay ku dambeyneyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

3 qof ayaa ku geeriyootay tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen madaafiic ay soo rideen ciidamada Itoobiyaanka ee saldhigoodu yahay xaruntii hore ee wasaaradda Gaashaandhigga iyo isbitaalkii Guud ee Digfeer, kuwaasoo ka jawaabayey weerar hoobiyaal ah oo kooxo aan la garaneyn ku weerareen goobahaasi.

 

Hobyonet. Muqdisho Isniin, Feb, 19, 2007

 

Ciidamada Itoobiyaanka, ayaa ilaa 5 madfac ku soo riday deegaanka Al-barako iyo dugsiga Imaamushaafici, halkaasoo la rumeysan yahay in ay ku geeriyoodeen ilaa 3 qof oo rayid ah, ayna ku dhaawacmeen 6 qof oo kale

 

2 qof ayaa la sheegay in ay ku geeriyoodeen xaafadda Kpp ee degmada Hodan, iyadoo qof kale uu ku geeriyooday agagaarka dugsiga Imaamu-shaafici.

 

Madaafiicda ay soo rideen ciidamada Itoobiyaanka ee dadka ku laayey qaybo kamid ah degmada Hodan, ayaa waxa ay jawaab u ahaayeen ilaa 4 madfac oo hoobiyaal ah oo lala beegsaday labo barrood oo ay ku sugan yihiin ciidanka Itoobiya.

 

Dadka dhaawacmay qaarkood ayaa lagu hayaa xaafadaha, iyadoo aysan suuragal ahayn in la geeyo isbitaalada magaalada Muqdisho, sababo la xiriir amniga waddooyinka Muqdisho oo aan la isku halayn karin.

 

Madaafiicda ay ridayaan ciidamada Itoobiyaanka, ayaa waxaa had iyo goor lala beegsadaa deegaanada dadka rayidka ah ay ku dhaqan yihiin, waxayna dowladda KMG ah horey u sheegtay in ciidamada Itoobiyaanka ay xaq u leeyihiin in ay madaafiic ku garaacaan goob kasta oo ay uga shakiyaan in madfac looga soo tuuray.

 

Wixii warar ah oo ku saabsan madaafiicdaan waxaan idiin soo gudbin doonaan goor dhaw

 

Maslah Osman

 

Hobyonet. Muqdisho Soomaaliya

 

http://www.hobyonet.com/Feb/feb_19-madaafiic%20gilgilay...htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this