Sign in to follow this  
Liqaye

Renovation of Mogadishu sea port.

Recommended Posts

Liqaye   

dekedda3.jpg

imco, September 11, 2009(HOL): Labadii toddobaad ee la soo dhaafay Dekedda caalamiga ah ee Muqdisho waxaa ka socday howl aad u ballaaran oo ay waday Shirkadda Alpha Logistics Shipping, iyadoo inta badan howlahaasi ay ka waday gudaha marsada Dekedda oo ah halka ay ku soo xirtaan Maraakiibta.

 

Inkasta oo mudada ay socotay howsha marsada Dekedda, haddana waxaa si caadi ah u socday howlaha u heyso Qaranka Soomaaliyeed iyadoo si caadi ah ay uga soo degayeen badeecadaha kala duwan ee dalka uga yimaada dalalka dibadda, waxayna Shirkadda Alpha Logistic Shippin maalinba maalinta ka dambeysa sii kordhineysay howlaheeda kala duwan oo ay ku hagaajineyso marsada.

 

Baaxadda Marsada dekedda caalamiga ah ee Muqdisho oo aad u weyn ayna ku soo xiran karaan mar kaliya ku dhowaad toban Markab oo kuwa waaweyn ah, hase yeeshee ma helin wax dayactir ah tan iyo markii la riday Dowladdii Maxamed Siyaad maamuladii ka horeeyay Dowladda Federaalka marna iskuma dayin inay dayactiraan iska marsadee xafiisyada dekedda, waana nasiib wanaag in dadaal fara badan oo uu sameeyay Eng. Cabdi Jiinow oo ah Maareeyaha Dekedda, isla markaana ku bixiyay dadaal dheeri ah sidii dib loogu dayactiri lahaa, taasi ayayna ku timid in shirkadda Alpha Logistics Shipping dhabarka u ridato inay Dekedda sideedii hore ku soo celiso.

 

Khubarrada shirkadda Alpha Logistics oo iyagu ka soo shaqeeyay dekedo ku yaala caalamka, waxaa iyagoo adeegsanaya qalab casri ah oo lagu arkayo waxa dhex yaala gunta hoose ee biyaha badda, ay horaantii toddobaadkii hore waxay soo saareen Bir aad u weyn oo lagu magacaabo Ramp, taasi oo ka jabtay markab horay ugu soo xirtay dekedda.

 

Birtan weyn ee loo yaqaan Ramp ballaceeduna yahay in ku dhow 5-Mitir oo isku wareeg ah, taasi oo aad u cusleyd ayaa soo bixisteeda waxay khubarada ku qaadatay muddo laba maalmood ah, waxaana weli socota howl ciidda looga saarayo meeshii ay ku jabtay Rampada.

 

Sahankii ugu horeeyay ee ay shirkadda Alpha Logistics Shipping ku sameysay Dekedda iyo hareeraheeda, ayaa soo sheegay in laba Taag ay ku jiraan gudaha marsada iyo Ankorka dekedda, waxayna howshii ugu horeysay ka bilowday midkii ku jiray Dekedda bannaankeeda, waxaana meeshii Taagga laga soo bixiyay laga dhayay dhaawicii uu u geystay gunta hoose ee biyaha sida ciid iyo wasaq fara badan oo Taaga ku soo ururay oo iyana laga bixiyay halkaasi.

 

Howlgalkaasi lagu soo bixiyay Taagga ku burburay dekedda bannaankeeda, waxaa ku xigay howlgal kale oo Booyad dhererkeedu gaarayo ilaa 4-Mitir ah looga soo bixiyay halka ay Maraakiibta iyo doomaha ka soo galaan marsada Dekedda, waxayna booyadaasi markeedii hore caqabad ku ahayd Maraakiibta iyo Doomaha ku soo xiranaya marsada, iyadoo Bayloodyada had iyo goor ay dhibaato ku qabeen soo gelinta marsadda dekedda Maraakiibta iyo doomaha, hase yeeshee xilligan la joogo caqabadaasi meesha way ka baxday kaddib dadaal wadaniyadeed aan hagar lahayn oo ay sameysay Shirkadda Alpha Logistics Shipping.

 

Mar aan xog-wareysi kooban kala yeeshay mid ka mid ah Injineerada Shirkadda Alpha Logistics ayaa ii sheegay inay howlahooda si caadi ah u socdaan, hase yeeshee howsha ay ka wadaan marsadda dekedda ay tahay mid u baahan inaan marnaba laga caajisin, isagoona ii sheegay in yoolkooda ugu weyni uu yahay sidii ay dib ugu soo celin lahaayeen ayna uga dhigi lahaayeen sideedii hore oo kale.

 

Shirkadda Alpha Logistics Shipping waa shirkad caalami ah oo horay uga soo shaqeysay dalalka caalamka qaarkood, waxaana maamula Injineero iyo khubarro ku xeel-dheeraaday dhinacyada Badda, Dekedaha iyo Maraakiibta, kuwaasi oo isugu jira Soomaali iyo ajnabi.

 

Howlaha lagu dayactirayo marsada Dekedda loogana saarayo burburka biraha iyo qashinka dhex yaala gunta hoose ee marsada waxaa barbar socota dayactir dhaawacyada gaaray cirifka marsada ee u dhow jambiga ay maraakiibta ku xirtaan, waxaana howshaasi oo ku socota dardar durba wax weyn ka bedeshay habsami u socodka howlaha Dekedda.

 

dekedda5.jpg

dekedda7.jpg

 

dekedda11.jpg

dekedda8.jpg

 

dekedda12.jpg

dekedda2.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this