Xaaji Xunjuf Posted October 5, 2010 War Degdega: Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL Oo Joojiyey Dhammaan Shaqadii Uu Tv-ga Universal Ka Waday Magaalooyinka Somaliland Oo Dhan. Hargeysa(Ramaas) Okt.05, 2010 - Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ee JSL Md Cabdilaahi Jaamac Cismaan [Geell-jire], ayaa soo saaray wareegto uu ku hakiyey shaqadii warbaahineed ee uu Tv-ga caalamiga ah ee Universal ka waday guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Md Geell-jire waxaa uu ku eedeeyey maamulka tv.ga inay ka baydheen dariiqii dhexdhexaadnimo oo ay si gaar ah ugu shaqeeyaan dhinaca, gaar ah. Sidoo kale waxa uu wareegtadaas Wasiirku ku sheegay inay telefoonadii ka qaban waayeen masuuliyiinta Wasaarada warfaafinta ee Somaliland si arimahaas wax looga waydiiyo. Wareegtadan Wasiirkuna waxa ay u dhignayd sidan:- “Ku Xarunta Tv,ga Universal ee Hargeysa. Og: Wasiirka Wasaarada Arimaha Guddaha. Og: Agaasimaha Guud ee Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta. Og: Madaxweynaha JSL. U jeedo joojin dhammaan wixii warbaahin ah ee aad ka tabin jirteen Somaliland, waxaan idiin la soconsiinayaa in Wasaarada Warfaafintu si ku meelgaadh ah dhammaan wixii la xidhiidha ee aad ka tabin jirteen JSL . Ka dib markii aad is dhexdhexaadnimo ah aad u gudan waydeen waajibaadkiinii warbaahineed, markii aad ka maaranteen xidhiidhkii wada shaqayneed ee inaga dhexeeyey, markii si cadaan ah masuuliyiinta Wasaarada telefoonada uga qaban waydeen, markaad ka gaabiseen inaad ku dhaqantaan xeerka caalamiga ah ee saxaafada iyo kan Somaliland caadana ka dhigateen inaad hal dhinaca oo kaliya wax ka baahisaan, waxaanu go’aansanay in si ku meelgaadh ah la idiinka joojiyo hawlihii warbaahineed ee aad ka wadeen dhammaan magaalooyinka JSL laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 5/10/2010-ka. Ha’yadaha sharciga iyo Wasaarada Arrimaha Guddahana waxaanu ka codsanaynaa in ay go’aankan fulintiisana dabagal dhamaystiran ku sameeyaan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Faafan Posted October 5, 2010 Dhexdhexaad or no dhexdhexaad.soo ma ahayn meeshu dumuquraadi wasiirku miyuu iloobay qodobkaas. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Suldaanka Posted October 5, 2010 Trying to silence legitimate critical voice is one of the early signs of a bad governance. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted October 5, 2010 Originally posted by Suldaanka: Trying to silence legitimate critical voice is one of the early signs of a bad governance. Let's allow the Kulmiye supporters explain this. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Hales Posted October 5, 2010 This was really unexpected. This really dawns suspicion on the eligibility of the others he brought to govern. Quote Share this post Link to post Share on other sites
PasserBy Posted October 5, 2010 Weren't you Silanyo's faithful cheerleader while some of us here were sounding the alarm bell? Didn't I tell you the Information Minister and the Interior Minister were upto no good? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Som@li Posted October 5, 2010 hadana maxaa lagu qabsadey? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Taleexi Posted October 5, 2010 Naflacaari.com, The said info minister has no clue we are in the information age, la yaabka, yaabkiis, iga dheh. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted October 5, 2010 Siilaanyo is not wrong here. He knows what he is doing. He is privy to intelligence we the lay men are not privy to. Oodweyne would understand. Quote Share this post Link to post Share on other sites