Abwaan Posted November 27, 2007 Garoonka Hargeisa ayaa maanta waxaa ka baxaya 300 oo qof oo Somali ah oo soo gudanaya waajibaadka xajka, kuwaasi oo ku safraya baasaboorka cagaarka ah ee dawladii hore ee Soomaaliya, xilli Dowladda Federaalka ee C/llaahi Yuusuf Madaxweynaha ka yahay sheegtay inaan la qaadan Karin Baasaboorkii hore. Dowladda Sacuudiga ayaa diiday in dalkeeda lagu galo Baasaboorka cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya soo daabacday,iyadoo kumanaan soomaaliyed oo ka tagi lahaa Magaalada Muqdisho caqabad ku noqday go’aanka Dowladda Soomaaliya oo ah ciddii lagu arko Baasaboorkii hore inay muteysan doonto xabsi. Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Xuseen Ceelaabi Faahiye iyo ninka Waaxda Socdaalka Madaxda ka ah Col Gaafow ayaa tagay Sacuudiga si ay boqortooyada ugu soo dhaadhiciyaan in dalkeeda lagu tago Baasaboorka cusub, hase ahaate socdaalkaas waxaa uu ku soo dhamaaday fashil. Dad badan oo reer Muqdish ah ayaa haatan waxay qorsheynayaan inay tagaan magaalada Hargeysa halkaasna ugu sii gudbaan dalka Sacuudiga iyagoo sita basaaboorkii hore. Dadka maanta ka dhoofaya Magaalada Hargeysa ayaa insha lagu wada haaya, hadii dadkaas Sacuudiga tagaana waxaa sidaas ku cadaanaya in Baasaboorka cusub uusan shaqeyn doonin. www.midnimo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted November 27, 2007 Somaliland should put some taxes on those people ,,, could make a good income Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted November 27, 2007 What does the subject say? Quote Share this post Link to post Share on other sites