General Duke Posted July 21, 2007 Muqdisho: IMAAM MAXAMUUD “Shirkan waa mid nasiib ah guul ayaana ugu duceyneynaa, kuwa ka maqana in Illaahey qalbigooda qeyr ku shubo” 21. July 2007 Muqdisho(AllPuntland)- Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo maanta markii ugu horeysay ka qeybgalay shirka dib u heshiisinta Beelaha Soomaaliyeed ugu socda magaalada Muqdisho ayaa sheegay in uu ku maqnaa howlo shaqo oo ku saabsaneyd sidii uu xiriir ula sameyn lahaa duubabka iyo boqarada beelaha Soomaaliyeed ee aan weli soo gaarin shirka. “Waxaan la xiriiray Baladweyne, Galgaduud, Ceel Buur iyo dhamaan duubabka beelaha ka maqan shirkan, waxaana rajeyhaa iney dhamaan soo gaaraan shirka, kuwaasoo ii balan qaaday iney ka soo qeybgalayaan” ayuu yiri Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo ku kaftamay in aysan habaareyn kuwa shirka ka maqan balse uu ugu duceeynayaan in Ilaahey qalbigooda uu qeyrka ku shubo. “Shirkan waa mid nasiib ah guul ayaana ugu duceyneynaa, kuwa ka maqana in Illaahey qalbigooda qeyr ku shubo” ayuu yiri Imaamka oo sheegay in wixii hada ka danbeeya uu goob joog ka ahaan doono kulankan dib u heshiisiinta. Cali Muxiyaddiin Cali AllPuntland, Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 21, 2007 Imaam Maxamuud oo loo doortay guddoomiyaha duubadka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed. Maanta ayaa mar kale la isugu soo laabtay madasha kulan weynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee ka soconaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya,waxaana xubnaha ka qeyb galayaaha kulanku ay halkaa ku doorteen guddoomiyaha golaha duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed,iyadoo masuuliyaddaana loo dhiibay Imaam Maxamuud Imaam Cumar. Maanta ayaa mar kale la isugu soo laabtay madasha kulan weynaha dib u heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed ee ka soconaya magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya,waxaana xubnaha ka qeyb galayaaha kulanku ay halkaa ku doorteen guddoomiyaha golaha duubabka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed,iyadoo masuuliyaddaana loo dhiibay Imaam Maxamuud Imaam Cumar. Dhamaanba xubnihii kasoo qeybgalay kulanka ayaa isku raacay in Imaam Maxamuud uu noqdo guddoomiyaha Golaha Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed,taasoo si weynna ay usoo dhaweeyeen dadweynaha Soomaaliyeed ee ku kala sugan Muqdisho goblada dalka Soomaaliya iyo dunida inteeda kale. Imaamka ayaa ka mid ahaa odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ee ka qeyb galay shirweynihii nabadeynta Soomaaliya ee mudada 2-da sanadood ah ka soconayay dalka Kenya,lagunasoo dhisay dowladda federalka Soomaaliya. Xafiiska warqabadka shabakadda wararka carmooyin.com ee Muqdisho. Contact:info@carmooyin.com or carmooyin@hotmail.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Emperor Posted July 21, 2007 Very encouraging and noble elder, Good to see some energy from the side of the wise men of our country. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted July 21, 2007 Even Ahmed Diriye is changing his tune of late. Imaan Mohamoud said all the right remarks. Quote Share this post Link to post Share on other sites