Sign in to follow this  
xiinfaniin

Maxamed Qanyare oo sheegay caawa inuu isaga baxay isbahaysigii la dagaalanka Argagaxi

Recommended Posts

Maxamed Qanyare oo sheegay caawa inuu isaga baxay isbahaysigii la dagaalanka Argagaxisada

Posted to the Web Jun 15, 20:16

 

 

Ceel-buur (PP) – Maxamed Qanyare Afrax oo gaaray gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaannno ku dhowdhow Degmada Ceel-buur ee gobolka G/gaduud ayaa sheegay caawa inuu iaga baxay Isbahaysiga la dagaalanka Argagaxisad iyo soo celinta nabadda.

 

Maxamed Qanyare oo lagu aasaasay xaruntiisa isbahaysigaan isla markaana ahaa xubnaha sida weyn ugu cadcad isbahaysiga ayay ka bixitaankiisa waxay ka yaabisay dadweynaha Magaalada Muqdisho, waxaana dadku ay isla dhex marayaan inay tani daliil cad u tahay in si dhab ah looga gulaystay isbahaysigii la dagaalnka Argagaxisada iy soo celinta nabadda.

 

Maxamed Qanyare ayaa ku tilmaamay isbahaysigodii inuu noqday mid ku dhacay bolo weyn sidaa daraadeedna ay ka bixitaankiisa qayb ka qaadatay arrintaa, waxanaa uu sheegay in tani ay tahay midda ku qasabtay inuu isaga baxo isbahasysigaas oo uu sheegay inuu lugaha la galay dhiiqo aad u fara badan oo uusan ka bixi karin.

 

Sidoo kale wuxuu sheegay Maxamed Qanyare in codsiyo ay kala yimaadeen dadka ehelkiisa ah kuwaasoo uu sheegy inay ku saabsanaayeen inuu isaga baxo Isbahaysiga, balse waxaa jiray inuu Maanta kulan la yeeshay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay wadahadleen intii ay socdeen dagaalladii u dhexeeyay labada isbahaysi, waxaan la sheegay in tani ay qayb ka ahayd ka bixitaanka Maxamed Qanyare Isbahaysigaan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this