me Posted April 8, 2008 Xukuumada Somaliland oo is hortaagtay xuska aasaaskii ururkii SNM ee ka dagaalamijiray W/Somalia Warkii 07-Apr-2008 iyo Qormadii: afnugaal Xuska aasaaskii Jabhadii ka howlgali jirtay waqooyiga Somalia ee SNM oo ku beegnayd maalintii shalay ayaa baaqday ka dib markii sida la sheegay ay qabashadeeda is hortaagtay dowlada Somaliland................... Xubna ka mid ah Jabhadaasi hore ayaa ku eedeeyey xukuumada Somaliland inay korantadii ka jareen madashii lagu qaban lahaa xuska Jabhada SNM taas oo ahayd beerta xoriyada magaalada hargaysa , waxayna intaasi raacshay in xukuumada Somaliland ay beryahanba waday olole lagu cidhib tirayo taariikhda iyo dhamaanba astaamihii ururka SNM . Mr: Cumar Cilmi Dixood oo ka mid ahaa saraakiishii jabhadii SNM ayaa isna ku baaqay in sharciga la horkeeno ragii is hortaagay xuskii SNM , Sidoo kale gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka Kulmiye ayaa si aada udhaliilay talaabada ay wasiiiro ka tirsan xukuumada Somaliland ku joojisay xuskii SNM oo ku beegnaa maalintii Axadii aynu soo dhaafnay bishuna ahayd 6/April.. Isku soo duuboo Jabhada SNM ayaa waxaa la aasaasay sanadii 6/April/1981 waxaana aasaasay Rag u badan beel ka mid ah beelaha Somaliland waxayna dagaalo farabadan la galeen xukuumada Marxuum Maxamed Siyaad barre ee Somalia ka talinjirtay mudada 21 sano ah iyadoona ujeedada loo sameeyeyna ay ahayd in xukunka laga rido uun hogaamiyihii wagaasi balse ay markii danbe rag gaara ah badaleen hadafkii ururka SNM , tan iyo markii uu hogaanka u qabtay Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal awoodii Siyaasadeed ee Jabhada iyo jiritaankii SNM aad ayay usoo yaraatay taas oo aakhirkiina kusoo ururtay inay magac ahaan ujirto .. Bishii 1aad ee sanadkan aynu ku jirno ayay xukuumada Somaliland ka saartay manhajka waxbarashada Somaliland taariikhdii SNM taas oo si aada usoo dhoweeyaan inta badan Bulshada ku dhaqan Gobolada EX: British Somaliland Protectorate manta se lamagac baxday jamhuuriyada Somaliland Talaabadan lagu yaraynayo buunbuuninta jabhadii SNM oo ka mid ahayd jabhadii ka qayb qaatay dagaaladii Sokeeye ee ka dhacay Guud ahaan Somalia gaar ahaana Somaliland ayay dadka ka faalooda Somaliland ku tilmaameen mid wax wayn ka taraysa isu soo dhowaynta bulshada reer Somaliland oo dhan . Afnugaal.com News Dis Hargaysa Somaliland info@afnugaal.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 8, 2008 already posted ,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted April 8, 2008 Whats your opinion on the matter? Whats your opinion on that those who gave their lives and fought for the North West of Somalia should be treated this way? and that they are sidelined by xabash puppets? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted April 8, 2008 xabash xabash ,,,, waar niyow waxaan ka baqayaa markaad tukanaysana inaad halkii faataxada xabash ku bedesho ,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites
me Posted April 8, 2008 hahahahaha, answer the question ninyahow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
LANDER Posted April 8, 2008 Originally posted by me: Whats your opinion on that those who gave their lives and fought for the North West of Somalia should be treated this way? I gather the SNM are heroes to you are they Mr. Me? Quote Share this post Link to post Share on other sites