Sign in to follow this  
General Duke

Prime Minister Geedi returns to the capital from trip..

Recommended Posts

Raisal wasaaraha Somalia cali Maxamed Geedi oo dib ugu soo laabtay Dalka.

 

Raisal wasaaraha Somalia Cali Maxamed Maxamed Geedi iyo wafti uu hogaaminayo ayaa dalka dib ugu soo laabtay kadib safar qaatay mudo 2 todobaad ah oo uu ku tagay wadamo kamida Khaliijka iyo waliba africa, Raisal wasaaraha ayaa ka qayb galay kulankii jaamacada carabta ee ka dhacay Sacuudiga isagoo khudban dheer ka jeediyay shirka madaxda carabta.

 

Raisal wasaaraha oo siwayn loogu soo dhaweeyay Garoonka caalamigaa ee Muqdisho iyadoo loo galbiyay madaxtooyada Somalia.

 

Raisal wasaaraha ayaa kulan albaabada loo laabay la galay isla wakhtigii uu gaaray madaxtooyada Madaxwaynaha Somalia iyadoo saxaafada loo diiday inay wax ka ogaadaan waxay kawada hadlayaan labada Masuul.

Share this post


Link to post
Share on other sites

MUQDISHO: Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kulammana la leh Madaxweyne Yuusuf

Posted to the Web Apr 04, 12:25

 

Muqdisho (PP) – Ra'iisul Wasaaraha Dowldda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho kaddib markii uu booqasho maalmo qaadatay dalka uga maqnaa.

Prof. Cali Maxamed Geeddi Geedi oo safarro kala duwan ku soo kala bixiyay dalalka Saudi Arabia iyo Kenya ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho isagoo soo maray Magaalada Baydhabo ee xarunta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wararka soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in lagu wado in Ra’iisul wasaare Geeddi uu kulammo la yeesho Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo xubnaha baarlamaanka ee ku sugan Muqdisho, waxaana la sheegay inuu kala hadi doono xaaladda uu dalka xilligaan marayo.

 

Ra’iisul wasaare Geeddi ayaa waxaa wararka qaarkood ay sheegayaan inuu wado qorshe uu isugu keenayo Xildhibaannada beelaha ****** ee ku jira Baarlamaanka kuwaasoo uu kulammo kala yeelan doono xaaladda Muqdisho iyo sida ay u arkaan.

 

Prof. Geeddi ayaa kala soo kulmay shirkii uu kaga qaybgalay Saudi Arabia ee dalalka Jaamacadda Carabta taageero hiil iyo hooba leh oo ay dalalka Carabta u fidiyeen dowladda Soomaaliya iyo isgarab taag ay sheegeen inay garab taagan yihiin Dowladda Soomaaliya ee doonaysa inay xasiliso ammaanka dalka.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: jantiile@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

R/wasaare Geedi oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

 

(Muqdisho)-R/wasaaraha DFKMG Cali Max’ed Geed oo ayaantaan safar dibada ah dalka kaga maqnaa ayaa maanta soo garay magaalada Muqdisho.

 

Cali Max’ed Geedi ayaa ka soo kicitimay dalka Saudi Arebia oo uu kaga qayb galay shirka hogaamiyeyaasha madaxda Carabta, kaas oo ku matalayey madaxweynaha dalka Soomaaliya oo isaga halkaas lagu casumay.

 

Ku simaha Afhayeenka dawlada FS C/llaahi Muxyadiin Max’ed ayaa sheegay in maanta ay kullan yeelan doonaan madax u saraysa dawlada, si R/wasaare Geedi uga war bixiyo safarkiisii ugu danbeeyey.

 

R/wasaare Geedi ayaa hadda kor mar uu ka war bixinayey shirka Carabta waxaa uu sheegay in dalalka Carabtu ay balan qaadeen in taageeraan shirka dib heshiisiinta Soomaalida ee lagu rajo weyn yahay in la qabto 16 ka bishan aynu ku jirno.

Waxaa kale oo iyana uu sheegay in dalalka Carbeed ay balan qaadeen inay ka qayb qaadanayaan dhismaha dalka haddii heshiis buuxa laga gaaro muranada Siyaasadeed ee hadda tagan.

 

 

 

Xarunta wararka

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this