Kamaavi Posted April 23, 2010 Wafti heer wasiir ah oo ka socda Jabuuti ayaa maanta xal kala dhexdhigey madaxda DKMG ah, iyadoo Sheekh Aadan Madoobe la ogoleysiiyey in baarlamaanka cod galiyo gudoomiyenimadiisa Wararka Vila Soomaaliya laga helayo ayaa sheegaya in waftiga Jabuuti oo uu hogaaminayo wasiirka diinta iyo awqaafta Xaamud Cali Axmed ay marsiin waayeen Sh. Aadan Madoobe in uu xilka ka dago, balse uu ogolaaday in codka kalsoonida loo qaado. Madoobe ayaa laga soo xigtey in uu yiri “Aniga shaqo qaran ayaan hayaa, kalsoonida shacabka iyo xildhibaanada ayaan meesha ku joogaa”, balse uusan waxbo ka qabin haddii la tijaabinayo illaa heerka kalsoonida uu baarlamaanka ka heysto. Fadhiga ugu horeeya oo dhacaya axada ayaa la filayaa in cod loogu qaado Aadan Madoobe. Kullanka wax lagu xaliyey waxaa goobjoog ka ahaa Shariif Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali, wasiiro ay ka midyihiin Prof. Ibbi, Cabdirishiid Xidig , iyo Cabdiraxmaan Janaqoow Quote Share this post Link to post Share on other sites