Sign in to follow this  
RedSea

Adde Muse oo loo magacaabay la taliyaha dhanka shidaalka iyo khayraadka.

Recommended Posts

RedSea   

 

Jen.Cadde Muuse oo loo magacaabay la taliyaha Madaxweynaha cusub ee Puntland ee dhanka baarista Shidaalka iyo khayraadka

 

Isniin, January 12, 2009(HOL): Madaxwaynihii hore ee DGPl General Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo isugu xafiiska ku wareejiyay madaxwayne Faroole ayaa durbadiiba loo magaacaabay la taliyaha xukuumadda cusub dhanka baarista shidaalka iyo khayraadka ku jira gudaha DGPL.

 

Madaxwaynaha Cusub ee DGPL C/raxmaan Maxamed Faroole oo isugu maalintii shalay ahayd la wareegay aqalka madaxtooyada magaalada Garowe ayaa Cadde Muuse uga mahad-celiyay ballanqaadkiisi ahaa in uu la shaqayn doono xukuumadda Cusub.

 

Waxaa uu intaasi ku daray madaxwayne Faroole in Cadde Muuse uu daacad ka yahay jiritaanka DGPL ,isagoo sheegay in Cadde Muuse uu u qalmo in wax laga waydiiyo xukuumadda cusub,waxaana uu u doortay la taliyihiisa khaaska ah, gaar ahaan arrimaha macdan-baarista Puntland.

 

Sidoo kale Madaxwaynihii hore ee DGPL General Cadde ayaa kula dardaarmay xukuumadda cusub in ay wax ka qabto baahida guud ee umadda Puntland iyo ammaanka, isagoo ku kaftamay in uu ammaankii ilaaway intii uu raadinayay shidaal ka soo baxa gudaha Puntland.

 

Xukuumadda cusub ee C/raxmaan Faroole ayaa lagu wadaa in ay dib u soo celiso ammaankii Puntland, sidoo kalena ay wax ka qabato arrimaha burcadda Badda iyo Berriga ee beryahan dadka Ajaaniibta iyo Maraakiibtaba qafaalanayay.

 

Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online

Bosaso,Somalia

adde1_6.jpg

 

Looks as if the fat cat is back for more.

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

Sxb dhacaas meel kasta waa ka jiraa in every corner of Somalia.

 

Cade should make his retirerment though, and exit the whole siyaasada, xil baan ka dagey ku kalaan qabanayaa, umadii ayaa loo qorya guranayaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this