me Posted December 25, 2006 Dalka Hooyo:-Waa U Dhalanay Waana U Dhimaneeynaa.Ninkii Dhoofku yimi Baa Geeridu Dhibaysa Warkii 25-Dec-2006 iyo Qormadii: xasan cabdilahi Weeraradda xaq daradda ah, tacadiyada xad dhaafka ah iyo Hogaanka Itoobiya Caqli Xume-Zanaawi iyo kuwa adeegayasha u ah wata magaca iyo xilka qarameed ee Somaaliyeed iyo Gumeeysigga Cusub ee Aduunka ma guuleeysan doonaan, mana suurta geleeyso in eey hantaan hadafkooda ah qabsashada Dalka karaamada, sharfta iyo Xurmada weyn ee Somaaliya, ciida daahirka ah, diinta xaqa ah leh waxaana difaacaayaa awooda Raxmaanka iyo geesiyaasha xalaasha ah ee Ummadda Somaaliyeed:-Nin lagu seexdoow ha seexan Sheikh Hassan Dahir Aweys Ciida Hooyo :-Weerar Dayuuradeed Kuma cusba Dalka Somaaliya, bal-se Waa Dalkii koowaad ee Qaaradda Afrika oo Ingiriisku ku soo weerayDayuuradihii Dagaalka Xiligii Halgankii Daraawiishta ee Sayidkii, Maantana dayaaradu Itoobiyaan waxba qaadimaayaan,dhimashaduna weey Dhaantaa Quursiga, dulinimada iyo guumeeysi hoos jiifida, marna ma Qaadan kareeyno gelida gacanta Gumeeysiga cusub, waayo waxaanu Dad iyo Dal xor ah,qaranimadiisii hantid mid aheey, inkastoo dagaalo sokeeye iyo colaada beeleed dhaawac weyn Noo geeysay, eeyna masuuliyadeed tooska iska leeyihiin Qabqablayaasha Dagaal oo hada Xildhibaan, Wasiiro iyo Madaxda Sarre ee Dowladda Baydhaba Fadhidka ku ah, ama Wakiiladda Itoobiya ee Baydhaba fadhiya,waana ayaan darada weyn oo Ummadda Somaaliyeey heeysata,marka hogaankood gacan ku dhiiglayaal u galo, xaaraan quutayaal, xurmad laawayaal, xasuuqayaasha Dadka iyo Dumiyaasha Dalka hooyo, laakiin sidda muuqata waxaa la gaareey Xiligii la tuuri lahaa, Cadaaladana la soo hor-taagi lahaa. Alaylehe helee :- Zinaawi iyo raxanta iyo Raxanta hor-boodeeysa Waxeey la kulmi doonaan dharbaaxooyin waaweyn iyo duruus taariikhda gala oo lama illaawaan ah, waayo xaqa iyo baadilka xaqa ayaa guusha leh,Allena raali ka yahay, difaacida Dhulka, Dadka iyo Maalkaaga waa waajib Farad Ceeyni ah dhanka Diinta Islaamka, Akhlaaqiyaana waa waajib inaad iska daafacdo Cawodga kugu soo duula, Maantana waxaa markii uu waajibay Xaqa difaacu, kuma aan duulin Dalka Quote Share this post Link to post Share on other sites
bambo Posted December 25, 2006 Golaha maxkamadaha islaamka Somalia ayaa soo bandhigay meydadka ciidamada Ethiopia oo daadsan deegaanka Idaale ee gobolka Baay, halkaasi oo dagaalo culus maalmihii la soo dhaafay ku dhex maray maxkamadaha islaamka iyo ciidamada dowladda Ethiopia, iyadoo wariye ka tirsan shabelle oo halkaasi tagay uu ka soo qaaday sawiro. Sawiro ay wateen ciidamada Ethiopia Kaararka aqoonsiga ee ay wateen askartii Ethiopianka ee meydadkooda uu yaalo Idaale Gaari Dagaal oo laga qabsaday ciidamada Ethiopia Gaari laga qabsaday ciidamada Ethiopia Gaari laga gubay ciidamada Ethiopia mid ka mid ah meydadka ciidamada Ethiopia Askari ka tirsan ciidamada Ethiiopia oo ku gubtay gaari lala dhacay gantaal Gaari dagaal oo laga qabsaday ciidamada Ethiopia iyo meydadka ciidamada Ethiopia oo dulsaaran Gaari dagaal oo laga qabsaday ciidamada Ethiopia iyo meydadka ciidamada Ethiopia oo dulsaaran Mid ka mid ah gawaarida dagaalka ee laga qabsaday mid ka mid ah meydadka ciidamada Ethiopia oo afgambi u yaala Dhufeys laga bixiyay ciidamada Ethiopia Meydadka askarta Ethiopianka oo daadsan nawaaxiga Idaale Meydadka ciidamada Ethiopia oo ku jir juqda Meydadka ciidamada Ethiopia oo daadsan duleedka Idaale Meydadka ciidamada Ethiopia oo dadsan tuulada Idaale Meydadka ciidamada Ethiopia oo daadsan duleedka Idaale Meydadka ciidamada Ethiopia oo daadsan duleedka Idaale Tuulada Idaale ee gobolka Baay Dadka deegaanka Idaale Quote Share this post Link to post Share on other sites