Sign in to follow this  
ANWAR

Dagaalo xalay galinkii dambe bilowday oo ilaa iyo haatan ka soconaya Muqdisho

Recommended Posts

ANWAR   

Mogadishu 31, March.07 ( Sh.M.Network)

 

Dagaalo xoogan oo bilowday xalay 2:30 Am ayaa ilaa iyo wali ka soconaya magaalada Muqdisho, iyadoo dagaaladaasi oo ah kuwo aad u culus la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan.

 

Dagaalo aan lagu kala jiifan oo xalay galinkii dambe ka bilowday caasimadda Somalia ayaa ka soconaya agagaarka Stadio Muqdisho iyo wadada Xamar Bile, iyadoo ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ay halkaasi si xun ugu dagaalamayaan.

 

Wali lama oga qasaaraha dhabta ah ee dagaaladaan ka dhashay, iyado marba marka ka dambeysa ay sii xumaaneyso xaaladda, isla markaana dhinacyada dagaalamaya ay helayaan gurmadyo caaboon.

 

Hugunka madaafiicda iyo daryanka rasaasta ayaa si weyn looga maqlayaa magaalada Muqdisho, iyadoo lagu arkayay saakay wadooyinka boqolaal dad ah oo u badan haween iyo caruur kuwaasi oo lug uga baxsanaya caasimadda.

 

Ma jiro wax isku socod gaadiid ah oo ka jira caasimadda Somalia, ka dib markii dagaalka uu saameeyay wadooyinka qaar.

 

Dagaaladaan oo galay maalintii 3aad ayaa u muuqanaya kuwo aan kala joogsaneyn, iyadoo wali aysan jirin waan waan laga dhex wado kooxaha dagaalamaya.

 

Madaafiicda BM ka ee ciidamada Ethiopia ay ka tuurayaan dhanka Madaxtooyada ayaa ku dhaceysa Xaafadaha General Daauud, Xamar Bile, qeybo ka mid ah Towfiiq iyo Suuq-bacaad, taasina waxa ay keentay in dad badan oo rayid ah ay ku nafwaayaan, iyadoo saakayna halkaasi uu ka jiro barakicii ugu weynaa.

 

Dagaalkaan oo soconaya maalintii 3aad ayaa waxaa ku nafwaayay in ka badan 70 ruux halka tiro ku dhow 300 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this