Sign in to follow this  
Libaax-Sankataabte

Dad cayroobay oo aan wax xoola ah u harin

Recommended Posts

7 qof oo ku dhintay degaanka Qarxis ee gobolka Nugaal

Eyl :- Iyadoo ay isasoo tarayaan khasaarihii ay gaysteen roobabkii ka da`ay qaar kamida gobollada Puntland ayaa wararka ka imanaya tuulada Qarxis oo katirsan degmada eyl ee gobolka Nugaal ay sheegayaan in todoba qof ay ku dhinteen dhulka miyiga ah ee tuuladaasi.

 

Gudoomiyaha Tuulada Qarxis, Maxamed Xaaji Muuse ayaa waxaa uu idaacada SBC khadka isgaarsiinta hallow hallowda ugu sheegay in dadkani ay ku dhinteen dhulka miyiga ah sida Budunbuto,Qurac Majooge, Bardasheel iyo tuulada xeebta ku taal ee lagu magacaabo Ladega.

 

Todobadan qof ee dhintay ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Diiriye Aw Cabdule, Cabdi Cismaan Dheere, Faarax Maxamuud Raage oo lagu naanaysi jiray (Il Cade) gabar yar oo aan magaceeda la sheegin balse ina ayaheeda lagu sheegay ina C/laahi Aadan oo ku dhimatay tuulada xeebta ah ee Ladega iyo laba caruur ah oo kale oo aan magacyadooda lasheegin oo kudhintay dhulka miyiga ah ee Budunbuto iyo haweenay iyaduna aan magaceeda la sheegin.

 

Dadkani ayaa waxaa ay dhinteen kadib markii ay roobab dabaylo iyo wata ay ku dhufteen degaanka tuulada Qarxis oo katirsan degmada eyl ee gobolka Nugaal.

 

Mar ay saaka Idaacada SBC ay khadka fooneeyaha kula xiriirtay gudoomiyaha tuulada Qarxis Maxamed Xaaji Muuse ayaa waxaa uu sheegay in roobabkan oo da ayay mudo 30-saacadood oo xiriir ah ay sidoo kale cagta mariyeen ilaa lixdan guri oo kuyiilay tuulada Qarxis.

 

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu sheegay in roobabkani ay latageen 90% xoolihii ay dhaqan jireen dadka kunool degaankaasi waxaana jirta buu yiri in nin kii lahaa lix tiro oo Ariya ay maanta lix daasi tiro uga hartay oo kaliya labaatan neef taasoo muujinaysa in roobabkani dabaylaha watay ay gaysteen khasaare ba`an oo naf iyo maal ba isugu jira, gudoomiyaha tuulada Qarxis Maxamed Xaaji Muuse waxaa kaloo uu xusay in sidoo kale ay jiraan dad cayroobay oo aan wax xoola ah u harin.

 

SBC

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this