guraad Posted August 29, 2003 Wafdi Ka Socdo Somaliland Oo La Filayo Inay Soo Gaaraan Shirka Mbagathi. August 29, 2003. HornAfrik, Mogadishu, Somalia Wafdigan oo isugu jira siyaasiyiin, ganacsato iyo odayaal dhaqameedyo ayaa la filayaa inay soo gaaraan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida iyadoo guddiga farsamada IGAD-na ay diyaariyeen waraaqaha iyo casuumadda xubnahaasi la filayaayo inay soo gaaraan shirka oo u dhashay Somalilnad, lana filayo inay ka qeybqaataan qeybaha ugu dambeeyay ee wadahadalada shirka. Mas’uul sare oo ka qeybgalaya shirka Mbagathi lana shaqeeyo maamulka shirka oo diiday in la sheego magaciisa ayaa HornAfrik u sheegay in wafdigaasi ay isugu jiraan siyaasiyiin, odayaal dhaqameedyo iyo ganacsato caan ah oo u dhashay Somaliland oo ka imaanaya magaalooyinka Hargeysa, Muqdisho, Dubai iy meelo kale oo caalamka ah. Xubnaha Somaliland ee imaaanya shirka ka sokow waxaa sidoo kale shirka ka qeybgalaya xubno ka socdo ururada bulshada iyo kuwa ka socda DKMG ah. Marka ay soo gaaraan shirka xubnaha la filayo waxay kulamo la yeelan doonaan xubnaha kale ee Somaliland ee haatan shirka ka qeybgalaya kuwaasi oo ay ka wadahadli doonaan qeybsiga baarlamaanka. Shirka dib u heshiisiinta Soomaalida oo socday 11 bilood kama soo qeybgalina ergo ka socota maamulka Somaliland oo dhowr jeer diiday inay shirkaas yimaadaan ama ay aqbalaan wafdi ka socda shirka inay wadahadal kula yeeshaan magaalada Hargeysa, waxaana ugu dambeeyay wafdigii uu hogaaminayay wasiir ku xigeen ka socday dalka Kenya oo aan aadin Hargeysa kaddib markii ay casuumad ka waayeen maamulkaasi http://www.hornafrik.com/Newspage/newsid3281.htm Quote Share this post Link to post Share on other sites
India Posted August 29, 2003 Guraad Sweety keep dreaming---becuase all these unfounded allegations will amount to nothing apart from keeping few (no names being mentioned here) entratained. So enjoy. PS: I thought the meeting callopsed?? Whose is left there now, C/yusuf, his gang and the ethopian and Kenyan authority!! Some authority huh! Some how this committee does not excite ANY THING! :confused: Boringggggggggggggggggggggg Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xafsa Posted August 29, 2003 Bisinka iyo burdaha....what is it with you and attacking somaliland?! walaalow wax isku fal bal...we are all somali, all brothers and sisters so why create more divisions? Quote Share this post Link to post Share on other sites