Sign in to follow this  
SOO MAAL

Miliishiyooyin daacad u ah wasiirka hub ka dhigista DFKMG oo ka qeyb qaatay dagaalkii

Recommended Posts

SOO MAAL   

Miliishiyooyin daacad u ah wasiirka hub ka dhigista DFKMG oo ka qeyb qaatay dagaalkii Muqdisho

 

 

Burtinle-Online

Isniin, Febraayo 28 2005

 

Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka ka socda deegaanka Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dagaalku weji kale yeeshay kadib markii la sheegay in dagaalku ku lug leeyihiin Maleeshiyooyin Daacad u ah Wasiirka hub ka dhigista iyo Dhaqan celinta Bootaan Ciise Caalim (Xaaran Ku Naax) halka kuwa kale ka soo horjeeda yihiin Maleeshiyooyinka Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu ku sii fiday deegaanka Suuqa Xoolaha, iyadoo ay dagaalka ka qeyb qaadanayaan Baabuurta dagaalka iyo ciidamo fara badan, sidoo kale Xaafadda Suuqa Xoolaha ilaa iyo Isbitaalka SOS ayaa laga qaxay, waxaana la sheegaya in Guri ku yaalay soonkaas ku habsaday madfac kadibna ay ku dhamaadeen qoyskii deganaa.

 

Maleeshiyooyinka Wasiirka ayaa si saf saf ah waxay weerar ugu soo qaadeen goobta ay degan yihiin Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee ku sugan Isgoyska SOS.

 

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ayaa waxay dul saaran yihiin dhabaqa Sare ee Warshadda Barfunka, halka kuwa kale ay ku jiraan mee u dhaw, waxayna is weydaarsadanayaan rasaasta hubka kala duwan.

 

Haweenay rayid ah ayaa bartamaha Jidka taala, iyadoo meyd ah, sidoo kale 4 qof ayaa la soo sheegaya in wadada dhexdeeda taala, waxaana adag xaalada haatan ka taagan Suuqa Xoolaha, mana jirto cid ku dhex jirto Labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeya.

 

Dagaalka ayaa waxaa uu bilaabaday kadib markii shalay Ciidamada Maxkamadaha Isbaaro dhigteen Isgoyska SOS, taas oo kuwa Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta horey meesha u joogi jireen oo mar sii horeysa laga saaray ay diiden in Isbaaro la dhigto

 

Waxaa guud ahaan istaagay Ganacsiga, Baabuurta dadweynaha isu socodkii Shacabka, waxaana socda rasaas, iyadoo ay adag tahay in dagaalkaas la joojiyo.

 

Wararka dagaalka si joogta ah ayaa u soo gudbin doona haddii Ilaahay Yiraahdo, iyadoo wariyaasha midnimo ee Muqdisho si gaar ah howshaas isha ugu haayan.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradin007@hotmail.com

Xigasho: Midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Haweenay rayid ah ayaa bartamaha Jidka taala, iyadoo meyd ah, sidoo kale 4 qof ayaa la soo sheegaya in wadada dhexdeeda taala, waxaana adag xaalada haatan ka taagan Suuqa Xoolaha, mana jirto cid ku dhex jirto Labada dhinac ee dagaalka u dhaxeeya.

 

 

laahilaah ilalaahu Maxamad Rasuululaah Ilaahoow unaxaariisto Inta dhimatay.

 

 

What hapen where is Wasiirka

Hubkadhigista :confused:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this