Sign in to follow this  
Jacaylbaro

One of Them is Killed

Recommended Posts

Abaara 12:30 daqiiqo duhurnimo ee maanta ayaa kooxo hubeysan waxay ku toogasho ku dhaawaceen ganacsade Ciise Cismaan Cali oo ka mid ahaa xubnaha Isbaheysigii burburay ee la dagaalanka argagaxisada ee magaalada Muqdisho looga dhawaaqay horaantii 2006-dii, xilli uu ku sugnaa goob lagu ciyaaro Biliardiga oo ku taala deegaanka Mount Sinai degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho sida wararku ay nagu soo gaarayaan.

 

Warka ayaa intaa ku daraya in kooxahan hubeysan ay sidoo kale halkaasi ku dileen mid ka mid a ilaaladiisa oo halkaasi kula sugnaa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan DF, iyagoo halkaasina ay ka taagan thaay xiisado, waxaana la maqlayaa rasaas fara badan oo dhaceysa dadkuna wey kala cararaayaan, waxaana dhaawaca ganacsadaha loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho sida dad halkaasi ku sugan ay sheegayaan, iyadoo xaaladiisa ay si aad ah u liidatay.

 

Lama oga ilaa hadda cida ka dambeysa toogashada lagu dhaawacay ganacsade Ciise Cismaan Cali, hase waxaa uu ka mid ahaa 11-kii xubnood ee deegaanka Dayniile ee magaalada Muqdisho ku aasaasay Isbaheysigii la dagaalanka argagaxisada ee maraykanku uu taageerayey kaasoo dagaal adag oo looga adkaaday la galay isla xiligaasi xoogagii golaha maxakamadaha Islaamka, waxaana ganacsade-han uu dhowr jeer horey uga badbaaday weeraro noocan oo kale ah iyo qaraxyoi la doonayey in lagu qaarajiyo, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in ganacasde Ciise Cismaan Cali uu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray intii isbitaalka loo sii waday.

 

 

Dayniile.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this