Jacaylbaro Posted August 17, 2008 Abaara 12:30 daqiiqo duhurnimo ee maanta ayaa kooxo hubeysan waxay ku toogasho ku dhaawaceen ganacsade Ciise Cismaan Cali oo ka mid ahaa xubnaha Isbaheysigii burburay ee la dagaalanka argagaxisada ee magaalada Muqdisho looga dhawaaqay horaantii 2006-dii, xilli uu ku sugnaa goob lagu ciyaaro Biliardiga oo ku taala deegaanka Mount Sinai degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho sida wararku ay nagu soo gaarayaan. Warka ayaa intaa ku daraya in kooxahan hubeysan ay sidoo kale halkaasi ku dileen mid ka mid a ilaaladiisa oo halkaasi kula sugnaa, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan DF, iyagoo halkaasina ay ka taagan thaay xiisado, waxaana la maqlayaa rasaas fara badan oo dhaceysa dadkuna wey kala cararaayaan, waxaana dhaawaca ganacsadaha loola cararay isbitaalada magaalada Muqdisho sida dad halkaasi ku sugan ay sheegayaan, iyadoo xaaladiisa ay si aad ah u liidatay. Lama oga ilaa hadda cida ka dambeysa toogashada lagu dhaawacay ganacsade Ciise Cismaan Cali, hase waxaa uu ka mid ahaa 11-kii xubnood ee deegaanka Dayniile ee magaalada Muqdisho ku aasaasay Isbaheysigii la dagaalanka argagaxisada ee maraykanku uu taageerayey kaasoo dagaal adag oo looga adkaaday la galay isla xiligaasi xoogagii golaha maxakamadaha Islaamka, waxaana ganacsade-han uu dhowr jeer horey uga badbaaday weeraro noocan oo kale ah iyo qaraxyoi la doonayey in lagu qaarajiyo, waxaana wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan in ganacasde Ciise Cismaan Cali uu u geeriyooday dhaawacyadii soo gaaray intii isbitaalka loo sii waday. Dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted August 17, 2008 Lol. This is the wackiiest title I have ever read. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Peace Action Posted August 17, 2008 Zack, You expect more from Mr. Bugland? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 18, 2008 xubnaha Isbaheysigii burburay ee la dagaalanka argagaxisada One of them ........ imika ma fahamtay ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted August 18, 2008 Peace lool no. Is this news article from bugland tho? Quote Share this post Link to post Share on other sites
unknown1 Posted August 18, 2008 it was al shabaab Quote Share this post Link to post Share on other sites