Sign in to follow this  
General Duke

Jowhar: President , PM world peace day..

Recommended Posts

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo maanta ku baaqay nabad isla markaana ku tallaalay degmada Jowhar Geed loogu magac daray geedka nabadda.

Posted to the Web Sep 21, 17:12

 

 

Jowhar:- (PP) – Iyadoo maanta xaflad weyn oo lagu qabtay magaalada Jowhar loogu dabbaaldegay xuska maalinta nabadda adduunka oo ku beegnayd maanta oo ay bishu ahayd 21-ka September ayaa waxaa xafladdaas ka soo qaybgalay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo halkaas ka jeediyay hadal ku saabsan nabadda, wuxuuna sheegay inay nabaddu tahay wax aanu qofku ka maarmi karin.

 

“Nabaddu waa wax aan laga maarmi karin, waayo nabad haddaanay jirin waxaa jira dhibaato iyo colaad, taasina dadka dan uma aha†ayuu yiri hadalkiisa ku billaabay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf, wuxuuna tusaale ahaan u soo qaatay mar uu ka hadlayay nabadda iyo faa’iidada ay leedahay guryo jajaban oo ka ag-dhawaan goobta xafladda lagu qabtay, wuxuuna sheegay in haddii ay nabadi jirto aanay guryahaani sidaas u burbursanaadeen.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ayaa sheegay inay dhankooda ay ku dadaali doonaan sidii ay heshiis ula qaadan lahaayeen cid walba oo heshiis doonaysa, wuxuuna yiri: “Haddii ninku naftiisa, maalkiisa iyo sharafkiisa la baxsan waayo wuu is difaacayaa, taasina ma ahan inuu doonayo colaadâ€.

 

Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay xubno ka tirsan dowladda oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul wasaare Prof. Cali Maxamed Geeddi, Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) iyo xubno kale oo dhamaantoodna waxay ka hadleen sida loogu baahan yahay nabadda iyo in Soomaaliya ay maanta u baahan tahay nabad, waayo waxay sheegeen in nabadda ay si gaar ah iyaga u quseynayso.

 

Markii xafladdu dhammaatay ayaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf wuxuu bannaan weyn ku talaalay geed loogu magac daray Geedka Nabadda isagoo sheegay in sanadkaan kiisa kale haddii RABBI idmo la harsan doono isagoo nabadda ka tarjumaya.

 

Dhanka kale wararka ay Puntlandpost ka helayso Jowhar ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu caawa ka jeedin doono xaflad lagu maamusayo maalintaan oo ka dhacaysa Degmada Jowhar khudbad ku aaddan safarkii uu ku tagay dalka Mareykanka ugana qaybgalay shirkii Qarammada Midoobay.

 

Maxamed Xuseen Jimcaale(Jantiile)

Wakiilka Puntlandpost -Muqdisho,Soomaaliya

contact us:webmaster@puntlandpost.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this