Sign in to follow this  
General Duke

Breaking news: talks break down...

Recommended Posts

WAR DGEDEG AH: SHIRKII KHARDOUM OO LAGU KALA DAREERAY

 

cabdullahi_sheikh_ismail_khartoum.jpg

 

r677646872.jpg

Warar aanu goordhowayd ka helnay goobjoogayaal ku sugan madasha lagu waday in la isku soo horfariisiyo wafdiga maxkamadaha iyo dawlada KMG ah ayaa sheegaya in rajadii laga qabay qabsoomida kulankaas ay gebi ahaanba burburtay.

Burburka wadahadalada ku yimid aya ay ka danbaysay kadib markii laga guulgaari waayey in la meelmariyo shuruudihii ay labada dhinac ku xireen qabsoomida shiraka. Maxkamadaha Islaamiga ah oo iyagu horay u shardiyey in dawlada Kenya shirgudoonka laga saaro Itoobiyana ay ciidankeeda Soomaaliya kala baxdo ayaa saacado ka hor kulan dhexmaray iyaga iyo

wakiilo ka kala socda kooxda xiriirka Caalimaga ah ee Soomaaliya, IGAD, Jaamacada Carabta, Qaramada midoobay iyo dawlada Talyaaniga ayaa isafgaradwaa ku dhamaaday, kadib markii ay kooxahani soo jeediyeen in Jaamacada Carabta iyo Kenyaba shir gudoonka laga wareejiyo, maadaama DKG ah ay sheegeen ay Jaamacada Carabta aysan dhexdhexaad ahayn. Maxkamadaha ayaa arrinkaas ku gacan sayray.

 

Mar aanu wax ka waydiinay wafdiga maxkamadaha sababta ay soo jeedintan u diideen ayaa sarkaal ka tirsan wafdiga maxkamadaha oo diiday in magaciisa la shaaciyo inoo sheegay in qorshahani uu yahay mid ay IGAD wadato kaasoo la doonayo in lahu wiiqo kaalinta Jaamacada Carabta ee dhexdhexaadinka Soomaalidda, isagoo sheegay in sababta markii horeba Kenya meesha loogu soo daray ay ahayd in ugu danbaynta la isugu yimaado labada dhinacba la isla tuuro.

 

Sargaalkan ayaa sheegay in aysan marna aqbali karin in jaamacada Carabta oo iyadoo labadii gogol ee tan ka horeeyey fidisay bixisayna dhamaan qarashka iyo martigelinta shirka sahalkaas meesha looga saaro.

 

Sarkaalkan wuxuu kaloo ka cawday in wafdiga dawlada ka socday uu yahay mid aan wadahadal dhab ah meesha u iman, xubnihiisan dhamaantood ay yihiin kuwo cusub oo aan la ogayn sida ay ku yimaadaan.

 

Wufuuda labada dhinac ayaa lagu wadaa in ay beriba ku noqdaan goobihii ay markii hore ka yimaadeen, taasoo waxa ku xigaa ay tahay dagaal fool ka fool ah oo dhexmara maxkamadaha iyo dawlada Itoobiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Kulanka Khartum oo burbur qarka u saaran

31 Oct 31, 2006, 09:28

 

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan, ayaa sheegay inay ergadda Golaha Maxkamadaha Islaamiga uga qeyb geli lahaa Kulanka Kahrtuum inay maanta diideen inay ka soo qeyb galaan Munasabaddii saakay lagu furi lahaa Kulankaasi.

 

Wareegga Saddexaad ee Wada-xaajoodka Maxkamadaha iyo Dowlada, ayaa waxa uu qorshuhu ahaa inuu tobankii subaxnimo ee saakayto furmo, balse, waxaa la hakiyey, kadib, markii ay Ergadda Maxkamadaha ku adkeysteen Shuruudihii ay horey ugu xireen Ka-qeybgalka Kulankaasi, kuwaasi oo kala ahaa in Ciiddamadda Ethiopianka laga wada saaro gudaha dalka Somalia iyo inaysan Dowladda Kenya ka mid noqon karin Shir-guddoonka Kulanka Khartoum.

 

Dhexdhexaadiyaasha Shirka iyo goobjoogayaasha Caalamiga, ayaa ku hawlan sidii ay ergadda Golaha Maxkamadaha Islaamiga ugu qancin lahaayeen inay ka soo qeyb-galaan Kulanka wada-xaajoodka, si xal-siyaasadeed oo kama-dambays ah looga gaaro xiisadaha ka taagan dalka Somalia.

 

Dhinaca kale, Wakiilka ururka Jaamacadda Carabta ugu qaabilsan Arrimaha dalka Somalia, Samiir Xusni, ayaa sheegay inay dadaal xooggan ugu jiraan sidii ay ugu qancin lahaayeen Golaha Maxkamadaha inay ka soo qeyb galaan Kulanka, isla markaana loo xaliyo khilaafaadka taagan.

 

Talifishinka Aljazeera oo maanta wareystay Samiir Xusni ayaa sheegay inay Ergadda Maxkamadahaka codsadeen inay ka soo qeyb-galaan Kulanka, isla markaana la sii ambaqaado Wada-xaajoodka lagu doonayo in lagu xaliyo Khilaafka ka taagan dalka Somalia.

 

Cabdi Fatax Axamad, Baydhabo

 

Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibeda Sudan oo ka warbaxiyay kulanka Khartoum

 

Last Updated::2006-10-31 16:36:24

 

Khartoum:-Afhayeen u hadlay wasaarada arrimaha dibeda ee dalka Sudan Al-safiir Cali

Saadiq ayaa waxaa uu warbaxin kooban ka siiyay saxaafada kulanka Somalida ee magaalada Khartoum.

 

Waxaa uu afhayeenku sheegay in dalka Sudan iyo J/carabta ay wadaan dadaal culus oo ayku doonayaan in ay dhinacyada Somalida ku qanciyaan in ay isla soo hor fariistan miiska wada hadalada isla markana ay bilaaban wareega saddexad ee wada hadalada.

 

Waxaa masuulkani uu sheegay in inkasta oo weli dadaalkasi uu socdo balse ay maxaakimta Islaamiga ah ay ku adkaysanayaan shardigoda la xiriira in Etoobiya ay ciidamadeeda kala baxdo gudaha dalka Somaliya.

 

Waxaana uu intaa raaciyay in wafdiga maxkamaduhu ay bilaabashada wada hadalada ku xireen shardigan.

 

Dhinaca kale Sida uu sheegay Telefishanka afka carabiga ku hadla ee Aljzeera madaxa wafdiga J/carabta uga qayb galaya kulanka Khartoum Danjire Samiir Xusni ayaa ku canaantay maxkamadaha shuruudaha ay ku xireen bilaabashada wada xaajodyada.

 

Waxaana uu sheegay in ay haboonan lahayd in maxkamaduhu ay arrimahan ku soo bandhigaan miiska wada hadalada gaar ahaan ciidamada Etoobiya ee la sheegay in ay ku sugan yihiin dalka Somaliya.

 

Dhinaca kale Wafdiga Kasocda DFKMG oo uu hogaaminayo Wasiirka Dastuurka C/laahi Shiikh Ismaciil ayaa sheegay in aysan aqbali doonin shuruudo lagu xiro in la furo wadahadalka.

 

Dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in Maxaakiimta ay wadaan shuruudo la rabo in lagu carqaladeeyo habsami u socodka wadahadalada Khartuum.

 

 

Faysal wakaalad

wakaalad@hotmail.com

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this