General Duke Posted May 10, 2009 Warbixintii Ugu Dambeeysay Ee Furumaha Dagaalka Muqdisho>>>>> Sabti 09 May 2009 Moqdisho-(Allidamaal e.com)Dagaalka maanata wuxuu si xoowli ah ooga socdaa xaafadda Tookiyo ee degmada Yaaqshid, iyadoo uu ka duwan yahay dagaaladii maalmihii lasoo dhafay dhacay,ayadoo ay Xisbul-Islam si xirfadeysan uga qeyb qaadanayaan dagaalada. Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dhashay kadib markii ciidamada Maxaakinta ee dowladda taageersan ay weerar ku soo qaadeen saldhigga degmada Yaaqshid. Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaaya dagaalada maalintii 3-aad galay ee ka socda wadooyinka Warshadaha & kan 30-ka, una dhaxeeya Maxaakinta & kuwa Xisbul Islam & shababka oo dhinac kale ah, waxaana la sheegay in dhinacyadani ay ku jiraan diyaar garow iyo abaabul xoogan iyadoo weli ay kala joogaan goobihii ay dagaaladu ka bilaawdeen, inkastoo is-rasaaseyn xoogan ay is dhaafsanayaan. Xogtaan ayaa Tilmaamtay in Saraakiisha Maxaakinta ay xalay ciidamo xoojin ah ku biiriyeen kuwa ku sugan Istadiyo Muqdisho, xoojintaan ooo la sheegay iney ka yimaadeen dhinaca Villa Soomaaliya waxeyna ka koobnaayeen 15 gadiidka dagaalka iyo tiro Ciidamo ah, waxeyna difaac xooga uga jiraan, waaxda dhulka, Xarunta Xisbiga, Baar Ayaan & isgoyska Cali kamiin, waxaa la siiyay sanaad iyo sahay ku filan muddo 3 todobaad ah, iyadoo la faray iney difaac iyo weerar isku diyaariyaan, Ciidamadan ayaa Taliye loo dhigay Cabdulaahi Cali Mukhtar, halka kuwa ku sugan warshada Iveco la sheegay inuu madax ka yahay gacanyere wasiirka Arrimaha Gudaha ah, waxey ku jiraan 5 aag Sida uu ku soo waramayo Wariye ka tirsan Shabakadani oo ku sugan Goobaha ay Dagaaladu ka dhacayaan, waxaana hadda in Dagaal is-tuurtuur ah oo la isku adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala duwan isla markaana ay ka qeyb galayaan Gaadiidka Tiknikadda ah ayaa ka bilowday Inta u dhax Isgoyska Fagax ilaa iyo Baar ayaan Degmada Yaaqshiid ee Magaaladda Muqdisho. Dagaalkan ayay ilo xog ogaal ahi sheegayaan in uu u dhaxeeyo Xarakooyinka Xisbul islam & Al-Shabaab iyo MMIS Garabka ku Biiray DKMG ah isla markaana uu si toos ah uga socdo goobaha:- Isgoyska Fagax, Saldhiga Yaaqshiid, Hotel Cali Mahdi, iyo Baar Ayaan. Qof Goob jooge ah ayaa u sheegay in uu indhihiisa ku arkayay 3 Tikniko ah oo ku Buufsan Tuutaha Ciidanka DKMG ah isla markaana kala ah Hal Zuu ah, Hal Dhashiike ah &gaari p-10 ah ay ka soo galeen Dagaalka Dhinaca isgoyska Fagax. Dhinaca Aaga warshada Baastada ilaa Miisanka dhuxusha ayaa la sheegay iney xirteen Maleeshiyaad daacad u ah Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde waxaana hogaanka Ciidamada horseed ka ah Maxamed J. Goobaale, waxaana la sheegay iney laba aag ku sii jeedaan Cidamadooda, iyagoo ay ka soo horjeedaan maleeshiyaad isku dhaf ah oo fariisin ku leh xerada maslax, waxaana horseed ka ah Cali Qosyaale oo dagaalka ka bilwaaday, halka Maleeshiyaadka Shababka ee Gubta & Xariryaale ay kala hogaaminayaan Cali Maxamed Xuseen (Wakiilka benadir ee Shababka) oo gubta ku sugan & Muuse Carrale (Afhayeenka Xisbul Islam)oo saldhiga Wardhiigley jooga, Horjoogayasha Shababka & Xisbul Islaam ee Yaaqshiid ka dagaal galaaya ayaa la sheegay iney kala hogaaminayaan Kabo Ku tukade, dabley daacad u ah reer Wiif & Maleeshiyaad ka amar qaata Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo ku sugan saldhiga Yaaqshiid. Xogtaan ayaa intaasi raacisay in Shababka & Xisbul Islaam ay bar dagaal gelin oo balaaran ka sameeyeen Degmooyinka Afgooye & Dayniile, waxaana gurmadyo ka dalbadeen Jubada Hoose, Bay Bakool, kuwaasoo qaarkood la sheegay iney hadda jidka ku soo jiraan halka kwua kale la filaayo iney maalmahaan soo scoda soo gaaraan magaalada Muqdisho, halka Ciidamada Maxaakinta ay weli xiisado hooseeya u dhaxeeyaan Ciidamada dowlada & MMI-da, waxeyna saraakiishoodu ku doodayaan iney ku filan yihiin dagaalka, inkastoo aysan awoodin iney ka takhalusaan dhinacyada ka soo horjeeda, Saraakiisha Ciidamada Dowalda ayaan ilaa hadda saameyn ku yeelan dagaalada scoda waxeyna amar ka sugayaan madaxdoda sare, Xiisadanahaan Colaadeed ayaa u muuqda kuwo dhinacyadani ay dhegaha ka fureysteen baaqyada nabadeed ee looga dalbanaayo iney xabada joojiyaan, waxaana la filayaa hadii uu dagaalkani qarxo iney khasaare balaaran ka soo gaaraan shacbiga ku dhaqan magaalada Muqdisho. Haka fogaan Allidamaale si ad uga bogoto Dagaalada Kasocda Somalia. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 10, 2009 Dhiig maati Soomaaliyeed iyo Muslim iska daadanaayo, dagaal iyo halgan meel u socdo iyo ka socdo la garaneynin. Walaahi waa yaab. Eebboow. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 10, 2009 Wararkii ugu dambeeyay dagaallada Galabta illaa Caawa Muqdisho kasocda. Saturday, 09 May 2009 20:19 BXM Dagaal xoogan ayaa galabta waxa uu ka bilowday Saldhiga degmada Yaaqshiid kaasi oo sababay in Maxkamadaha Islaamiga ay la wareegaan saldhigaasi iyo deegaannada kudhaw oo horey koox madax banaan ay ugu sugnaayeen. Ciidamada Maxkamadaha ayaa dagaalkii ay kula wareegeen halkaasi kadib waxay kala aadeen fariisimo ay horey uga yimaadeen iyadoo xilligii maqribka lasoo gaaday kadibna weerar culus lagu soo qaaday. Weerarkaasi ayaa waxa uu suuragal ka dhigay in lagala wareego Maxkamadaha Islaamiga Saldhiga Degmada Yaaqshiid, Laanta Horseed ee Suuqa Bacaad iyo 4-ta Jardiino. Kadib markii ay la wareegeen Ciidamadani weerarka soo qaaday oo kala ah Xisbul Islam garabka uu Cumar Iimaan hoggaamiyo iyo Alshabaab ayaa waxaa la isla gaaray xilli habeen ah. Caawa ayaa madaafiic xoogan waxaa laga maqlayaa qeybo kamid ah Yaaqshiid iyo Wardhiigleey iyadoo halakasina ay ku dagaalamayaan Maxkamadaha islaamiga ee dowladda Taageersan oo dhinac ah iyo sidoo kale Xisbul Islam iyo Xarakada Alshabaab oo iskaashanaya. Madaafiic ayaa waxa ay kudhaceysaa xaafadaha kudhaw deegaanada dagaalka uu kasocdo iyo goobaha aanu kudhaweyn, waxaana madaafiicda la xaqiijiyay in ay kudhaceen qaar kamid ah xaafadaha kuyaalla inta u dhaxeysa Cali Kamiin iyo Baar Ubax halkaasi oo khasaare nafeed uu ka geystay. Dhanka kaleIsbitalka Keysaney ee waqooyiga Muqdisho ayaa waaxaa la gaarsiiyay inkabadan 50-ruux sida uu Mas’uul kamid ah Isbitalkaasi oo lagu magacaabo Cali Bile uu u xaqiijiyay shabakadda Wararka ee GOOBJOOG. Dagaalka ayaa weli waxa uu yahay mid socda iyadoo caawa dadka kudhaqan Degmooyinka Wardhiigleey iyo Yaaqshiid ay naxdin laseexan la’yihiin. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted May 10, 2009 Muqdisho:Dagaal la isku riiqay oo maalinti afaraad ka socda Muqdisho 10. maj 2009 Muqdisho(Allpuntland )-Dagaalo la isku riiqay ayaa xalay saqdi dhrexe ilaa saaka ka socda magaalada Muqdisho , waxeyna dagaaladi dhex marayaan dhinacyadii uu ka bilawday oo ay ku soo bireen xisbul islaam garabka Cumar Iimaan. dagaalada ayaa xoogooda waxaa ay ka socdaan xaafadaha wardhig;ey , Yaaqshid iyo wadooyinka warshashadaha iyo sodonka. dagaalka ayaa saaka waxaa ka qeyb galaya ciidamadii hore ee dawlada ee lagu soo tababaray Ethopia kuwaas o ku xireysnaa xarunta madaxtooyada somalia. ciidamada maxaakimta ayaa waxaa xalay saqdi dhexe looga itaal roonaaday deegano badan sida Suuq bacaad , iyo saldhiga yaaqshid. dagaalka oo wali xawli ku socda wixi ku so kordha la soco Quote Share this post Link to post Share on other sites