Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 27, 2007 Mid Ka Mid Ah Hogaamiye Kooxeedyada Soomaaliya Oo Dalka Norwey iska Dhiibay Wararka naga soo gaaraya magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa waxa ey sheegayaan in saacado aan saas usii fogeyn soogaaray gagida dayuuradaha ee magaalada Oslo hogaamiye kooxeed lagu magacaabo C/samad Cismaan Muunye (Wajidhagax). Booliska dalka Norwey ayaa aad uga cabsaday suurada ninkan ayagoo dib u dhigay interviugi, isla markana waxey saxaafadda u cadeeyeen in hoogaamiye kooxeedkan isdhiibay uu codsaday magangalyo siyaasadeed. Ilaa iyo hada ma cada sababta runta ah ee ku kaliftay hogaamiye kooxeedkan isdhiibkaas iyo waxyaalaha ka danbeeyey. Hogaamiyahan oo xaaraan ku haystay agagaarka Safari-Somalia oo ah meesha xayawaanaadka ku noolyihiin. [sNIP] Hogaamiye kooxeedkan qoxootiga ah ayaa lagu wadaa in waqooyiga wadankan laga tuuro kadib markey booliska ka nexeen suuradiisa. Booliiska ayaa sheegay in ey kaam cusub ka dhisi doonan waqooyiga oo lagu tala galay dadka sida hogaamiyahan u eg ama ey isku suurada yihiin. Faahfaahinta marka kaamka la geeyo ninka anagaa idinla soo socodsiin doono sida ugu haqsiyaha badan. Cismaan Rooble (Wasqaan) Oslo, Norway. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted August 27, 2007 Hogaamiye Kooxeedkii Iska Dhiibay Dalka Norway Oo Loo Haysto Dambi, Kadib Markii Ey Geeriyootay Islaan (80 jir ah) Oo Norwegian Ah Aqristow sidaad ula socotaanba anagoo tixraaceyna maqaalkii aan horey uga qornay Hogaamiye kooxeedkan lagu magacaabo C/samad Cisman Muunye (Wajidhagax) oo ku suganaa kaam ku yaal waqooyiga dalka Norway ayaa waxaa lasoo daristay marxalad aad u adag iyo sharci la`aan. Hadaba wariyeheena dalka Norway Ifraax Max'muud Cali (Ifraax Masoonto) oo kiiska hogaamiyahan si fiican ula socota ayaa waxey inoo xaqiijisay in hogaamiye (Wajidhagax) cusbitaal la seexshay kuna jiro COMA kadib markii lagala laabtay Sharcigi kumeel gaarka ahaa oo uu haystay. Hogaamiyahan ayey lasoo daristay marxaladan adag iyo dhibaatadan kadib maalinimadii Khamiistii mar uu kasoo adeeganayey dukaan ku yaalay tuulada uu kaamka kaga jiro. Meeshaas ayaa nasiib daro waxaa ku naf waayay islaan (80 jir ah)oo istaaga ka dhacday kadib markey ugusoo gashay hogaamiyaha dukaanka. Islaanta Baqtisay familkeeda oo aad uga xun falkan foosha xun oo lagula kacay hooyadood ayaa waxa ey sheegayaan in uu Mr Muunye (Wajidhagax) islaanta ka naxshay oo ka dafay baakad caana ah oo ey islaantu kala soo baxeysay qaboojiyaha dukaanka, waa sida hadalka ey u dhigeene. Mar ey wax ka weydiisay wariye (Ifraax Masoonto) madaxa booliska tuuladaas sababaha sharciga lagala laabtay hogaamiyaha ayaa waxa ey yiraahdeen waxaa ka mid ah falkan dilka ah oo uu geystay iyo in uu ku xad gudbay waqtiyadi loogu talo galay inuu dukaanka ka adeegto, asagoo loo ogol yahay maalintii saacad qura oo ah markey dadka tuulada kala seexdaan . Hada kahor ayaa ayadana waxa dhacaday in ey suuxdo gabar ka shaqeyneysay xafiiska ceyrta uu ka qaato hogaamiyaha, gabadhaas oo qaabilsaneyd cayrta lasiiyo Mr Munye oo waligeed ugu diri jirtay lacagtiisa bangiga ayaa waxaa dhacday in lacagtii wiiga lasiin jiray soo daahdo oo uu asagana Xafiiska caydha is xaadiriyo. Gabadhaas oo markey isha ka qaaday Mr Muunye suuxday . Hogaamiye Muunye ayaa waxa lagu wadaa in maxkamad lasoo taago marka uu bogsado. Ifraax Max`med (Ifraax Masoonto) Tromsö, Norway. Ar usoo duceeya Wajidhagax in balaayadaas laga qabto. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 27, 2007 Wajidhagax . Booliska dalka Norwey ayaa aad uga cabsaday suurada ninkan kadib markey booliska ka nexeen suuradiisa . dadka sida hogaamiyahan u eg ama ey isku suurada yihiin. Istaaqfurullah ! ! ! ! Now i want to see ninkan laga wada naxay suuraddiisa ..... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted August 27, 2007 "Islaanta Baqtisay" Af xuma wuxu! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted August 27, 2007 The Character is WAJIDHAGAX and the reporter is MA SOONTO ,,,,, so what u expect Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted August 27, 2007 LOL Wajidhagax, we ka suurtowda Somali warlords in ay la baxan magac noocas ah! Quote Share this post Link to post Share on other sites