General Duke Posted August 11, 2008 Muqdisho: "Kulanku wuxuu socday 30 Daqiiqo waxaan ka badnayn " Xafiisyada Madaxweynaha iyo kan Raysal Wasaaraha 9. august 2008 Muqdisho (AllPuntland)- Maalintii shalay waxaa xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha Dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane cabdullaahi Yusuf Axmed iyo Raysal-wasaaraha dawlada Federaalka Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) kulanka oo saxaafada wax war ah ayan labada masuul ka siinin ayaa saxaafadu dadaal dheer u gashay raadinta warka kulankaasi, iyadoo saxaafadu siyaabo kala duwan uga hadashay. AllPuntland oo ilaa xalay goor dambe ku gaartay baadi goobka xaqiiqda kulankii shalay waxay ugu dambayn ku guulaysatay inay ka hesho labada xafiis ee Madaxweynaha iyo kan Raysal wasaaraha hal war oo is waafaqsan... Kulanku wuxuu socday 30 daqiiqo waxaan ka badnayn ayay isku raaceen labada xafiisba. Waxaa kaliya oo kulanka looga hadlayay xalinta khilaafka soo dhex galay wada shaqayntoodii, waxaa uu madaxweynuhu u jeediyay in ay xalka ka raadiyaan ku shaqaynta xeerka u dagsan dalka, Raysal wasaaraha ayaa isaguna ku jawaabay in uu ku soo war celin doono oo uu kasoo tashan doono wuxuu ka yeeli lahaa arimaha taagan, labada xafiisba waxay isla qireen inayan jirin wax kale oo aan ka hayn is marxabayn. Waxaa jira xubno ka tirsan Dowladda iyo Waxgarad ka dhawaajiyay in Madaxda sare ee dowladda looga baahan yahay in ay ka wada hadlaan khilaafka jira siddii loo xalin lahaa isla markaana sharciga loo ilaalin lahaa iyadoo uu qeexan yahay waxyaabaha dhaliyay khilaafka. Wardoonadda APL* ee Guhaad iyo Yusuf ayaa warkaan isku soo duba riday AllPuntland, Xarunta * APL = AllPuntLand Quote Share this post Link to post Share on other sites
Geel_jire Posted August 11, 2008 .... sidii ey la carbistay oo kale .. gabre kolna yey ha dhirbaaxo kolna ha sasabto ! Quote Share this post Link to post Share on other sites