Dhuujiye Posted September 12, 2009 Sabti, September 12, 2009(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah ayaa gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe. Ahmedou Ould Abdallah iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxay xarunta madaxtooyada Puntland kulan kula qaateen madaxda maamulka Puntland, kuwaasi oo uu horkacayay madaxweyne C/raxmaan Faroole. Kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda, ammaanka, burcad badeedka iyo gargaarka bani’aadannimada. Wakiilka ayaa markii uu soo gaaray caasumada Puntland, wuxuu u sheegay Saraakiisha dawladda Puntland iyo Golaha Wasiirada ee soo dhaweeyey in uu aad ugu faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland, wuxuuna caddeeyey in uu aad ugu faraxsan yahay ammaanka iyo horumarka Puntland, waa sida uu hadalka udhigaye. Danjire Ould Abdalla ayaa markii uu tegayay Puntland waxaa uu horay u soo booqday Somalilnad, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa xisbiyada mucaaradka iyo weliba Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka. Maxamed Cali Roytar maxamed royter@hotmail.com 8232;Garowe, Puntland, Somalia Quote Share this post Link to post Share on other sites