Sign in to follow this  
Dhuujiye

Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire

Recommended Posts

Dhuujiye   


Sabti, September 12, 2009(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould Abdallah ayaa gaaray magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Ahmedou Ould Abdallah iyo wafdiga uu horkacayo ayaa waxay xarunta madaxtooyada Puntland kulan kula qaateen madaxda maamulka Puntland, kuwaasi oo uu horkacayay madaxweyne C/raxmaan Faroole.

Kulanka oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin siyaasadda, ammaanka, burcad badeedka iyo gargaarka bani’aadannimada.

Wakiilka ayaa markii uu soo gaaray caasumada Puntland, wuxuu u sheegay Saraakiisha dawladda Puntland iyo Golaha Wasiirada ee soo dhaweeyey in uu aad ugu faraxsan yahay imaanshihiisa Puntland, wuxuuna caddeeyey in uu aad ugu faraxsan yahay ammaanka iyo horumarka Puntland, waa sida uu hadalka udhigaye.

Danjire Ould Abdalla ayaa markii uu tegayay Puntland waxaa uu horay u soo booqday Somalilnad, halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay mas’uuliyiinta dowladda iyo kuwa xisbiyada mucaaradka iyo weliba Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka.

Maxamed Cali Roytar
maxamed royter@hotmail.com 8232;Garowe, Puntland, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this