Gabbal Posted April 5, 2006 Qeybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan gobolka J/Hoose ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey talaabadii maamulka IDJ u qaadeen wax ka qabashada khilaafkii ka jirey magaalada Kismaayo. April 05, 2006. HornAfrik. Mogadishu, Somalia. Sahro Cabdi Axmed. Kismaayo. E-Mail: - sahroaxmed@hotmail.com Qeybaha kala duwan ee bulshada kudhaqan gobolka J/Hoose ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey talaabadii maamulka Isbaheysiga Dooxada Jubba u qaadeen wax ka qabashada khilaafkii ka jirey magaalada Kismaayo. Qeybaha kala duwan ee dadweynaha kudhaqan magaalada Kismaayo ee gobolka J/Hoose ayaa si weyn usoo dhoweeyey talaabooyinka IDJ ugu qaadayaan horumarinta dhinaca amaanka. Arrintani ayaa kusoo beegantey kadib markii laba maalmood oo isku xigta IDJ magaha dadkii kudhintey xarunta maamulka degmada Kismaayo 19-kii bishii March ee sanadkan, iyo waliba dagaalkii ciidamada IDJ iyo kuwa Col. Cabdi Cigaal ay isaga hor yimaadeen, halkaasoo dhinaca Col. Cigaal ay uga dhinteen sida ay sheegteen 9 qof 8:00 fiidnimo ee xaley ayaa waxey maamulka IDJ ay bixiyeen diyada ragii ku dhintey dagaal kaasi ee dhinaca Col. Cabdi Cigaal oo gaarayey lix nin, iyadoo nin kiiba laga bixiyey 64,000,000 Sh/So. Bixinta magtani oo iyadu kamid aheyd qodobadii shanta ahaa ee heshiiska ay ku gaareen daarta Barawaa maamulka IDJ iyo Col. Cabdi Cigaal ayaa daahfur u noqon doonto in la isku daro ciidamada, lana amba qaado qodobada harsan. Quote Share this post Link to post Share on other sites