Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Xafiiska UNDP Somaliland oo la Dallacsiiyay

Recommended Posts

hadhwanaag 2007-07-05 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Wakiilka Hay’ada qaramada midoobay ee UNDP u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr.Bruno Lemarquis ayaa markii ugu horeysay Cadeeyey in go’aamada ku saabsan somaliland ee hay’adu gaadho ay Hargeysa lagu goyndoono, kaas oo markii hore loo diri jiray Magaalada Nairobi si looga soo arimiyo, isla markaana aanay dib u dhicidoonin go’aamo la isku celceliyo sidii hore u dhici jirtay.

Sida waxa uu Wakiilku ku sheegay shir jaraa’id oo uu xalay ku qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.

 

Waxa kale oo Wakiilku ku sheegay shirkiisa jaraa’id inay hay’ada UNDP dalacsiisay xafiiskii ay ku lahayd Somaliland oo ay u soo magacowaday nin ka madax ah oo aan hore u lahayn.

 

Wakiilka hay’ada UNDP u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Bruno lemarquis ee fadhigiisu yahay Magaalada Nairobi ayaa waxa uu yidhi. “Dhamaadkii sanadkii hore [2006] waxaanu kulan noocan oo kale ah la yeelanay dawlada [somaliland] si aanu u eegno qorshayaasha iyo dhinacyada kala duwan ee ay hay’ada UNDP wax ka qabatay kuwaas oo kala ah.

1. qeybta Maamulka dawlada iyo Horumarinta hay’adaheeda.

2. Nabadgelyada, iyo kala danbeynta.

3. Dabarjarida saboolnimada.

4. Sinaanta labka iyo dhediga, HIV/AIDS, xuquuqda bini’aadamka, iyo horumarinta Information Technology [iT]”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo u yidhi “Waxaanu si wada jira u dejinay barnaamuj aad loogu hanweyn yahay, kaas oo la fulinayey 2007-da, xiligaas aad ayaanu uga wararsanayn inuu hirgelidoono mashruucaasi iyo in kale.

Lix bilood kadib waxaanu la fadhinaa dadkii aanu la kulanay wakhtigaas oo ah dawlada iyo bulshada rayidka ah.”

 

Mr.Bruno lemarquis waxa uu yidhi “Maanta waa maalin wanaagsan, Maxaa yeelay waxa jira natiijooyin qurux badan, lixdii bilood ee ina dhaafay sanadkii hore”.

 

“Mashaariicdii aynu saaka qiimaynaynay waxay ahaayeen qaar lagu qanci karo, waxaanu ku guuleysanay 60% [boqolkiiba lixdan], taas oo marka qorshe la dejinayo ay tahay inaan la gaadhi karin 50% [boqolkiiba konton] oo la fulinkaro 35% ilaa 40% [boqolkiiba afartan], taas oo macnaheedu yahay inaanu dhaafnay yoolkii aanu sanadka hiigsanaynay” ayuu yidhi Mr.Bruno lemarquis.

 

Wakiilka Hay’ada qaramada Midoobay ee UNDP u qaabilsan Somaliland iyo Somaliya Mr. Bruno lemarquis oo ka hadlayey mashaariicdii horumarineed ee ay hay’adu ka hirgelisay Somaliland lixdii bilood ee sanadkan aynu ku jirno ee ina dhaafay waxa uu yidhi “Waxa ka mida waxyaabihii aanu qabanay lixdii bilood ee sanadkan [2007], waxa jiray shaqooyin badan oo aanu ka fulinay dib u habaynta shaqaalaha dawlada iyo tababarkooda, anagoo la kaashanayna machadka Tababarka shaqaalaha Dawlada iyo Hay’ada Shaqaalaha Dawlada, waxaana la tababaray 500 oo ka tirsan shaqaalaha dawlada oo ay ku jiraan dumar badan, waxa kale oo aanu ka taageernay dib-u-habayn lagu sameynayo dhismayaal fara badan, sida Jeelka Hargeysa oo bilo yar lagu dhameystiridoono.Waxa kale oo dayactir lagu sameeyey ama la dhisay saldhigyo badan, ama Maxkamado iyo xabsiyo oo ku kala yaala Galbeedka iyo Bariga Somaliland.”

 

Mr. Bruno lemarquis Waxa uu farta ku fiiqay inay hay’ada UNDP la bilaabidoonto wasaarada dib u dejinta hawlo badan, isla markaana waxa xusay inay la falanqeeyeen ILO iyo FAO sidiin loo bilaabi lahaa waxaa loo yaqaan Hargeisa Flood Control Program kaas oo bilaabmi doona todobaadka soo socda, ayuu yidhi.

 

“Waxa kale oo aanu taageero ka geysanay horumarinta siyaasada, sida diyaarinta sharciyada, iyada oo uu Barlamaanku ansixiyey sharciyo fara badan lixdii bilood ee u danbeyey, waxa kale oo aanu taageero dhinaca farsamada ka geysanay dhowr wasaaradood.Sidoo kale waxaanu hadalo cad oo daacada la yeelanay dhamaan dadka ay hawshu naga dhaxeyso” ayuu yidhi Wakiilka Somaliland iyo Soomaaliya u qaabilsan Hay’ada qaramada Midoobay iyo horumarinta Mr. Bruno lemarquis ee fadhigiisu yahay Magaalo Madaxda dalka Kenya ee Nairobi.

 

 

“Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay Wasiirka [Qorsheynta] go’aanka ah sidii ay hay’ada UNDP u sii xoojin lahayd joogitaankeeda Somaliland” ayuu yidhi Mr. Bruno lemarquis.

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “Waxa kale oo aan rabaa inaan idin-baro ninka loo soo magacaabay Xafiiska UNDP-da ee Hargeysa Mr. Balma Yahaya oo u dhashay dalka Burkino faso, kaas oo maanta [shalay] soo gaadhay Hargeysa, isla markaana noqondoona Masuulka haya’ada u fadhiya Xafiiska Hargeysa.”

 

Wakiilka Hay’ada qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Bruno lemarquis waxa uu cadeeyey in awood la siiyey xafiiska ay hay’ada UNDP-du ku leedahay Somaliland oo go’aamada ku saabsan Somaliland lagu goyndoono iyada. “Waxa la dalacsiiyey xafiiska UNDP ku leedahay Hargeysa, oo badiba go’aamada Hay’da UNDP-da ee Somaliland lagu gaadhidoono halkan [somaliland]

Ma jiridoonto go’aamo la isku cel-celiyo oo halkan[somaliland] iyo Nairbi ah, si toosana ayaa somaliland loogu gaadhidoono” ayuu yidhi.

 

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Somaliland Md. Cali Ibraahim Maxamed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Si aan uga qayb qaadano kulan qiimayn ah, oo ku saabsan mashaaariicda UNDP ee somaliland, kaas oo bilaabmay Saaka [shalay] dhamaadayna gelinkii danbe markay sacaadu ahayd 4:00, waxa uu ahaa shir muhiim ah oo ay u jeedadiisuna ahayd sidii loo qiimayn lahaa mashaariicda hay’ada UNDP ay ka fulisay lixdii bilood ee ina dhaafay”

 

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa raaciyey oo uu yidhi “ Iyo Weliba sidii loo qiimayn lahaa caqabadihii aynu la kulanay, iyo sidii meesha looga saari lahaa carqabadahaa.”

 

Mar la weydiiyey Masuuliyiinta UNDP ee u Shirka jaraa’id ku qabtay su’aal ahayd waxa ka jira inay ka qeybqaateen dabaaldegyadii lagu weyneeyey markii ay koonfurta Somaliya xornimada qaaday oo ku beegan 1Julay 1960-kii oo ay warbaahinta somaliland qaarkood sheegeen inay fasaxeen dhamaan shaqaalihii ka hawlgeli jiray xafiisyada ay hay’ada UNDP ku lahayd Somaliland munaasibada awgeed? Ayaa waxay ku tilmaameen inaanu warkaasi yahay aanay waxba ka jirin, isla markaana uu tahay war aan sal iyo raad toona aan lahayn oo waxba kama jiraana”

 

Waxa shirkaa jaraa’id goob joog ahaa madaxa Hay’ada UNDP u soo magacowday Somaliland Balma Yahaya, masuuliyiin sar sare oo ka ka socday xafiiska hay’adu ku leedahay magaalada Hargeysa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

I'm looking for the english version of the news ,,,,

 

 

In general, it is the UNDP office in somaliland promoted to directly deal with the government and making its own decisions without referring to Nairobi office.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this